Shirkadda Inta Badan Siisa Korontada Hargeysa Ee KAAH Oo Ku Dhawaaqday Qorshe Cusub Oo Ay Xadhkaha Laydhkeed Dhulka Hoostiisa Ku Marinayso. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadda Inta Badan Siisa Korontada Hargeysa Ee KAAH Oo Ku Dhawaaqday Qorshe Cusub Oo Ay Xadhkaha Laydhkeed Dhulka Hoostiisa Ku Marinayso.
November 10, 2013 - Written by editor
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa hore ugu Amray Shirkaddaha Laydhka iyo kuwa Isgaadhsiinta inay Xadhkahooda Dusha mara Dhulka hoostiisa mariyaan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa(Wajaale-news)-Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran Cadde Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Masuuliyiinta Shirkadda Laydhka ee Kaah ayaa kaga dhawaaqay inay Xadhkaheeda Laydhka Dhulka hoostiisa Marinayso, iyada oo fulinaysa Amarkii Wasiirka Arimaha gudahu ku socodsiiyay Shirkada Isgaadhsiinta iyo Laydhka ee Bilicda Magaalooyinka Ku Aadanaa.

Ugu Horayn Gudoomiyaha Maamulka Shirkadda Laydhka ee Kaah Xasan Bulbul waxa uu sheegay inay Bilaabayaan 10KM ee u horeeya.

“Annagu Haddaanu nahay Shiradda Kaah oo ah ta ugu weyn shirkaddaha Burco haday noqoto, Ceerigaabo iyo Caasimada-ba, waxaanu Go?aansanay inaanu fulino Amarkaas Xukumadda ka soo baxay oo aanu u Aragno inuu Dalka iyo Dadkaba wax u tarayo Caalam ahaan waa laga Baxay Laydhkii Korka la marin jiray, markaa maa daama aynu Tadawur u socono Intaalkeenu ha iska yaraadee waa inaynaan ka hadhin, waxaanuna Maanta soo horumarinay 10-kii KM ee u horeeyay oo aanu xadhkii dhulka hoos mari lahaa keenay” ayuuyidhi Xasan Bulbul.

Maareeyaha Shirkadda Kaah Cabdiraxmaan Cismaan Kaahin ayaa isna iftiimiyay in Shirkaddoodu wado Qorsheyaal ay Dalka kaga fulinayso Laydh ka Jaban ka hadda la isticmaalo uu sheegay inuu Qaali ku yahay sababo la xidhiidha Shidaalka la isticmaalo oo qaaliya Awgeed.

“Waxaan jecelahay inaan Dadka ugu bushaareeyo inaanu noqonay Shiraddii ugu horaysay ee Fulinaysa Xadhkaha Dhulka hoostiisa Mara, inkasta hanagu qarash badnaato ee haddana waa waxaan ilaa 30 sano la dayac-tirayn. Shirkaddaha nala dhiga ahna waxaan ku boorinayaa inay Qaataan Barnaamijkaa Dalka iyo Dadkaba u danta ah”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cismaan Aadan.

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco) ayaa isna sheegay in hadda ay Engineer-da Dawladda hoose iyo kuwa shirkadda Kaah iska kaashanayaan sidii loo dhigi lahaa Xadhkaasi Dhulka lagu Aasayo.

“Waxaanu halkan Mar kale ugaga Celinaynaa in wakhtigii Ganaaxu Soo dhaw yahay Shirkaddaha Telefonada, oo aanu leenahay Xadhkihiina Go`aan ka gaadha iyadoo wakhtigii Ganaaxana maalmo yari ka hadhsan yihiin” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Soltelco.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u Mahadceliyay Shirkadda Laydhka ee Kaah. Waxa uu sheegay in khatar badan ay ku hayaan Biraha iyo xadhkaha laydhka ee Dusha la mariyaa Bulshada isagoo tilmaamay in dad badani ku dhinteen laydh qabsaday.

” Waxa dhacda in inbadan laga soo qaado Qof aad moodo inuu iska taagan yahay oo Biir laydh oo taxalaysatay Madaxa ku hayo sdii uu ku tukanayo laakiin Goor hore Naftu ka baxday. Waxaana kii ugu dambeeyay ahaa Doraad. Birahaasi waxay keenayaan Khatar aanu Ninki iwarshada lahaa ugu tala galin, oo laga yaabo in Boqol halaad mar walba laga qaado hadaan Dambi kaleba loo raacin.

Markaas si loo Badbaadiyo Nafaha dadka waa inaynu Khataraha wadooyinka yaala aynu ku Ururino sida Biraha Laydhka ee Taxalaysta. Aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinaynaa Shiraddan oo ka badbaaday Ganaaxii Cuslaa, kuwa kalena waxaan leeyahay Degdeg u sameeya. Waxaan doonaynaa in Magaalooyinkeenu noqdaa kuwo Ishu qaban karayso” Ayuu yidhi wasiirka Daakhiliga Somaliland.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa hore ugu Amray Shirkaddaha Laydhka iyo kuwa Isgaadhsiinta inay Xadhkahooda Dusha mara Dhulka hoostiisa mariyaan. SHirkaddan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee Amarkaasi fuliso marka laga reebo dadka Wadooyinka Halbowlaha Suuqyada ku yaalo ooh ore u fuliyay Amar ahaa inay inta laamiga u dhaxaysa mariyaan Mar-mar.

 

 

 

WAJAALE NEWS DESK

 

HARGEISA OFFICE

CONTACT US: Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS