Sadexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Si Wada Jir Ah U Canbaareeyey Falkii Lagula Kacay Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Kulmiye Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Ka Hadlay Wax Qabad La,aanta Falalka Noocan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sadexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Si Wada Jir Ah U Canbaareeyey Falkii Lagula Kacay Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Kulmiye Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Ka Hadlay Wax Qabad La,aanta Falalka Noocan
November 11, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-sadexda xisbi qaran ee Somaliland  ayaa si wada jira u canbaareyey falkii isku dayga dilka ahaa ee lagula kacay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.

sadex xusbi

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani ahna ku simaha gudoomiyaha xisbigaasi Axmed Muumin Seed  oo warbaahinta kula hadlay xafiiska xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in xisbiga Waddani si weyn u canbaaraynayo falka lagula kacay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye mujaahid
Maxamed Kaahin Axmed ?waxaynu hore u ogayn falkii lagula kacay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile isaga oo lagu aanaynayo inuu xukuumada wax ka sheegay tan labaad ee maanta dhacdayna waa nasiib daro in mujaahid Maxamed Kaahin oo ka mid ah ragii u soo halgamay dalkan in laysku dayo in la dilo  waanan canbaaraynaynaa talaabooyinkana waa qaar soo baxay intii ay dalka haysay xukuumada xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale musharaxa madaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo ayaa isaguna dhinaciisa canbaareyey falkan lagula kacay gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay inay falalkan dhiiri gelinayso wax qabad la,aanta aanay xukuumada talaabo cad ka qaadin falalkii noocan oo kale ahaa ee hore uga dhacay dalka waxaanu yidhi ?isku daygii dil ee shalay lagula kacay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye mujaahid Maxamed Kaahin Axmed haddii aanu nahay xisbiga Ucid waanu canbaaraynaynaa waananu ka soo hor jeednaa,sidaanu hore uga soo horjeednay isku daygii dil ee hore loogu kacay,waxaanu arinkaas dusha ka saaraynaa xukuumada Somaliland oo aan waxba ka qaban isku dayadii hore ee dhacay ee ay ka mid ahaayeen kii lagu qaaday wargeyska Hubaal iyo kii ugu danbeeyey ee lagula kacay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile kuwaas oo dhana waxaanu xukuumada ka filaynay inay talaabo adag oo sharciya ka qaado taasina waxay keentay in markii waxba laga qaban waayey kuwii hore uu nin waliba is yidhaahdo sidaad doonto ayaad yeeli karaysaan.?ayuu yidhi musharaxa madaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag u canbaareeyey falkaa lagula kacay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, waxaana warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in xisbiga Kulmiye si weyn u canbaaraynayo falkaasi.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS