TAlEEX MIYAANEY SOMALILAND AHEYN MISE SHIRKA DOODA QARAN AYAA KA WAYNAADEY XASUUQA SHACBIGA SOMALILAND” Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga UCID | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TAlEEX MIYAANEY SOMALILAND AHEYN MISE SHIRKA DOODA QARAN AYAA KA WAYNAADEY XASUUQA SHACBIGA SOMALILAND” Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga UCID
November 30, 2013 - Written by Editor:

JAMHUURIYADDA SOMALILAND                                                                                 REPUBLIC OF SOMALILAND

     

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka                                                                                                           {UCID}                                                                                                                                                                                 Justice and Welfare Party    

Ref/SUMUCID/2045/2013                                                                                                Date: 30/11/2013

 

UJEEDO/WAR MURTIYEED

TAlEEX MIYAANEY SOMALILAND AHEYN MISE SHIRKA DOODA QARAN AYAA KA WAYNAADEY XASUUQA SHACBIGA SOMALILAND

Waxaynu ka warqabnaa in maamul isku sheega puntland ay kawadeen weeraro lagu waxyeelaynayo shacabka Somaliland gudahana usoo galeen xadka Somaliland taasoo aanaya ilaa hada dawladu haba yaraatee wax dareen ah ka bixin.

Hadaba dawladu ma waxa ay leeday waxa is dilaya Khatumo iyo Punland, haday sidaa tahay marka koobaad waa aqoonsi ay aqoonsatay maamulka Khaatumo, marka labaadna waxa is waydiin leh xagay isku dilayaan miyaanay xuduuda Somaliland gudaheeda ahayn Taleex miyaanay Somaliland ahayn mise waxa dawlada kaga wayn shirka wada tashiga ee muwaadiniin reer Somaliland ee xaqa dastuuriga ah ulihi ay wadaan,.

Hadaa dawladu mawaxay leedahay dadkan la laynayaa reer Somaliland maaha oo wixii siyaasada nagaga horyimaadaa waxay luminayaan muwaadinimadooda xaqa u siinaysa in la sugu amaankooda oo cadawga debeda iyo ka gudahaba laga difaaco, mise waxaad  odhandoontaan sidiinii  ma awoodno sugitaanka  xuduudaha dalka.

Hadaba umadu waxay idiinka fadhidaa  inaad u cadaysaan siyaasada aad ka leedihiin cadawga xuduudaha dalka gudihiisa  ku xasuuqaya shacabka iyo maatida reer somaliland, mise arinkiinu waxa weeye “  Mise Heshiis Qarsoon Oo Puntland aad kala Saxeexateen Ayaa Sidan Odhanaya ( in la xasuuqo shacbiga Somaliland ee dagan Area TALEEX)

Ugu danbeyntii waxaanu aad iyo aad uga xunahey oo aanu canbaareyneynaa Aamuska Xukuumada Iyo Iska Indha Tirka Xasuuqa Shacbigeeda Lagu Sameynayo Wadeenkeena Gudihiisa

 

 

By C/raxmaan Axmed Cali  (Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga UCID)

WAJAALENEWS

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS