Telefoonka Adduunka ugu Qiimaha Jaban Oo Iibkiisu Suuqayada Caalamka Soo Galay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Telefoonka Adduunka ugu Qiimaha Jaban Oo Iibkiisu Suuqayada Caalamka Soo Galay
November 7, 2013 - Written by Wariye:

shirkada ugu qiimaha jabanHargaysa(Wajaale News)-Telefoonkan oo culayskiisu yahay 59 giraam ayaa noqday ka ugu qiimaha jaban ee adduunka, isla markaana ay goyn karaan dad badan oo u baahi qaba isticmaalka moobaylada.

Shirkadaha waaweyn ee Apple ugu horrayso oo caalamka soo galiya telefoonada casriga ah ee qiimahoodu aadka u sarreeya ayaa waxa ka yaabiyey shirkadda Al Catel, kadib markii ay suuqyada soo gelisay telefoono lagu sheegay kuwa adduunka ugu jaban.

Telefoonka shirkadda oo la yidhaa Alcatel 1010 waxay qiimahiisa suuqa ku dhigtay ?5 pound oo lacagta Ingiriiska ah, waxaanna ku rakiban moobaylka MP3 iyo maskax dhan 3MB iyo raadyo FM ah oo hawada si toos ah u soo qabsanaya oo aan kaaga baahnayn ateen aad u taagto amma dhego aad ku dhegaysato.

Telefoonkan oo culayskiisu yahay 59 giraam ayaa noqday ka ugu qiimaha jaban ee adduunka, isla markaana ay goyn karaan dad badan oo u baahi qaba isticmaalka moobaylada.

Tallaabadan shirkadda Alacet ku dhaqaaqday waxay aad uga cadhaysiisay shirkada waaweyn, iyadoo hore suuqyada caalamka u soo gelisay qalabo jaban oo meesha ka saaray qaar qiimahoodu qaali yahay oo shirkado waaweyn xuurto ku haysteen macaamiisha dunida isticmaalkooda.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS