Qaraxyo Dhowr ah oo Caawa ka Dhacay Magaalada Boosaaso iyo Xabsiga Dhexe ee Gaal-shiraha Boosaaso oo la weeraray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaraxyo Dhowr ah oo Caawa ka Dhacay Magaalada Boosaaso iyo Xabsiga Dhexe ee Gaal-shiraha Boosaaso oo la weeraray
November 8, 2013 - Written by Editor:

 November 08, 2013 wajaalenews) — Iska-hor-imaad aad u xooggan oo muddo hal saac ku dhow socdey ayaa caawa ka dhacay xabsiga dhexe ee Gaal-shire oo ku yaal waqooyiga magaalada Boosaaso.

 

Taliyaha xabsiga la weeraray Shire Siciid Maxamed oo wajaalenews khadka telefoonka ugu warramay, ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo tiradooda uu ku sheegay inta u dhexeysa 60-70 qof.

 

Kooxda weerarkaas geysatey ayuu Taliye Shire sidoo kale sheegay in ay lugeynayeen, islamarkaana ay aad u hubeysnayeen, isagoo intaas raaciyey in xabsiga ay afarta dhinac rasaas kaga fureen, haseyeeshee ay ilaalada xabsigu si xooggan isaga caabiyeen.

 

Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso Shire Siciid Maxamed ayaa ugu dambeyntii sheegay in lagu guuleystey in dib loo riixo kooxdii weerarka soo qaaday, kaddib markii ilaalada xabsigu ay gurmad ka heleen qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga.

 

Mar aan wax ka weydiiyey khasaaraha dagaalkaas ka dhashay, wuxuu sheegay in dhankooda ay labo askari ka dhinteen, labo kale oo isagu uu ku jirana ay dhaawac yihiin. Labada askari ee geeriyoodey ayaa kala ahaa taliye ku-xigeenkii xabsiga oo lagu magacaabi jirey C/raxmaan Abshir iyo askari kale oo isna magaciisu ahaa Maxamed Colow.

 

Dhinaca kale saddex qarax ayaa caawa laga maqlay magaalada Boosaaso. Mid kamid ah qarxyadaas ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta dowladda hoose ee degmada.

 

Wixii warar ah oo kasoo kordha arrintan iyaga oo faah faahsan dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa..

wajaalenews.

 

 

COMMENTS
LINKS