Saddex Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada SPU-da Oo Falal Budh-cadnimo Saaka Ka Bilaabay Xaafadda Jig-jiga Yar Ee Magaalada Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saddex Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada SPU-da Oo Falal Budh-cadnimo Saaka Ka Bilaabay Xaafadda Jig-jiga Yar Ee Magaalada Hargeysa
November 19, 2013 - Written by Editor:

Hargeysa (WAJAALENEWS):- Xaafadda Jig-jiga yar ee magaalada Hargeysa ayaa saaka ku waabariisatay falal u muuqda kuwo budh-cadnimo oo ay wadeen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada booliska Somaliland gaar ahaan ciidamada SPU-da.

Saddex-dan Askari ayaa aad u garaacay nin ganacsade ah oo Meherad weyn ku leh xaafadda Jig-jiga yar ee magaalada Hargeysa, waxaanay markii dambe kala baxeen KOODH uu xidhnaa muwaadinkaasi oo magaciisa la yidhaa Maxamed Daa?uud Cawaale.

“Anigoo jooga meel aan ka fogayn meheradayda ayaan arkay Saddex Askari oo igu soo maqan ina soo gaadaya, isla markii aan Isha ku dhuftayna intay igu soo boodeen, si xunna ii garaaceen, ayey ila dhaceen qoryihii ay siteen dabadooda…” Ayuu Yidhi Ganacsade Maxamed Daa?uud.

 

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyey “Anigoo ku qaylinaya waar maxaad igu dilaysaan, ayey dadkii nagu soo yaaceen, nasiib-darro dadkiina wax ay eryadeen iyo wax iska aamusay oo ay indhaha can-dhuuf uga buuxiyeen ayey noqdeen, kadibna Koodh-kii aan xidhnaa oo waxoogaa Lacag ahi iigu jirtay iyo weliba Mobile ayey igala baxeen sidiibaanay igaga tageen, kuna qaateen….”

Sidoo kale askartan SPU-da ee budh-cadnimada saaka kula soo jarmaaday Shicibka, ayaa wax-yar kadib hadana waxay fal caynkaasi oo kale ah kula kaceen muwaadin magaciisa la yidhyaa Xasan, kana tirsan shaqaalaha hay’adda caalamiga ah ee IFAD. Waxaanay isagana Jidh-dil ay ku sameeyeen kadib kala baxeen KABO uu xidhnaa.

Nimankan dirayska Ciidamada xidh-naa oo anigoo ah (C/salaam-Abuhuryara) kana tirsan Hadhwanaagnews aan la kulmay markii ugu dambaysay ee muwaadinkaasi ay kabaha kala baxeen, ayaan gaadhay isaga oo mid ka mid ahi u hanjabayo muwaadinkii ay kabaha kala baxeen kuna leh “Haddaad Juuq tidhaahdid wallaahi birtaan ku dhaafin…”.

Shaki badan ayaa laga muujiyey Saddex-daa nin in ay ka tirsan yihiin Booliska Somaliland, balse waxaan anigu indhahaygaga saaray Saddex-daa nin, waxaanay xidhnaayeen Dirayska Ciidanka, waxaana garabyadooda ka muuqatay Astaanta ciidanka Booliska gaar ahaan ciidamada SPU-da. Waxaanay wateen gaadhi Shicib oo noociisu ahaa Land Crusier.kaasoo Lambarkiisu ahaa 42940. Waxaana Afaraynayey nin aan is idhi waa shicib balse ahaaa dirawalka gaadhiga.

Wer-wer fara badan iyo Sas ayaa saaka soo food-saaray shicibkii degenaa xaafadda Jig-jiga yar oo aad looga hadal-hayey dhacdadaasi  yax-yaxa badan oo ugub ku ah guud ahaan dalka, gaar ahaan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS