|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
WAJAALE NEWS
Ugaaska Guud Ee Beelaha Arab Oo Maanta Lagu Caleemo Saaray Magaalada Hargaysa.+Daawo-sawirada
November 6, 2013 - Written by editorUgaaska Guud Ee Beesha Araba Oo Maanta Lagu Caleemo Saaray Magaalada Hargaysa.
Hargaysa(Wajaale-news):-Munaasibada lagu Caleemo Saarayey Ugaaska Guud Ee Beelwaynta Arab Ayaa Maanta Lagu Qabtay Huteel Anbasatoor Ee Magaalada Hargaysa. Munaasibada Lagu Caleemo saarayey Ugaaska guud ee beelwaynta arab ayaa waxa kasoo qayb suldaano caaqilo odayaal siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo badan.
Caleemo saarka ugaas guud ee beelwaynta arab ayaa waxa ugu horen ka hadlay Maxamed Ibraahin Qabo waxaana uu yidhi?waxaan halkan dhamaan uga mahad naqayaa kasoo qayb galayaasha golaha dhaqanka golaha guurtida iyo wakiilada,golaha wasiirada iyo dhamaan inta soo ajiibtay kasoo qayb galid caleemo saarka Ugaaska Guud ee Beelwaynta Arab Ugaas Axmed Maxamed siciid (Cali Mahdi)kolay dhaqanku waxa uu ahaa in lagu caleemo saraaro miyiga lakiin miyigana waanu ubixi doonaa kolay waxaanu marlabaad iyo mar saddexaadba leenahay kolay waa madal dhaqan halkan waxa aynu ujoognaa duco iyo dardaaran uun waxaanu marlabaad iyo mar saddexaadba leenahay cuqaasha salaadiin iyo aqoonyahanka dhamaantii waad ku mahad santiin. Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay afhayeenka ugaaska guud ee beelwaynta arab oo ka shekeeyey tariikhda ugaas waxaana uu yidhi?ugaaska guud ee beelwaynta arab waxa uu dhashay sanadkii (1953) waxaana uu ku dhashay gobolka hawd iskuulada hoos sare iyo dhexena waxa uu ku dhamaystay hargaysa jaamcaddana waxa uu kasoo dhigtay wadamada yurub ugaas aynu maanta ceelo saaraynaa waxa uu soo tirsadaa 11sandalada markaas maanta waxa aynu ucaleemo saarnay ugaaska guud ee beelaha arab waan nin uqalma aqoonyahan ah waxa garad ah oo fiiro dheer weeyaan maahana nin la dagi karo.
Waxa isna munaasibada lagu celeemo saarayey Ugaaska guud ee beesha arab ka hadlay suldaan bare xaaji xuseen caraale waxaana uu yidhi?mudanayaal dadka maanta halkan iskugu yimi hebel iyo hebel lama odhan karo waxa uu ku dhanyahay oo dadkani halkan isugu yimi sidii ay ucaleemo saari lahaayeen ugaaska guud ee beelwaynta arab waxa anaga lana gudboon duco iyo inaanu farno dardaaran ugaaska waa laga soo shekeeyey tariikhdiisa waxaana laga soo shekeeyey samada aynu arkaynaa iyada oo aan midh daruura lahayn oo dadka leeyahay dayrti waa dhaqaaqda lakiin habeenkii hawshiisa la galay markiib waxa circa isku soo taagay daruuro ilaa saakan waxa da,aaya roob uun sidaas ayaad maraa ku garan kartaa uu uqalmo ugaas barakaysan.
Suldaan bare isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey?waxa weeyaan ugaas guud ee beelwaynta arab ee halkan maanta lagu caleemo saarayo waxaanu la garab taaganay markasta hadaanu nahay suldaanada arab garab iyo gashaan waxaanu markaas leenahay soo dhawoow ugaas soo dhawoow ugaas.
Suldaanka waxa uu ugaas kala dardaarmay ee uu yidhi?ugaas kii ku caleemo saariye kii aan ku caleemo saarin ogow ugaas waxaad tahay ugaas koodiiye ugaas intaan ku caleemo saarin iska daa mar uunbay iska soo noqone ugaas mudanaan ayaa naga mudan tahay hiil iyo hoo noo sookordhay ayaad tahay ee ogsoonoow ugaas.
Waxa isna ka hadlay munaasibada lagu caleemo saarayey ugaas guud ee beesha arab Boqor Ciise Khayre Haybe waxaana uu yidhi? marka hore waxaan salaamayaa mudane iyo marwooyinka sharafta leh ee kasoo qayb munaasibada lagu caleemo saarayo ugaaska guud ee beesha arab intaas ka dib ugaas waxaan kusoo dhawaynayaa gacamo furan ugaas waa lagu amaanay amaantana adaa iska leh oo gabi ahaanba koobsaday waana uqalantaa ugaas.
Waxa iyaguna munaasibada lagu caleemo saarayey ugaas guud ee beesha arab ka hadlay suldaan abshir maxamed ducaale oo ku hadlayey magaca suldaanada galbeedka magaalada hargays waxaana uu yidhi?walaalayaal anaga waxa ay xiiso gaar ah noogu tahay qoladayadan dhinacaas ka timi galbeedka waxa ay nootahay xiiso gaar ah waayo waanu usoo jarmaadana salaadii suabax markaanu tukanay ayaanu usoo kalahnay xalay manaan joogin hargaysa lakiin waxaan isku soo hawlnay hadaanu nahay salaadiinta daga gobolda galbeed ee magaalada hargaysa waxaan aad iyo aad ugu ducaynayaa ugaaska hanbalyana ugu dirayaa waxaana leeyahay ilaahay hakula garab galo xilkaas culus ee aad tunka uridatay. Dhan kale waxa isna halkaasi ka hadlay suldaanka guud ee beelaha g abooye suldaan naasir waxaana uu yidhi?munaasibadan caleemo saarka ah ee lagu caleemo saarayo ugaaska guud ee beelaha arab marka hore ka suldaan ahaan aad iyo aad ayaan usoo dhawaynayaa ugaaska kusoo biirya bahadii dhaqanka waxaana leeyahay ugaas soo dhawoo.
Suldaanka guud ee beelaha gabooye oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey?hogaaminta dhaqanku in ay tiirka ama lafadhabarta umada somaliland tahay waxa ay farxada wayn utahay umada somaliland gaaro ahaan gobolka maroodi jeex khaasatan gobolka hawd.
Ugaas hadaanu nahay bahdii dhaqanka somaliland kuwii aaboyaashood kasoo dhaxlay iyo kuwii kaleba ugaas waxa la yidhaa waxa uu nagaga yimi gobolada galbeed iyo bariga fog sida beesha ciise ay dhaqan ulahayeen hadana daqsimooyinka isaaqa ay suldaan ulahaan jirtay mar hadii magaca ugaas uu kuu darsamay boqorkii marlabaad waxaanu ku leenahay anaga oo ka mid ah beelaha xayn daabka isaaqa dagan yaala kusoo dhawoow ugaas bahada dhaqanka.
Suldaan maxamed suldaan bare warsme shire oo isna munaasibada ka hadlay ayaa waxa uu yidhi?marka hore madashan quruxda badan ee sida wanaagsan loo agaasimay laguna caleemo saarayo ugaaska beesha arab aad ayaan usoo dhawaynayaa waxaan ilaahay uga baryayaa inuu ufududeeyo xilkaas uu uqaaday beesha arab kuna hago cadaalada iyo sinaan.
Gudoomiye xigeenka 2-aad ee Golaha wakiilada Somaliland Cali Aw yusuf Axmed oo isna Madasha ka hadlay ayaa Hambalyeeyay Xilka loo doortay Axmed Maxamed Siciid islamarkaana ugu Bushaareeyay in dadkiisu barbar taagan yahay. Waxa uu ugu duceeyay in Ilaahay xilkaasi u fududeeyo.
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Gudoomiyaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ?Waxay ii tahay Farxad wayn inaan ka soo qayb galo Xaflada Caleemo saarka, waxaanan hambalyaynayaa Ugaas Axmed. Waxaanan Odhanayaa hal Eray oo Duca ah waxaan ugu ducaynayaa in Ilaahay u fududeeyo Xilkaas culus ee uu maanta Qaaday Ugaas Axmed Cali Mahdi. Ugaas Axmed iyo Qoyskiisa waxaanu nahay Family Friends, intaas waxba dhaafin maayo ee aan wada taageero Madax dhaqameed iyo Shacab iyo masuuliyiinba.? Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ciro. Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Sheegay in Xisbiga Ucid uga sido Hambalyo. Waxa uu sheegay in Ugaaska Cusub ay yihiin Saaxiibo islamarkaana uu yahay Nin Aqoon yahan ah. ?Waxaan doonayaa inaan sheego laba qodob oo aan hore loo sheegin Ugaasku horta waa Aqoon yahan waana Abwaan gabyaa ah.Markaan Miiska soo fadhiistay ayaan ku Idhi haddii Abwaan iyo Aqoon yahan aad ahayd imikana Ugaas aad noqotay waxaa kuu dhiman uun Madaxwayne. Waxaan kula dardaarmayaa, Suldaan La Caleemo saarayay Eray nin kula dardaarmay oo ahaa waxaad iska Ilaalisaa Gar Eexo, Go?aan la?aan iyo Gacan laaban. Qofka saddexdaas iska Ilaaliya ee Hogaamiye ah wuu guulaysanayaa. Waxaan ugu ducaynayaa inuu noqdo mid beel daajiye ah oo Umadda reer Somaliland isu keeno? ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ayaa isna hambalyeeyay Ugaaska Cusub. ?Madasha maanta aynu joognaa waa Madal lagu Caleemo saarayo Nin Mudan ah oo loo caleemo saarayo Xil dhaqameedkii ugu sareeyay Bulshadeena Somaliland. Waxaynu leenahay Ugaas Rooble, Ugaas Barkhadle, Ugaas Nuurle ugaaskii Barkhad iyo Badhaadhe iyo cadaalad inagu maamulo Alle ha kaa dhigo. Ugaas Axmed Anigu uga Baqi maayo inuu xilkiisa garan waayo, Beelaha Arab-na fili maayo inay mudi roorteeyaan oo dhaqan ayay leeyihiin, oo waxaan Aamin sanahay ficilkay leeyihiin ee Taariikhda ku leeyihiin inay Ugaaskana ku dhisi doonaan? Ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin. Ugu Dambayntii Ugaaska loo Caano Shubay Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) oo soo gunaanaday Munaasibada ayaa u mahad celiyay dadkii Munaasibada ka soo qayb galay madax dhaqmeed Masuuliyiin iyo dad waynihii kaleba. ?Maanta waxaan u fadhiyay waa Dardaaran, Talo iyo Duco, wax badan ayaana igu Duxay intii aan Fadhiyay, waanan Qaatay sideedaanan u fulinayaa Insha Allahu. Mar dhawayd waxaa la yidhi Arab ma Mucaaradbaa, waxaan in yar dib ugu noqonayaa wakhtigii dalkan la Xoraynayay ayaa Nin nooga yimid Diridhabe oo ka mid ahaa Ciidamadii dhaqdhaqaaqa ee Dagaalka ku jiray. Dabadeedna waxaa jiray wakhtigaa Wax khaakh iyo Shiish iyo Mucaarad iyo muxaafid la odhan jiray markaas ninkaas waa la waydiiyay su?aalo, oo waxaa la yidhi waarbal ka waran Qoladii Mucaaradka,oo wuxuu yidhi ?ma muxaafidkayga?. Bal Qoladii Muxaafadka ka waran? Ma muxaafadkayga ayuu yidhi?.bal Qoladii khaakhda ka waran ayaa la yidhi oo uu yidhi ma Khaakhdayda, oo la waydiiyay Shiishkii oo uu yidhi ma shiishkayga. Waxay isku soo duubtay macnihii inuu wax walba yahay. Waxaan uga socdaa Su?aashii ahayd Arab ma mucaaridbaa ?Arab waa wax walba Mucaaradku waa mucaaradkaygii Muxaafadkuna waa muxaafadkaygii? ayaa ka mid ahaa hadalka Ugaas Axmed Cali Mahdi Ugaaska Cusub ayaa Maalinta Barri ah la filayaa in lageeyo degaanada Gobolka hawd halkaasi oo Caleemo saar dhaqan loogu samaynayo. COMMENTS
|
LINKS
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|