Somaliland: Wasiirka Diinta oo Sucuudiga kula Kulmay Hay?ad Samo-falka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland: Wasiirka Diinta oo Sucuudiga kula Kulmay Hay?ad Samo-falka
November 2, 2013 - Written by Wariye:

Wasiirka-diintaHargaysa(Wajaale News)-Wasiirka wasaarada diinta iyo aw-qaafta Somaliland. Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo booqasho ku jooga dalka Sucuudiga ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta Hay?adda International Islamic Relief, oo ah Hay?adda dalkaasi u qabilsan mucaawinooyinka dalalka Islaamka ay u fidiyaan.
Masuuliyiinta hayadaha International Islamic Relief, ayaa Wasiirka diinta iyo aw-qaaftaku bogaadiyay sida xilkas-nimada ah ee ee uu ugu fududeeyo ama gacan uga siiyo howlaha garagarka ah ee ay ka fuliyaan Somaliland, waxaana ay u soo bandhigeen mashaariic cusub oo hayadoodu ka fulinayso Somaliland, kuwaas oo ku saabsan waxbarashada iyo caafimaadka.
Wasiirka wasaarada diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa dhankiisa soo dhaweeyay mashaariicdaasi waxaanu u balan qaaday in dowlad ahaan ay kala shaqayn doonaan, isla markaana ay u fududayn doonaan sidii loo hirgalin lahaa mashaariicdaas iyo mashruuc kasta oo ay ka fulinayaan gudaha Somaliland.

Kulankana wasiirka wasaarada diinta iyo aw-qaafta Somaliland. La yeeshay masuuliyiinta hayadaha International Islamic Relief, ayaa ka qabsoomay xafiiskooda magaalada Jidah ee dalka sucuudiga waxaan wasiirka ku wehelinayay Sheekh Cusaama C/kariim oo ah xidhiidhiyaha hayadaha dalka Sucuudiga ee wasaarada diinta iyo aw-qaafta.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS