Muwaadin Soomaaliya Ayaa Ku Guuleystay Kursiga Golaha Deegaanka Ee Magaalada Minneapolis Ee Dalka Maraykanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadin Soomaaliya Ayaa Ku Guuleystay Kursiga Golaha Deegaanka Ee Magaalada Minneapolis Ee Dalka Maraykanka.
November 6, 2013 - Written by editor
Abdi Warsame wuxuu ka adkaaday Robert Lilligren oo kursigan haystay mudo 12 sano ah. Wuxuu noqonayaa ninkii ugu horeeyay…………

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabdi Warsame oo ah mid ka mid ah Soomaalidii ka tartamaysay doorashooyinka gobolka Minnesota ayaa ku guuleystay xilka Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis, gaar ahaan degmada 6aad, Abdi Warsame ayaa helay codad gaaraya 3090 cod taasoo u dhiganta 63% halka ninka la tartamaayay ee lagu magacaabo Robert Lilligren ayaa helay 1557 cod oo u dhiganta 32%.

Abdi Warsame wuxuu ka adkaaday Robert Lilligren oo kursigan haystay 12 sano. Wuxuu noqonayaa ninkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo ku guuleysta xilkii ugu sareeyay ee uu Soomaali ka qabto wadanka Mareykanka.

Soomaalida ku dhaqan wadanka Mareykanka ayaa ku tilmaamay guushaan uu gaaray Cabdi Warsame mid aad u gallineysaa farxad aad u ballaaran, iyadoo markii lagu dhawaaqay guusha uu gaaray Cabdi warsame waxaa isu soo baxay Soomaalidii deganeyd xaafada Cedar-riverside ee uu deganaa iyadoo walliba cimilada ay aheyd mid aad u qabow iyagoona isugu marxabeynaayay guusha uu gaaray Cabdi Warsame.

Cabdi Warsame ayaa noqonaaya Soomaaligii ugu horeeyay ee ka mid noqda xubnaha golaha deegaanka Minneapolis, Cabdi Warsame Wuxuu xubin ka noqonayaa Minneapolis City Council. Dabaaldega guushan taariikhiga ah wuxuu ka dhacayaa Mixed Blood Theatre.

Guushaan uu Gaaray Cabdi Warsame ayaa ka dhigan guul u soo hooyatay shacbiga Soomaaliyeede ee dagan gobalkaa.

WAJAALE NEWS DESK
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com
COMMENTS
LINKS