Qosolkii biixi;qaadanwagii samaale,laba qalbilayntii siilaanyo iyo dagaal qarsoon ee kulmiye la isku isticmaalkii hubka culus ee qaaxoolajiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qosolkii biixi;qaadanwagii samaale,laba qalbilayntii siilaanyo iyo dagaal qarsoon ee kulmiye la isku isticmaalkii hubka culus ee qaaxoolajiga
November 13, 2013 - Written by Editor:

Balo kahig lahayd iyo waxay baasla hurudaaba hiinraaga feedhaha waxay hiririglaysaaba,

Waxaa hubaal ah in dagaalkiii qarsoona uu ku dhamaaday madaxtooyada sida ha muuqatay xafladii xildhibaanada uu ka dagay markabkii udub laguna soo dhaweeyay xisbiga awoodaha iyo faanka badan sheegta isla markaana ay sagaal xildhibaan aysiiyeen magan galyo xusbi oo hoosta kacalaamadsan oo aan simadaxbanaan u tagi karin qasriga ilaa uu horkoco gudoomiyuhu oo kusuntan halgankii dalkan lagu xoreeyay.

Hadaba dadka reer Somaliland wayka dharagsan yihiin actors ka hawl gala xukuumada silaanyo ee sida adag loolanka siyaasedeed  isugu hujuumayay daaha hoostiisa’ waxaanu muujiyay in gudoomiyaha kulmiye gacan sareeyo marka loo eego hadaladii cukuse meesha kayidhi kulmiye inuu can ku yahay khilaafka iyo degdeg u sixida khilafadka

Waxa kale uu ydhi abti iskukeen xusbiga oo waliba afka reer galbeedka ku wada hadla oo ta galbeedku way daba dheeraataaye soo gabiya.

Hadaladaasi iyo marka laysku geeyo farxada iyo hanabaadii kamuuqatay wajiga muuse biixi iyo hadaladiisii uu kuhalmaamayay madaxwaynaha oo uu siwayn u amaanayay isagoo yidhi; waa nelson mandela heena taasi ay muujinayso in labadii habeen ee u danbeeyay uu odayga jib uu leeyahay  kujiray uuna ku faraxsan yahay wiilka yare e cibaadada badan ee uu adeerka u yahay sida uu ugaga guulaystay beesha ku qaamaysan codka beesha galbeedka hargaysa iyo waqooyigu bixisay.

Hadaba muuse biixi ma madaxwaynanimo ayuu doonayaa? Hadii uu doonayo maxuma lakiin beelo badan oo reer Somaliland ah ayaa waxa ay ururiyeen colaadu fara badan waxayna u bahan tahay in wakhti dheer lada weeyo wixii tabasha ah taasi ayaa sobobi karta in beesha sacadmuuse oo muuse biixi horkacayaa madaxwayne doonto

Arintu waxay kabilaabmaysaa hada sida uu u daweeyo xurgufta siyaasadeed dhexmartay wasiirka maliyada oo isku beelyihiin ahna halka haantu katolmay waxaa xusid mudan dadkii taageersanaa samalena in uuna ficishan sifaha muuqadana durba muuse wuxuu bilaabay kuwii kazoo horjeday ee beesha inuu meelaha ay fadhiistaa uu u tagayo tamashle waana waxyaahala kareeban qof waxdoonaya. Waayo qofka manta Somaliland wax kadoonayaa waynu og nahay qofkasta uu u baahan yahay wuxuuna lamid yahay sida qof dawarsanaya,qof dawarsanayaana dookhmalaha.

Hadaba siilaanyo ayaan lamalayn karin waana ninku caana abaal la,aanta cidkastana dhinac kala socda.muuse iyo siilaayana waxaa soo kal gaadhay beeshiisa oo saleebaan gaal horkacayo muusena jacayl garab umaysiin ee waxay kala doorteen labadoda kaxumaan badan ma sida ay u yaqaanan waxyeeli kara.

Dhinaca kale waxaa halka dabka shidaya labada xusbi qaran oo isla helay cagta kuna dhawaaqay shir talo qaran kaasi oo ay dabada kariixayaa madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku oo rugcadaayo garanay sida siilaanyo looga qaban karo bulshada soona wada galay hawlo hore oo kuwo rag isku barto. Waxaa barbar socota hagardaamooyinkii siilaanyo u gaystay xukuumadihii kahoreeyay. Kazoo bilow tii marxuum cabdiraxmaan tuur ilaa daahir riyaale intaa hogaamiye ee kahoreyay siilaanyo iyo saleeban gaal hagardaamo mooyee habenkaliya kamay tali arin wanaagsan manta waygaranayaan in wixii aygaleen u yaalo;

wajaalenews.com kalasoco falooyin xiiseleh oo kusaabsan mahadhooyinkii kulmiye iyo maanta

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS