shirkada dahabshiil oo lagu tuhunsan yahay xadhiga ganacsade jaamac oomar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
shirkada dahabshiil oo lagu tuhunsan yahay xadhiga ganacsade jaamac oomar
November 25, 2013 - Written by Editor:
waxa mudooyinkii u adanbaysay kuxidhnaa ganacsade jaamac oomaar seed oo ah ganacsade u dhashay Somaliland iyo jabuutiba ganacsigiisuna sixoogan uga shaqeeyo Somaliland isla markaana ganacsadaha ugu waxsoodajinta badan dalkan ee la odhan  karo waa mid ka mid kuwa ugu muhiimsan ee ganacsigiisu lafdhabarta u yahay Somaliland

Ayaa dawlada jabuuti xidhay horaatii bishan iyadoo 6 cisho markii uu xidhnaa ay dawlada jabuuti sii daysay ka dibna ay kiiskiisii u mudaysay 24 bishan axadii shalay islamar ahaantaana uu dib uga dhacay loona riixay ilaa 27 bishan  oo ku began arbacada. Hadaba xogaha ay shabakada wajaalenews ka helayso dalka jabuuti ayaa sheegaya in eeda ugu muhiimsan ee ilaa imika ay hayaan xeer ilaalinta jabuuti ay tahay document ay ka heleen shirkada xaawalada ee DAHABSHIIL laantooda DUBIA dhanka kale iyadoo    aan wali sicad loo hayn eediisa dhabta ah hadana bulshada ku dhaqan jabuuti waxaa laysla dhexmarayay eedo dhawra kuwasi oo lalahaa waxaasi ayaa loohaysaa lakiin marba marka kadanbaysa ayay isasoo tarayaan xogo u dhowdhow arimaha loohaysto

Waxaa mudo lalahaa waxaa loohaystaa kootorabaan uu si tuuga ah ugaliyay jabuuti in mudo ah kadib ayay aritaa sibadashay kadib markii lawaayay wax kotorobaana oo kucad ganacsade oomaar waxaana laxaqiijiyay in habayaraatee aan lagu lahayn xoolaha oomaar

Hadaba sida aynoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhowdhow ayaa waxaa lasheegayaa in dacwadiisa ay dabada kariixayso

Shirkada xawilada lacagaha ee dahabshiil oo ah shirkada ugu wayn geeska afrika xawilaada lacagaha arinta ayaa noqotay arinta ugu hadalhaynta badan maalmahan waxayna xoguhu tibaaxayaan ayshirkada dahabshiil coolada kaqaday kadib markii ganacsade oomaar furay xawaalad casriya iyo baanba waana sobabta keentay in ay dahabshiil kuwan jalaan in xidhiidh ganacsi kadhaxeeyo inboore oo dawalada jabuuti mudooyinkii udanbeeyay ku hawlanayd sidii hantidiisa loo xanibilahaa mudo laba biloodana uuna kafadhiisanin xeer ilaaliyaha jabuuti uuna gaaf wareegay dubia si uu eedaymo macquula ugu helo  inboore  hadaba eedayntan dahabdhiil ayaa salka kuhaysa kariixashada’ tartanka ganacsiga xorta ah iyadoo ka faaiidaysanasa awooda xukuumada hada jirta oo ilaalisa danaha dahabshiil

Hadaba macada wali arintani halka ay biyo dhigandoonto iyo wakhtiga ayqaadantoba

Eedahan ayaa hadii dahabshiil ku cadaadaan waxay horseedaysaa xaalad ku uguba bulshada somalida oo kareeban in aan xaga ganacsiga layska weerarin waxayna horseedaysaa qalalaase horleh oo aan la ogayn meel uu fadhiisandoono;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;

Wixii kazoo kordha arinta xadhiga oomaar kala soco shabakada wajaalenews,com

 

Wajaalenews.com

Hargeisa office

Contact wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS