|
|||||
WAJAALE NEWS
Shaqaalaha MCH-ka Magaalada Kala-baydh oo Eedo u soo Jeediyay Iskuduwaha caafimaadka Gabiley
November 3, 2013 - Written by editorShaqaalaha MCH-ka Magaalada Kala-baydh oo Eedo u soo Jeediyay Iskuduwaha caafimaadka Gabiley(Ciise Sh, Muxumed Warsame
Xubnahan ka tirsan shaqaalaha MCH-ka magaalada Kala-baydh ee gobolka Gabiley
Gabiley (Wajaale-news): Qaar ka mid ah shaqaalaha mudada dheer ka hawlgalay MCH-ka magaaladda Kala-baydh ayaa ku eedeeyay isu duwaha Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Gabiley inuu ka musuqmaasuqay mushaharkoodii, isla markaana uu siiyay lacagtoodii dad kale oo aan shaqaale ka ahayn MCH-ka o uu ka keenay magaalada Gabiley. Xubnahan ka tirsan shaqaalaha MCH-ka magaalada Kala-baydh ee gobolka Gabiley oo xalay la soo xidhiidhay Wajaale-news ayaa sheegay inay yihiin shaqaalae muddo shan sano ah iyada oo aan wax mushahar la siinin ka dib markii bishan dhamaatay loo bilaabay mushaharkii inuu sifo sharci darro ah kaga reebay mushaharkoodii ay xaqa u lahaayeen. Waxaanay tilmaameen shaqaalahani in isku duwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka Gabiley qaabilsan wasaarada caafimaadka Ciise Sheekh iyo madaxa MCH-ka Kala-baydh Xasan Ayax ay si badheedh ah uga cuneen musharkii ay u qortay wasaarada caafimaadku, waxaanay shaqaalahani ku eedeeyeen masuuliyiinta in lacagtoodii la siiyay shaqsiyaad ay isku hayb yihiin, isla markaana aan deganayn Kala-baydh kana shaqaynin MCH-ka Kala-baydh. MCH-ka magaalada Kalabaydh oo aan wax shaqo ah oo muuqata aan qaqbanin muddo ku siman laba iyo labaatan sano, ayaa si rasmi ah hawlaha adeegiisa shaqo bilaabay badhtamihii sanadkan ka dib markii ay gacan ku haynta xaruntaasi la wareegtay hay’ada wadaniga ah ee GAVO, taasi oo bixisa musharka qaar ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala xaruntaasi, isla markaana tababaro u fidisay shaqaalaha. Sidoo kale hay’adda wadaniga ah ee GAVO ayaa taageero dhinaca daawooyinka iyo qalabka ah siiyay MCH-ka Kalabaydh iyaga oo xubnahani ku tilmaamay talaabaadan ay kula kaceen isu duwaha caafimaadka iyo madaxa MCH-ka Kalabaydh mid cadaalad darro ah, taasi oo ayku tilmaameen arrin ku salaysan qabyaalad. Ayaanle Nuux Jaamac oo ka mid ah shaqaalaha loo qoray musharka bal se markii la keenay mushaharkooda uu isu duwaha caafimaadka gobolka Gabiley Ciise Sheekh u diiday oo (Wajaale-news) uga sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi “isu duwihii hore Dr. Axmed markii uu noo yimid ayuu magacyadayadii wada qaaday sidaasi ayaanu ku gudbiyay, markaasina waxaa la wareegtay hay’adan la yidhaahdo GAVO waxay ahayd 2012-kii musharkii markii ay 3-dii bilood ee u horeeyay soo daysay shaqaalihii kale oo 7 qof ah way wada heleen, aniga iyo gabadh ayaa waynay. Anigu shan sanadood ayaan bilaa mushahar ku shaqaynayay”. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Saddexdan bilood ee u danbeeyay markii la keenay gabadhii aanu markii hore wada waynay way heshay, maalintii danbe ee uu yimid Kalabaydh isu duwaha caafimaadku ayuu shaqaalaha waydiiyay qoladayda, waana loo sheegay ka dibna wuu iska tegay, laba maalmood ka hor ayuu hadana noo yimid isaga oo mushaharkii sida, dabadeedna shaqaalihii ayuu u qaybiyay aniga wuu iga reebay, marna anigu wax mushahar ah ma qaadan markii aan waydiiyay sababtana waxa uu igu yidhi adigu qoladaas ayaad tahay inan kale oo uu Gabiley ka soo kexeeyay ayuu siiyay, taasina waxay ii cadaysay maalintii uu isu duwuhu qoladayda waydiinayay shaqaalaha ayaad, ma yimaado shaqaalaha ayaana markhaati ii ah in aanu ninkaa uu lacagtayda siiyay malin qudha meesha iman, waana Maxamed ninka la yidhaahdo Ciise Sh. Muxumed Warsame, sababta aad magacayga u waydiisay way ii cadaatay, waxaanu igu yidhi haa oo adigu reer hebel ayaad tahay.”
WAJAALE NEWS DESK GABILEY OFFICE CONTACT US : Wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|