Qarax Xooggan Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Iyo Iskaadhsiinta Oo Gabi Ahaanba Hawada Laga Saaray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax Xooggan Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Iyo Iskaadhsiinta Oo Gabi Ahaanba Hawada Laga Saaray
November 3, 2013 - Written by Wariye:

Muqdisho(Wajaale News):-Qarax xooggan oo la sheegay in uu ahaa nooca Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa waxa uu maanta ka dhacay xaafadda farjano gaar ahaan waaxda Siinaay, waxaana qaraxani lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee Kismaayo.
Qaraxan oo daryankiisa laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa waxa uu ka dhacay illinka hore ee guri ay daganyihiin ciidamo ka tirsan kuwa amniga degmada Kismaayo, waxaana goortii uu qaraxu dhacayay goobta marayay gaadiid ay lahaayeen ciidamada ammaanka.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in uu soo gaaray firir, walow aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee uu sababay qaraxa ayaa hadana sarkaal katirsan ciidamada ammaanka Kismaayo waxa uu sheegay in aysan wax qasaara ah oo kasoo gaaray weerarkaasi.

Goobjoge ku sugnaa agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray hal qof oo rayid ah oo marayay meel u dhow halka uu weearku ka dhacay.

Weeararkan kadib ayaa qadar daqiiqado ah hawada laga saaray isgaarsiintii magaalada, waxaana sidoo kale goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Kismaayo, kuwaasoo howlgallo ka sameeyay goobta walow aysan jirin cid lagu soo qabtay howlgalladaasi.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada ammaanka maamulka Jubba ay maalmihii ugu danbeeyay gudaha magaalada Kismaao ka wadeen howlgallo lagu sugayo ammaanka guud ee degmada Kismaayo.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS