Wadahadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Bisha December Uga Furmi Doona Turkiga Iyo Colaadaha Dagaalka Siyaasadeed Ee UN-Ku U Caddaystay Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wadahadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Bisha December Uga Furmi Doona Turkiga Iyo Colaadaha Dagaalka Siyaasadeed Ee UN-Ku U Caddaystay Somaliland
November 15, 2013 - Written by Wariye:

unNew York-(Wajaale News)- Qarammada Midoobay, ayaa fikrad qalloocan ka aaminsan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee la filayo inay bisha bisha December ee sannadkan 2013 markale ka furmaan magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.
Wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa la filayaa in miiska la soo dhigo ajandayaal aad u kala fog oo la xidhiidha madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo midnimada Soomaaliya oo wufuudda labada dhinac kala wataan, iyadgo wasiirrada khaarajiga Somaliland iyo Soomaaliya xaqiijiyey toddobaadkan in wadahadalkaasi furmi doono toddobaadka u horreeya ee bisha December 2013, kadib markii uu baaqday kulan labada dal 8-dii November oo Jimcihii toddobaadkii hore ku beegnaa ku yeelan lahaayeen waddanka Turkiga.
Haddaba, Qarammada Midoobay, ayaa si badheedh ah uga soo horjeedsatay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo ku salaysan rabitaanka shacbiga, lana safatay ajandayaasha dawladda Muqdisho wadato ee khuseeya sidii loo soo celin lahaa midnimadii Soomaaliya ee luntay sannadkii 1991-kii, arrintaasoo ka horimanaya shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee la xidhiidha in dadyawga adduunku ka tashan karaan aayaha iyo masiirkooda siyaasadeed.
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ambassador Jan Eliasson oo 30 October 2013 saxaafadda kula hadlay xarunta Guud ee UN-ka ee magaalada New York ee wadanka Maraykanka, waxa uu si badheedh ah u caddeeyey inay Madaxweynaha Soomaaliya ku barbar taagan yihiin dedaalkiisa la xidhiidha sidii uu u midayn lahaa dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland ku jirto.
“Somaliland waxay doonaysaa madaxbannaani. Dabcan, arrintaasna waxa ka soo horjeeda dawladda Muqdisho, waxaan ogahay in xidhiidh u socdo Muqdisho iyo Hargeysa, dawladda Turkiga ayaanna wadahadalkaas fududaynaysa.
Si kastaba ha ahaatee, Qarammada Midoobay qayb kama aha wada-xaajoodka heerka Somaliland iyo Soomaaliya isla joogaan, annagu haddaannu nahay UN-ta waxaannu la safanahay ama aannu dhinac joognaa madaxweynaha Soomaaliya si uu u sameeyo Soomaaliya mid ah, waxaanan ku rajo waynahay in uu arrintaas ku guulaysan doono (midnimada Soomaaliya),” ayuu yidhi Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Qarammada Midoobay, ayaa muddooyinkii u dambeeyey dagaal siyaasadeed kula jirta Somaliland, iyadoo hore si sharciga ka baxsan hawada Somaliland iyo Soomaaliya ka dhaxaysa loogu wareejiyey maamulka aan awoodda badan lahayn ee Muqdisho ka dhisan, taasoo ka horimanaysa heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya ku gaadheen dalka Turkiga ee khuseeyey in si wadajir ah loo maamulo hawada Soomaaliya, isla markaanna loo qaybsado dhaqaalaha ka soo baxa.
Sources, Jamhuuriya

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS