|
|||||
WAJAALE NEWS
Qiimee Qaran-kaaga!! Bal -eeg Qaylo-dhaanta – Qorshe-xumada iyo Qabyaaladeynta Wadooyinka.
November 14, 2013 - Written by Editor:Qormadii 47′aad Waa qormooyinkeenii – -Qiraayey Qudha iyo Qoonta iyo Qoomamooyin joogto ah.Waa qormooyinkeenii qeexaayey Dhurta, Dhaqanka iyo dhiteysiga xun ee xukuumadeenu caadeysatey. Waa qormooyinkeenii — Waa–Qaliban– Waa–Qadhiidh– Waa—Qadhaab– Waa -Qaaq — Waa Quus —Waa -Qeex — Waa Cad-Quudheed — Waa– Qurbaan– Qulaamin iyo Qudh-Qudho joogto ah –Waa Qaran -Jab iyo Qoomiyad la’aan, Mar hadii Qorshihii Wadooyinkiina Qabiil – Qabali iyo Qofaf Qoorta loo sudhey oo ay-Qabyaaladoobeen. Waxaa la isla meel-dhigay in wadooyinka laamiga ah ee Somaliland maraa uu dhererkoodu gaadhaayo ilaa iyo 770 km. Wadooyinka caro kaawada ah ama jayga adag ah ay iyana gaadhayaan ilaa iyo 1,225 km. Wadooyinka ciida ah ee ay sameeyeen taayirada baa-buurtuna ay gaadheyso ilaa iyo 6,800 oo km. kuwaas oo wadooyinka ciida ahi ay iyagu yihiin kuwa ugu badan wadanka oo u-baahan tacab, tamar iyo qorsheyaal qaran.Sidaad la wada socotaan Qorsheynta Wadooyinka qaranka waxaa u-xil-saaran Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Hayadii la odhan-jirey ( Somaliland Road Authority ) Hadaba Wadaagayaal waxaan qormadan idiinku soo bandhigayaa Qorshihii qaran ee hayadii wadooyinka iyo wasaarada qorsheyntu ay u-qorsheeyeen dhismaha wadooyinka qaranka iyo sida ay u-kala horeysiiyeen dhisida wadooyinka Somaliland iyaga oo loo eegaayo sida ay kolba mud-naanta u kala leeyihiin.Qorshan oo ka mid ahaa qorsheyaashii loogu wan-qaley qorshe-hawleedkii higsiga qaranka (National Development plan ) Wuxuu ahaa Qorshe hawleed waqti-badan iyo kharaj badan lagu lumiyey laguna fadhiisiyey waxaana uu ku mudeysnaa in lagu hirgeliyo shanta sanadood ee soo socda iyada oo laga soo bilaabaayo (2012 – 2016) Waxaana loo qorsheeyey in loo kala hor-mariyo oo loo dhiso wadooyinka wadanka sidan soo socota ee ay u-kala horeeyaan: 1- Dhismaha wadada Berbera Corridor iyada oo lala kaashanaayo caalamka – Habada wadaagayaal hal-ma isweydiiseen-Xagee ayey liiska qorshaha kaga jirtaa?? Wadada laga bineeyey Bariga Berberi ilaa iyo Ceel-Afweyn iyada ma jeebkaa lagala soo baxey? Jawaabta oo koobani waa Haa!! oo Waa wado aan qorshahaba ku jirin oo maalin riyood ah oo xaafadeysan oo Tolaayey ah. – Halkee ayey iyana bal-Liiska qorsheynta wadooyinka kaga jirtaa Wadada Burco ilaa Ceerigaabo oo ah wado muhiim ah? – Iyadana waa laga horeeyaa oo dhexda ayey liiska qorsheynta kaga jirtaa, waxaana ka horeeya wadooyin wada qabyo ah oo dhexda maraaya oo dhabadoodii sii qoyan tahay. Iyada oo qorshaasi uu jiro oo uu ku xardhan yahay boog culus oo Wasaarada Qorsheynta iyo madaxtooyada inoo tiirsan oo aan cidna loo soo ban-dhigin ayaa qaybo ka mid ah bulshooyinka kala duwan ee Somaliland ay is abaa-buleen oo ay gudiyo iska saareen oo ay u-tafa-xeyteen in ay wadooyinka wadanka dhisaan oo waxay bilaa-been in ay dhisaan wadooyinkan hoose iyaga oo la kaa-shanaaya shacabka, qurbe -jooga iyo xukuumadeena uu hada xaalkeedii noqdey ” dhagaxga-dhig-oo-dhaaf” 1- Wadda isku xidha Burco ilaa Oodweyne oo ilaa hada Qabyo ah oo ay xukuumadii ka yeeshay ” qawda ma-qashii -waxna haw-qaban” Hadaba waxaa fajaciso ku noqotey shacabkii reer Somaliland oo ay dhawaan ku waa-bariisteen iyada oo ay hore u-jireen qorshe 17 wado ah oo uu wadanku hore u-lahaa sababta loo la baal-marey. hadiise la il-duufey hal-mar ,sababta hadana ay xukuumadu mar labaad u-baal-martey 4-taa waddo ee gaa-gaaban ee iyagana shaqadoodu ay sii qoyan-yihiin ee ay socoto ee iyagana aan laba caliba is-weydiin. Waa yaab!! waxaa wax-garadkii wadanka oo wadnaha farta ku hayaa ay indha-hooda ku arkeen xukuumadii iyo hawl-wadeenadeedii oo tafa-xeydan oo dar-dar gelinaayaa wadooyin aan qorshii hore iyo qorshe danbe toona aan ku jirin oo ay ugu horeyso wadada Berbera ilaa Ceel-afweyn wadadani waa wado aan sanadkan qorshaha ku jirin waxaana uu ejineerkii dhisaayey ka dhawaajiyey in ay tahay wado amar ah oo ay xukuumadu jeebka kala soo baxdey, taas oo uu weliba qirey in ay wadooyin kale oo qabyo ahi ay ka horeeyeen oo ay ka shaqeynayeen lakiin amar lagu siiyey in ay wadadan qalabka u soo-guraan. waxaa maa-mulka iyo milgaha xukuumadeed ka reeban in wadooyinka oo badanaa lagu dhiso cashuurta yar ee shacabka laga qaado in la xaafadeeyo oo wadooyin aan qorsheysneyn lagu jiboodo. Waxaan shacabka reer Somaliland aan u-dhaafayaa in ay falan-qeeyaan bal- sab-babta ay xukuumadu uga dul-boodey ee ay u-dhameystiri weydey wadooyinkii socdey ee qabyada ahaa ee sii qoyanaa oo ay ugu horeyso wada yar ee Burco-ilaa Oodweyne ?? Arintan bilaa qorsha ah waxaa loo qaadanayaa in xeyn-daabka madaxtooyadu ay wado xaalad abuur hor leh , in ay wado qorsheyaal qabali ah oo salka ku haya degaano gaar ah maadaama ay ka dul-boodey wadooyinkii socdey iyo qorshihii wadooyinka ee wadanka u-yaaley oo ay u-badheedhey in ay xukuumadu dar-dar-geliso wadooyinka dhaca degaanada ay beesha madaxweynuhu bariisato. dhismayaasha wadooyinku waa waajib , waa sadaqo, waa wax-tar dad iyo duunyaba laakiin waxa aan xaq-aheyn, xeer aheyn oo xaaraan ah in wado loo xanimo wado kale oo wadooyinka la qabyaaladeeyo. Waxaa kale oo caqli fayoobi ku siinayaa in ay arintan wado qabyaaladeyntu ay xukuumada hore ugu qorsheysneyd markii ay hayada wadooyinka ee SRA ay ka soo saarayeen hayadii wasaaradii ka asturi laheyd ee ay hayadii wadooyinka la soo galeen muska iyo miscirirta xayn-daabka madaxtooyada ee ay markiiba si-qarsoodi ah oo dadban ay u-bilaa-been kaambeynka wadooyin degaameysan oo aan qorsha hore ku-jiri n. Nasiib-daro maanta waxa ay xukuumadii noqotey mid aan laheyn hiyi iyo hilaad durugsan, mid-aan laheyn odorosyo iyo aragti fog (vision) waxay noqotey mid aan hananin sinaantii, xaq-soorkii, walaaleyntii iyo wadarnimadii shacabkeedii dirtey ee doortey ee kursiga saarey, waxay noqotey mid aan hanan nabadgelyada shacabkeeda iyo dhawrista xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinteeda,waxay noqotey mid baal-martey saami-uqeybsigii xaqa iyo xallaasha ahaa ee kheyraadka dabiiciga ahaa ay u-maa-mushey iyo xataa sifahan cusub ee ugubka ah ee ay dhismihii dawooyinkii dalka u-qorsheyseynaa ee xalaasha ahaa ay daafeysey. Waxay noqotey xukuumad ragaadisey oo sii hagaasisey geedi socodkii dimuqraadiyadeed iyo hirgelintii himilooyinkii lagu taamaayey ee ummaddu filaneysey ee ay hore ugu balan-qaadey. Guntii iyo Geba-gebadii: Intii nidaamkan uu Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay uu qabtey hogaanka S/land, Waxaa ramiimka noqdey oo baaba’ay oo lumey oo meesha ka baxey hanaankii iyo sharaftii dawladnimo, bro-takoolkii, burjigii, buruudkii iyo burhaantii qaranimo, kasmadii,kala-sareyntii, karaamadii iyo kala-danbeyntii maa-mulka iyo maareynta ee dawladnimo iyo higsigii, horumarkii iyo habsami u-socodkii himilooyinkii dawladeed ee la higsanaayeey oo wada hintaaqmey.wada majare-habaabey oo wada gaabis noqdey. Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa maanta iyo mar-walba in xal la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo dabaalo milge-maamuus-midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd. Alleh ayaa mahad iyo mudnaanba leh, COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|