Shacabka Reer Burco Oo Canbaareyay Fashilkii Iyo Wadadii Beenta Ahayd Ee maayir ku Xigeenka Iyo Qaar Ka mid Ah Xildhibaanada Burco Dhagaxa Dhigeen Kuna Tilmaamay Fashalkii Uu Horeeyay Ee Dawlada Hoose . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shacabka Reer Burco Oo Canbaareyay Fashilkii Iyo Wadadii Beenta Ahayd Ee maayir ku Xigeenka Iyo Qaar Ka mid Ah Xildhibaanada Burco Dhagaxa Dhigeen Kuna Tilmaamay Fashalkii Uu Horeeyay Ee Dawlada Hoose .
November 29, 2013 - Written by Wariye:
Burco(Wajaale News)- Shacabka Reer Burco Oo Canbaareyay Fashilkii Iyo Wadadii Beenta Ahayd Ee maayir ku Xigeenka Iyo Qaar Ka mid Ah Xildhibaanada Burco Dhagaxa Dhigeen Kuna Tilmaamay Fashalkii Uu Horeeyay Ee Dawlada Hoose ee Burco .
Dadwaynaha ku dhaqan Degmada Burco ee gobolka togdheer ayaa aad u Canbaareyay Falkii foosha Xumaa ee uu ku kacay maayir ku xigeenka Burco ahaana ku simaha maayirka magaalada Burco Maxamud Xasan Jaamac uu ku kacay kaas ay ku waheliyeen qaar ka kid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka magaalada Burco Iyo waliba xoghayaha.
 
Dadwaynaha magaalada Burco ayaa maalmahan oo dhan afka ku hayay hadal haynta wadada qashinka la dhigay ee lagu sheegay in xadhiga laga jaray Taas oo maayir ku xigeenka Iyo xoghayuhu Itay TV yada Iyo warbaahinta isi soo hortaageen ku sheegay Inay wado cusub ka hir galiyeen xaafada ka mid ah magaalada Burco dhexdeeda Taas oo aan Haba yaraate wax ka jiraa aanay jirin ee Ahyd been Iyo mala Awaal lagula kacay shacabka deegmada Burco oo sugaya in si degdeg ah mayirku Uga jawaabi Musuqmaasuqaa lagula kacay shacabka ku dhaqan Degmada Burco oo filaayay shaqo ka Duwan Taas. Dhinaca kalena Ilo wareedyo aanu helay ayaa sheegaya in qadaraas uu ku siiyay mayir ku xigeenka Iyo xoghayahu nin Ganacsade ah kaas oo xanbaartay qarashkii wadada loogu talo galay.
 
Qaar ka mid ah dad waynaha ku dhaqan magaalada Burco oo shalay galab Shabakada wararaka ee caalamiga ahi wax ka waydiisay ayaa noo xaqiijiyay inaan wax Dhagaxa Iyo Wado cusub oo xadhiga laga jaray jirin ee ah ahayd riyo been-been mala awaal ah oo maayir ku xigeenka ahaana ku simaha maayirka Magalada Burco ay dadka u soo ban dhigeen Musuqmaasuqna lay bixiyay lacagtii loogu tala galay in lagu dhiso wadaa Iyo wadooyin kale oo haayado bixiyeen qarash kooda waa sida ay hadalka u dhigeen.
 
Yasiin Axmed oo ka mid aha dadka aanu wax ka waydiin arinkan kana soo jeeda oo jaar la ah xaafada la Sheegay in dhagax iyo dib u habayn lagu sameeyay ayaa noo xaqiijiyay in aan Haba yaraate wax dayac tir ah lagu samayn wadaa waxana ayna ka jirin . Dhinaca kalena waxaanu Isku daynay inaanu wax ka waydiino mayir ku xiigeenka Degmada Burco Eedayantan Iyo Muranka ka taagan wadadaa noo mana suura galin oo waxaa uu naga qaban waayay telefoonka .
 
Si kastaba ahaate waxaa shalay dalka dib ugu soo laabtay maayirka magaalada Burco Maxamed Muraad oo marka arinkani dhacay ka Maqnaa Degmada isagoo ku maqnaa dalka Tanzania waxaanay shacabku sugayaan Inuu baadhis dégag ah ku sameeyo arinkan kana war Bixiyo.
Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS