|
|||||
WAJAALE NEWS
Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Saxaafada Ku Dhiirigeliyay Inay U Adkaystaan Dhibaatooyinka Loogu Geysto Baahinta Runta, Hambalyana U Direy
November 9, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa,(Wajaale News)-Murashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xusseen ayaa ku dhiiri-geliyay warbaahinta Somaliland inay ku dedaalaan calaalada, Islamarkaana u dhabar adaygaan dhibaatooyinka ku soo gaadha runta ay tabinayaan.Jamaal Cali Xusseen oo ka mid ahaa masuuliyiin lagu marti-qaaday Xuska maalinta Saxaafadda Somaliland oo sanad-kasta maanta oo ay taariikhdu tahay 9 November la xusso, isla markaana ay tahay sanad-guuradii 15aad ee ka soo wareegtey markii uu geeriyooday Alle ha u naxariiste Aabihii xorriyatul-qawlka iyo aasaaska Saxaafada madaxa-banaan ee Somaliland Marxuum Maxamuud Cabdi Shide 9/11/1998-kii, maalintaas oo loo asteeyey inay noqotay xuska qaran ee Maalinta Saxaafada madaxa-banaan ee Somaliland, ayaa waxaa uu ka waramay heerarka ay soo martay Saxaafadda Somaliland. waxaana uu yidhi “Waa maalin qiimo leh, haddii loo dabaal-dagayo sanad-guuradii 15aad ee maalinta Saxaafada Somaliland,maadama ay Saxaafadu muhiimad gaara ayey u leedahay qaranka.Inta baddan waxa la yidhaahda Saxaafadu waa Xisbiga afraad ee ilaalinayaa dalka. Alle ha u naxariiste waxaan xasuusta halyeygii saxaafada Maxamuud Cabdi Shide, markii ugu horeysay ee aan dalka ku soo noqday 1997-kii, ayaa waxaan dalka imid aniga oo ka shaqeeya Eshiya, waxaana la isku heystay Wargeyska Jamhuuriya Internet-ka ayuu galay iyo muu gelin, Alle ha u naxariiste Madaxweynaheeni Marxuum Cigaal Iyo Alle Ha naxariiste Maxamuud Cabdi Shide isku haystaan. Oo uu madaxweynuhuna uu Khayriyada ka yidhi Jariiradaha waa weyn ee Washington Post Iyo New York Timse ayuunbaa geli kara Internet-ka, ee Jamhuuriya ma geli-kareyso.Waxaan ku faraxsanay inaan noqday ninkii u kala markhaati furey berrigaasi. Sababta oo ah aniga oo wakhtiga Singabuur maraya ayaan galay Website-kii Jamhuuriya oo aan soo akhristey,Markii aan dalka imid aniga oo aan ogayn inuu murankaasi (Jamhuuriya Inernet-ka ayey gashay iyo may gelin), Maalin uu I macsuumay Maxamuud Cabdi Shide oo aan iska sheekaysanayno ayuun baan idhi Warkaas waxaan ku soo akhristey Website-kiina markan marayey Singabuur,Markaasu yidhi Marxuumkii waar bal aamusa nin ayaaba yimide, halkii ayuu dadka oo dhan isugu yeedhay markaasuu yidhi waar bal dhageysta ninkaasi, waa lay dhageystay, ismaba ogiye maalintii kale waxaan ku qornaa Page-ka ugu horeeya Wargeyska Jamhuuriya oo Ciwaankiisu ahaa isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi?Aqoonyahan weyn oo Cadeeyay inay Jamhuuriya Internet-ka gashay?. Maalintaasina waxay ahayd xili, oo waxa la isku haystay Internet-ka, maantana waad og-tigiin inay Internet-kii ay islaamihii Mobile-ka ka galayaan?”. “Adduunku kolba heer ayuu gaadhaa, hanka umaduna meel ayuu gaadhsiisan-yahay, berigaas halkaas ayeynu ka fikireynay, maanta wax kale ayeynu ka fikireynaa, meel halkaasi ka sii sareysana waynu gaadhi kareynaa, dadka qaar ayaa yidhaahda Waar tallow Somaliland ma la ictiraafi doonaa? Waa suurtagal in qarankeena Somaliland la qoonsado ee waa inaynu u dedaalno dhamaanteen, waa mid loo baahan-yahay”.Ayuu yidhi Maurrashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID. Jamaal Cali Xuseen mar uu la hadlayey Warbaahinta Somaliland waxa uu yidhi “Saxaafadda Somaliland waxaan leeyahay waxa la idiin dhiibay masuuliyad-weyn, wararka aad qoreysaan ha u isticmaalina warar aad faa´iido idiin gaara idinku ka heshaan, waxaad dantiina gaarka ka horeysiisaan danta qaranka.Dadkana ha u kala exanina ee si cadaaladda wararka ugu baahiya,wixii culeys meel kale idinkaga yimaada ha u dabcina ee wixii runa qora oo ha ka baqanina, sababta oo ah runtu waa ta umadda kala saarta, runtu waa ta rajada abuurta, idinka(Saxaafada) shaqadiinu waxay ku dhisnaanaysaa waxaad qoreysaan inuu yahay wax cadaalad ah, haddii la idiinku cago-jugleeyana cidna ha uga baqanina, haddii la idin-xidhana waaba lagu dalacaaye taa ogaada, Jeelku wax dhibaato ah oo uu leeyahay ma jirto”.”Waxaan u sheegaya Xukuummada oo beryahan danbe dabada ka waday Xeer qoraal-qabyeed ah oo la doonayey haddii aad nuxurkiisa hoose u fiirsatid, inuu Xeerkaasi yahay Xeer lagu cabudhinayo Saxaafada, runtii wax loo adkeysan karayo maaha, wax ummada Somaliland ka yeelayso maaha, annaguna wax aanu ka yeelayno maaha, oo waxaanu doonaynaa inay Saxaafadu xor noqoto?..Shalayto markii Xisbiga KULMIYE uu ahaa mucaaridka waakii lahaa “Walaalayaal waxa la cabudhinayaa Saxaafadii”, annaguna waxaanu leenahay maanta idinka ayaa sii cabudhinaya oo boqol jeer cabudhinaya,ka feejignaada Xeerkaasi aad wadaan inaad ansixisaan.Waxaana la yidhi waxa xeerkaasi ku jira qof ayaa maqaal qoraya, kadib waxa iska imanayaa Askari oo odhanaya qofkii maqaalka qorey waa lagu xidhay, Waxa loo baahan yahay inaynu ku shaqeyno sharcigi, nidaamkii iyo maxkamadii aynu sameysanay”. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Sidii aad balanqaadeen markii aad ololaha doorashada ku jirteen, hadaad tihiin Xisbiga talada haya (KULMIYE), Saxaafada waa la cabudhinayaa,annagu markaanu Kursiga fuulno saxaafadu waxay noqonaysa mid madax-banaan, tii ayaa la idinka baahan-yahay”. Md. Jamaal Cali Xuseen waxa uu kula dar-daarmay Saxaafada Somaliland oo uu yidhi “Saxaafadana waxaan leeyahay waxyaabaha Suuqa laga yidhaahdo ee Kutiri-kuteenka ee aan jirin ha qorina ee ka fiirsada…..Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse waxaan leeyahay shalay waxaad ka mid ahayd saxaafada, oo waadigii u doodayey Saxaafada ee lahaa waa la cabudhinayaa ee waa inay madax-banaanta, tii ayaa lagaga baahan-yahay in lagaa arko, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA-na waxaan leeyahay midnimo ha idinka muuqato, ururkiinana balaadhiya, waxay saxaafadu qorayaan waa wax muhiima oo ah inay bulshadu ogaato, marka wax xun la sameynayana sheeg, marka wax fiican la sameynaya sheega,annaguna waanu taageersanahay Saxaafada”. Wajaale News Related posts:Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Maxkamadda Rafcaanka Gobol... Dadweynaha Degan Agagaarka Guriga Madaxwaynihii Hore JSL Siilaanyo oo Dareeno Kala Duwan Ka Bixiyay ... Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta oo ka Hadley sida uu u arko eedaha musuq-maasuq ee lala xidh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|