Raxan Xildhibaano Ah Oo Axada Beri Si Rasmi Ah Ugu Biiraya Xisbiga Waddani Iyo Magacyada Qaar Ka Mid Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raxan Xildhibaano Ah Oo Axada Beri Si Rasmi Ah Ugu Biiraya Xisbiga Waddani Iyo Magacyada Qaar Ka Mid Ah
November 2, 2013 - Written by Wariye:

raxan xildhibanoHargeysa(Wajaale News)-Tiro xildhibaano ah oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa si rasmi ah Axadda beri ugu biiraya xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Sida ay ay sheegayaan   ilo xogogaali, xildhibaanadan oo laga soo doortay afar gobal oo ka tirsan gobalada Somaliland, ayaa wuxuu xisbiga Waddani Axadda u qabanayaa munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah. Sida ay ilahaasi sheegeen xildhibaanadan waxa horkacaya xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog oo hore uga tirsanaa xisbigii UDUB lagana soo doortay gobalka Hargeysa. Xildhibaan Aw Xoog ayaa ka

mid ah mudanayaasha ugu cadcad golaha wakiilada Somaliland ee sida adag u naqdiya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxaana sidoo kale ka mid ah xildhibaan Cabdiqadir Jaamac Tukaale iyo Xildhibaan Xasan Muuse oo laga soo doorto gobalka Awdal.

Hore waxa xisbiga Waddani ugu biiray xildhibaano tiro badan oo ka tirsan golaha wakiilada, waxaana la filayaa in raxantan xildhibaanada ahi sii xoojiyaan awooda xisbiga Waddani.

Xigasho Geeska.
Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS