|
|||||
WAJAALE NEWS
TAlEEX MIYAANEY SOMALILAND AHEYN MISE SHIRKA DOODA QARAN AYAA KA WAYNAADEY XASUUQA SHACBIGA SOMALILAND” Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga UCID
November 30, 2013 - Written by Editor:JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka {UCID} Justice and Welfare Party
UJEEDO/WAR MURTIYEED TAlEEX MIYAANEY SOMALILAND AHEYN MISE SHIRKA DOODA QARAN AYAA KA WAYNAADEY XASUUQA SHACBIGA SOMALILAND Waxaynu ka warqabnaa in maamul isku sheega puntland ay kawadeen weeraro lagu waxyeelaynayo shacabka Somaliland gudahana usoo galeen xadka Somaliland taasoo aanaya ilaa hada dawladu haba yaraatee wax dareen ah ka bixin. Hadaba dawladu ma waxa ay leeday waxa is dilaya Khatumo iyo Punland, haday sidaa tahay marka koobaad waa aqoonsi ay aqoonsatay maamulka Khaatumo, marka labaadna waxa is waydiin leh xagay isku dilayaan miyaanay xuduuda Somaliland gudaheeda ahayn Taleex miyaanay Somaliland ahayn mise waxa dawlada kaga wayn shirka wada tashiga ee muwaadiniin reer Somaliland ee xaqa dastuuriga ah ulihi ay wadaan,. Hadaa dawladu mawaxay leedahay dadkan la laynayaa reer Somaliland maaha oo wixii siyaasada nagaga horyimaadaa waxay luminayaan muwaadinimadooda xaqa u siinaysa in la sugu amaankooda oo cadawga debeda iyo ka gudahaba laga difaaco, mise waxaad odhandoontaan sidiinii ma awoodno sugitaanka xuduudaha dalka. Hadaba umadu waxay idiinka fadhidaa inaad u cadaysaan siyaasada aad ka leedihiin cadawga xuduudaha dalka gudihiisa ku xasuuqaya shacabka iyo maatida reer somaliland, mise arinkiinu waxa weeye “ Mise Heshiis Qarsoon Oo Puntland aad kala Saxeexateen Ayaa Sidan Odhanaya ( in la xasuuqo shacbiga Somaliland ee dagan Area TALEEX) Ugu danbeyntii waxaanu aad iyo aad uga xunahey oo aanu canbaareyneynaa Aamuska Xukuumada Iyo Iska Indha Tirka Xasuuqa Shacbigeeda Lagu Sameynayo Wadeenkeena Gudihiisa
By C/raxmaan Axmed Cali (Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga UCID) WAJAALENEWS HARGEISA OFFICE Related posts:Maxaa Lagu Xusuustaa Weriye Cawil Daahir Salaad oo Maanta Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Muqdisho Wasiirka Maaliyada Somaliland Qayb Intee Leeg Ayuu Ku Leeyahay Musuqmaasuqa Dalka Iyo Ku Shaqaysiga ... Wadooyinkii Ay Dawlada Hoose Ee Hargaysa Ka Banaysay Xaafada Linka Bilayska Oo Dib Loo Xidhay Iyo Xo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|