Ugaas Xawaarreeye Oo Ku Baaqay In Gurmad Loo Sameeyo Deegaanada Xeebaha Somaliland Ee Khasaaruhu Ka Soo Gaadheen Roobabkii Dabaylaha Watay Oo Maalmihii La Soo Dhaafay Ku Dhuftay Jiidaas | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ugaas Xawaarreeye Oo Ku Baaqay In Gurmad Loo Sameeyo Deegaanada Xeebaha Somaliland Ee Khasaaruhu Ka Soo Gaadheen Roobabkii Dabaylaha Watay Oo Maalmihii La Soo Dhaafay Ku Dhuftay Jiidaas
November 18, 2013 - Written by editor

Ugaas Cabdillaahi Cabdi (Xawaarreeye), ayaa ka hadlay deegaanada waxyeelladu ka soo gaadhay Roobabkii dabaylaha watay ee Maalmihii la soo dhaafay ka da?aayey Somaliland, waxaanu sheegay in Roobabkaasi dabaylaha watay ay khasaare u geysteen Xoolihii yaraa ee dadka reer guuraagga ahi haysteen.

Hargaysa(Wajaalenews):-Ugaas Cabdillaahi Cabdi (Xawaarreeye), ayaa ka hadlay deegaanada waxyeelladu ka soo gaadhay Roobabkii dabaylaha watay ee Maalmihii la soo dhaafay ka da?aayey Somaliland, waxaanu sheegay  in Roobabkaasi dabaylaha watay ay khasaare u geysteen Xoolihii yaraa ee dadka reer guuraagga ahi haysteen.

Ugaaas Cabdillaahi Cabdi (Xawaarreeye), oo Warbixin kooban siiyey

Shabakada Caalamiga ah ee Wajaalenews.com ayaa waxa uu tilmaamay deegaanada khasaaruhu soo gaadheen waxaanu yidhi ? Marka hore waxaan Salaamayaa Shacbi-weynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan. Marka xigtana waxaan waxan Salaan iyo Hambalyo u dirayaa Shaqaalaha firfircoon ee Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews oo goor walba u heelan isku xidhka War iyo Wacaal Ummadda ku hadasha Afka-soomaaligga. Haddaan ka waramo waxyeelladii Nimcaddaa Illaahay shubay ka dhalatay waxa Khasaare soo gaadhay deegaanada Waqooyiga Hargaysa ee dhanka Xeebaha iyo inta u dhaw-ba, waxaa deegaannadaas ka da?ay Roob dabaylo wata, waxaanu khasaare u gaystay oo ku Dhintay Xoolo aad u badan, waxaanu ku burburay Guryo iyo Hanti badan.? Ayuu yidhi Ugaas Cabdillaahi Cabdi Xawaarreeye.

Isagoo hadalkiisa sii watanna waxa uu yidhi ?Marka laga Cabdi-geedi, Ceel la helay, Ceel sheekh ilaa Bula xaar waxa dadkii jiidaas yaalay soo gaadhay khasaare fara badan, markaa Salaadiin ahaan waxaanu Shacbi-weynaha u gudbinay in gurmad deg deg ah loo sameeyo dadkaas dhibaatadu qabsatay, hawshiina way socotaa  Xukuumadduna way ku dhawaaqday gurmad deg-deg ah inay fidinayso dhammaan dhinac walba oo khasaaruhu gaadhay. Salaadiin ahaan waxaanu baaq kale u diraynaa Qurbo-joogta reer Somaliland ee deegaanadaas ka soo jeeda inay gurmadka ka qayb-qaataan.? Ayuu yidhi

WAAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS