Muuse Biixi oo canbaaareeyay iskuday dil oo 3 Nin oo ay isku Beel (Ardaa) yihiin la beegsadeen Maxamed Kaahin+falal culculus oo hore u dhacay oo Muuse biixi ku eedeeyay Raggaas!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muuse Biixi oo canbaaareeyay iskuday dil oo 3 Nin oo ay isku Beel (Ardaa) yihiin la beegsadeen Maxamed Kaahin+falal culculus oo hore u dhacay oo Muuse biixi ku eedeeyay Raggaas!.
November 10, 2013 - Written by editor

Muuse Biixi  oo canbaaareeyay iskuday dil oo 3 Nin oo ay isku Beel (Ardaa) yihiin la beegsadeen Maxamed Kaahin+falal culculus oo hore u dhacay oo Muuse biixi ku eedeeyay Raggaas!.

 

Hargeisa-(Wajaale-news)- Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee talada dalka haya  Muuse Biixi Cabdi  ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray si mug weyn u cambaareeyay saddex nin oo ay isku beel iyo isku Ardaa  yihiin oo weerar iskuday dila ah oo dhicisoobay la beegsadey Guddoomiye Ku xigeenkiisa koowaad  Maxamed Kaahin Axmed,wuxuu kaloo ku eedeeyay sadexdaas nin denbiyo culculus oo uu sheegay inay qaranka iyo masuuliyiin hore ka galeen.

Muuse Biixi

War-saxafadeedkaa oo dhamaystiranina wuxuu u dhignaa sidatan:-

Shalay (09/11/2013) waxa Huteel ku yaala magaalda Hargeysa ugu soo galay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed isagoo ka shaahaynaya saddex nin oo walaalo ah kuna qabtay qori. Maxamed kaahin waa astaan qaran ee maaha qof caadiya. Xisbiga KULMIYE ma cambaraynayo oo keliya falkaa ee wuxuu kaga hortagayaa gacan bir ah.

 

Maxamed Kaahin oo ka mid ah saddexdii mujaahid ee ugu hortalaabay 1982kii ilaa maantana halgan naf hur ah ugu jiray xorayntii, dhismaha iyo horumarinta Qaranka Somaliland.

 

Maxamed Kaahin intii aannu tallaabin wuxuu ahaa Gaashaanle Sare, isagoo ahaa madaxii sahanka ee qaybtii 26aad, waxaannu ahaa cidda qudha ee ay u cabato ciddii dhibaataysani, ugana hiilaya daalimkii Siyaad Barre isagoo gudaha jooga.

 

Waa taliyihii ciidankii buuraha barga (Miriye) galay 1984kii, markii Dhagawayne sheekh galay, Cabdilllaahi Askarna buuraha galbeedka.

Waa taliyihii ciidankii galay Burco 1988kii isaga iyo Axmed Mire, kuna dhaawacmay ee ay madaxa kaga dhacday ilaa haatana ka muuqato.

Maxamed Kaahin 30kaa sanno danguud mooyee tu gaara ma qabsan, waxa la hubaa inaanu Maxamed Kaahin ku lahayn jago iyo guri midna dalka, waayo maba haleelo tiisa gaarka ah.

 

Daaraha dhaadheer ee dalka ka dhisan iyo maalqabeenada, jaamacadaha iyo ardayda ka baxday ee dunida ku faaftay iyo horumarka la gaadhay waa tacabkii Maxamed Kaahin iyo kuwii la midka ahaa ee SNM.Bal aan iswaydiino ninka qoriga ku qabtayna waa kuma.

 

Waxa xannuun badan in ninka mujaahid Kaahin maanta qoriga ula baxay uu yahay kii marxuum Cabdillaahi Askar qoriga ku qabtay 1983kii.

Waxa kasii daran in kuwa la socday markii uu Maxamed Kaahin maanta qoriga ku qabanayey ay ahaayeen kuwii maalintaa Gaani Tiyaatarka Hargeysa uga heesayay ee lahaa waxaannu soo qabanay qudhmistii ugu waynayd.

 

Xisbiga KULMIYE wuxuu ummada u caddaynayaa inuu dagaal aan naxariis lahayn la gali doono kuwa neceb guusha qaranka, isla markaana caadaystay inay marwalba cadowga u adeegaan.Alla mahadle”

 

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS