|
|||||
WAJAALE NEWS
Odayaasha Somaliland ee Minnesota oo Qado sharaf u sameeyay Professor Saleban Axmed Guled iyo waftigii ka socday Camud Foundation.
November 13, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):-Waxa iyaguna halkaasi hadalo kookooban oo isugu jiray kaftan, dhiiri gelin iyo amaanba kasoo jeediyay odayaasha iyo aqoon yahanada ay ka midka yihiin: Aqoon yahan Maxamud Cigal, Aqoon yahan Yusuf Qalib, Oday dhaqameed Abshir Maalintii shalay ahayd ayaa waxa si gaar ah loogu soo dhaweeyey qado-sharaf si gaar ah loogu talo galay Professor Saleban Axmed Guled oo ah Hormuudka Jaamacadda Koowaad ee Somaliland, Camud University iyo weliba wefti uu hogaaminayay oo ay ka mid ahaayeen Madaxa hey?adda Camud Foundation, aqoon yahan Maxamud Cigal iyo aqoon yahan Yusuf Qalib oo isna ka mid ah aasaasayaashii hey?adda Camud Foundation. Qado-sharaftan oo ay u dhamaayeen dhamaanba hormuudka jaaliyadda Somaliland ee Minnesota ayaa ahayd mid run ahaantii lagu sharfayay ?Aabaha Aqoonta ee Somaliland-ta Cusub?, Professor Saleban Axmed Guled. Qado-sharaftan markii ay dhamaatay waxa madasha hadalo kookooban ka jeediyay qaar ka mid ah marti-sharaftii kasoo qayb gashay. Prof. saleban oo war bixin kooban halkaas kusiiyay marti-sharaftan ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa: Waar aqoontu xuduud ma leh, qabiil ma leh, deegaan ma leh?. Anaku Camud aanu ka bilowno dedaalkayaga, laakiin Jaamacad Somaliland ku taala oo aanaan ka caawin furitaankeedii iyo talo siinteedii ma jirto. Shiikha beledka Soomaalida ee North America, Sh. Sacad Muse Roble oo isna goobtaas ka hadlay ayaa ugu horayn si aad ah ugu mahad naqay Mudane Yusuf Budle oo ahaa aqoonyahanka isagu fidiyay qado-shaftan. Sh. Sacad waxa kale oo uu si aad ah ugu mahad naqay Prof. Saleban iyo madaxda Camud Foundation sida aan hagrashada lahayn ee ay naftoodii, maalkoodii iyo aqoontoodiiba ugu hureen dhulkooda Hooyo. Shiikh Sacad waxa uu hadalkiisa kusoo gunaanaday: Mujaahid ka weyni ma jiro ninka boqolaal kun oo ciyaal ah oo bilaa rajo ahaa hubka kaga dhigay qalin tusayna in qalinku uga faa?iido badan yahay qoriga. Nin walba taariikhda ayaa xusidoonta, laakiin anagu, adiga oo nool ayaanu ku leenahay Professor Saleebaan geesi ayaad tahay, dalkeena dhismihiisana nin qayb ka weyn ka qaatay ma jiro, waanan kuu ognahay, waanan kuu ducaynaynaa. Waxa iyaguna halkaasi hadalo kookooban oo isugu jiray kaftan, dhiiri gelin iyo amaanba kasoo jeediyay odayaasha iyo aqoon yahanada ay ka midka yihiin: Aqoon yahan Maxamud Cigal, Aqoon yahan Yusuf Qalib, Oday dhaqameed Abshir, Siyaasi Ugaas Axmed Umad, Oday dhaqameed Cumar Jabhad, Aqoon yahay Yusuf Budle, Aqoon yahan Dr. Abiib iyo Aqoonyahan Cumar Axmed Xasan. Wajaale News Related posts:Halkan ka Daawo: Warkii Caawa ee Bulsho Tv (14 07 2013 Axad) waxana warka Caawa idinla socodsiinaya ... Jabuuti Oo Marti Gelisay Tartanka Dhinaca Orordada Ah Oo Ay Ka Qayb Galayaan 17 Dal Somaliland Kami... Sheekh Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar Oo Xildhibaan Barkhad Batuun Ugu Baaqay In Aanu Culimada Wanjalin ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|