Munaasibad Soo Dhawayn Ah Oo Loo Sameeyey 11 Xildhibaan Oo Kusoo Biiray Xisbiga Kulmiye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Munaasibad Soo Dhawayn Ah Oo Loo Sameeyey 11 Xildhibaan Oo Kusoo Biiray Xisbiga Kulmiye.
November 12, 2013 - Written by editor

munaasibadda xafladdan oo u dhacday si quruxbadan waxaa ka soo qaybgalay hogaanka sare ee Xisbiga Muuse Biixe Cabdi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale

 

Hargaysa(Wajaale-News) Xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweynayey raxan xildhibaano ah oo ku soo biiray xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa,.

munaasibadda xafladdan oo u dhacday si quruxbadan waxaa ka soo qaybgalay hogaanka sare ee Xisbiga Muuse Biixe Cabdi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale oo farabadan oo ay ka mid yihiin dumarka tiir dhexaadka u ah taageerada Xisbiga Kulmiye.

Gudoomiyaha gobalka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye Khadar oo ugu horeyn madashaa  ka hadlay waxa uu sheegay inay aad u soo dhaweynayaan xildhibaanadan ku soo biiray,  xafladdan lagu soo dhaweynay mudanayaasha ku soo biiray ?maanta waaan aad u soo dhaweynaynaa xafladdan qiimaha badan waxaanu hadalka ku soo dhaweeyey gudoomiye ku xigeenka 1aadka ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed waxaanu ka warramay inay qiimo badan ugu fadhido xisbiga Kulmiye inay ku soo biiraan raxantan mudanayaasha oo ay tiaradoodu dhantahay 11 mudane ?maanta waxaanu aad ugu faraxsanahay  inaad ku soo biirteen Xisbiga Kulmiye waanan idin soo dhaweynaynayaa? ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

 

?xisbiha Kulmiye waa xisbi dimoqoraadi ah oo dhexdiisa laga tartamo waanaynuna is naqaanaa oo xisbiyadii baynu isku soo barangay? ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray ?wixii qarankan u dan ah ayaa Kulmiyena u dan ah? Mr Kaahin waxa uu sheegay inuu sharciga Somaliland dhigayo oo kaliya inay Somaliland lahaato 3 xisbi oo kaliya iyo labada Gole ee qaranka.

?iskuma cusbin oo waynu is wada garanaynaa Kulmiye-na  maantadaa laga bilaabo waagurigiinii oo waxaad ugu timaadeeni waa kuwii idinka soo horeeyey idinkuna saacadda laga bilaabo waxaad leedihiin xuquuqda ay leeyihiin dee sood hawaada? ayuu hadalkiisa kaga baxay Mr Kaahin.

Waxaa isaguna madashaa ka ka hadlay Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamc  Shabeel waxaanu sheegay inuu Kulmiye yahay meel dimoqoraadiyaddu saldhig u tahay oo waxa kaliya ee lagu kala baxaa ay tahay uun codka iyo hadba meesha  loo badan yahay.

Dhanka kalana waxa uu ka hadlay isku daygii lagu doonayey in lagu kghaarijiyo Maxamed Kaahin waxaanu yidhi ?waxaan rabaa inaan inyar isku dayo inaan wax ka sheego dilkii Maxamed Kaahin ninka kiiskaa  u xidhan ee doonayey inuu dilo Maxamed Kaahin waa ninkii uu Gudoomiyuhu igala hadlayey ee uu lahaa maalintii ee uu lahaa inaga sii daa waxaanu ka tirsanaa ururrkii Dalsan? ayuu yidhi Mr Shabeel.

Gudoomiyaha garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmhye Canab Cumar Ileeye waxaanay sheegatay inay caadada Kulmiye tahay inay Isqabqasadaan balsey hadana marka ugu dambeysa saaxiga uun ilsa keenaan ?annagu hadaanu nahay Kulmiye waanu is qab qabsanaa had iyo jeer balse kuma kala tagnee marka ugu dambaysa saaxiga uun banau isla keenaa oo dee waxaan u malaynaa dimo qoraadiyaddiibaa na agmarmaraysa?ayey tidhi Mss Ileeye.

Wasiirka hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif oo madashaa ka hadlay waxa uu sheegay inay ku saxsan yihiin inay mudanayaashaasi  doorashadooda ay Kulmiye doorteengo?aan sadaan  inay ku soo biiraan Kulmiye ? mudanayaasha Kulmiye ku soo biiray Kulmiye waxa uu u arkaa cudud ku soo biirtay waanan soo dhawaynaynaa mudanayaasha ku soo biiray?ayuu yidhi Mr Khaliif.

Xildhibaan Dheeg oo ka tirsan Golaha Guurtida oo isaguna madashaa ka hadlay waxa uu sheegay inuu masuuliyiintii isaga ka horeysay kala siman yahay soo dhaweynta mudanayaasha raxanta ah waxaanu yidhi ?anigu faysal layaabi maayo oo isagu dambiba malaha oo waa ninkii yidhi maalintii doorashada lagu jiray Dawladdaa Daahir Riyaale mid kawanaagsan maan aragg oo dadkii u codaynayey intay ka cadhoodeen markiiba xisbiyadii kale u codeeyeen? ayuuy idhi Oday dheegg.

?anigu waxwaan la yaabanahay ninka Gudoomiyihii golaha wakiillada ah ee leh waxaan ku baaqayaa shirweyne qaran markaa waxaan Cirro leeyahay shimbiri laba geed mawada guratee cirrana laba guri mid uun howgalo? ayuu yidhi Oday Dheegg,waxaa isaguna madashaa ka hadlay xildhinaan Cali Mareexaan waxaanu sheegay inay mudanayaashan ku soo biiray ay ka kala yimideen Xisbiyadii Udub tii burburtay iyo Ucid waxaanu yidhi ?horta aan idiin sheegee mudanayaashani waa 11 mudane oo 6  ay ka soo jeedaan Udub 5 nina ay ka soo jeedaan UCID.

 ?maanta arrintani waxay u quus goynaysaa kuwii meelahaa laaqinayey ee lahaa xisbiga Kulmiye wuu kala yaacay? ayuu yidhi Xilidbibaan Cali Mareexaan ?waxaan shalay akhrinayey ninkii ay qolyaha shirbaanu qabanaynaa leh gudoomiyaha u magacaabeen oo leh waxaanu dib u eegaynaa shuruucda dalka kadibna waanu qiimayn doonaa waana dastuur jabin arrintaasi? ayuu yidhi.

Waxaa isaguna madashaa ka hadlay Xildhibaan Cabdi Maxamed Gagaale waxaanu sheegay inuu ku qanacsan  yahay kusoo biirista ay Kulmiye ku soo biireen ?Somalidu waxay tidhaadaa dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa dee  markaa dabkiinaanu dabka ku qabsanaynaa xisbiga iyo xukuumaddiisa aanu ku soo biirayna waxaan filayaa inaanu waxbadan ku soo kordhin doono? ayuu yidhi Mudane Gaagaale.

Waxaa isaguna madashaa ka ha kadlay Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi [ina xaaji afweyne] waxaanu sheegay inay xisbiga Kulmiye ugu hiilin doonaan sida ay maanta hadii ay  oo mudanayaasha yihiin ugu hiiliyeen [soo dhaweeyeen]  ?waxaanu Xisbiga Kulmiye ugu hiilin doonaa sida aad maanta noogu hiiliseen? ayuu yidhi Mr Afweyne.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inuu kamid ahaa mucaaradkii ugu adkaa ee ay xukuumaddu ka naaxi wayday ?laysma faaniyee anigu waxaan kamid ahaa dadkii ka shaqaynayey danta guud ee qaranka 3 dii sano ee aad kuraasta ku fadhideena waxaan idinku ahaa mucaaradkii idiinku darraa? ayuu yidhi Mr Afwene.

?waxkasta oo laga hadlaba oo la yidhaado maxay qabteenba majiraan waxaa beeninaya waxyaabaha muuqda ee ay xukuumaddu qabatay oo madaarradii iyo waddooyinkii lasameeyey kmaid yihiin qolyahayagii mucaaradkana waxaa naga soo xidhmay albaabadii kale oo dhan oo markaa waxaanu ku jirraa is qarxintii ugu dambeysa aniguna waxaan go?aansaday inaan is qarxintaa ka soo leexdo? ayuu yidhi Mr Afweyne.

Waxaa isaguna madashaa ka hadlay xildhinaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxaanu sheegay inuu maanta laga bilaabo kamid noqon doono kuwa safka hore kaga jira difaaca Kulmiye ?Kulmiye isaga oo mucaarad ah ayuu isqabsan jiray kalana jabijiray hadana isku soo noqonjiray markaa maantana isagii oo taladii dalka haya loogama fadhiyo inuu kalajabo anagana waxaad nagu xisaabin doontaa kuwa forant line-ka hore kaga jira safka hore? ayuu yidhi.Mr Ayaanle.

?waxaanu is waydiinay Kulmiye Soonqoye muxuu la soo noqday Ucidna soo laabataye maxay la soo laabatay Waddannina wuu cusub yahaye muxuu soo wadaa markaa waxaanu is idhni waydinkii waxbadan Dawlad soo maamulijiray e [UDUB tii hore] Kulmiye waxa uu ku qaboobi karaa inaad ku qaboojisaan Uduub iyo Ucid oo wada socda” ayuu  yidhi Mudane Yaasiin.

waxa isaguna madashaa ka hadlay Mud. Xildhibaan Dhakool oo kamid ah mudanaaysha ku soo biiray xisbiga, wuxuuna shee, xisbiga Kulmiye uu leeyahay laba calamood oo ay ku xusheen, taas oo ah inay dimuquraadiyadi ka dhexjirto iyo in dhexdiisa layska dooran karo. Xildhibaan Baruud oo isna madasha ka hadlay, ayaa sheegay inuu Kulmiye hore uga soo horjeeday, bale uu maanta cudud iyo codba ku biirin doono xisbiga.

Waxaa isaguna madashaa ka hadlay Axmed Madar Siyaarak waxaanu sheegay inay Kulmiye ka filayaan soo dhaweyntiisa markay eegeen wax ka sii wayn ?xisbiga Kulmiye waxaanu ka filaynaa soo dhawayntaa wax ka sii weyn? ayuu yidhi  waxaa isaguna madashaa ka ka hadlay Mahdi Xaaji Cabdillaahi waxaanu sheegay inuu ka mid  ahaan jiray UCID ?waxaan kamid ahaan jiray kuwii aadka uga soo horjeeday Kulmiye balse maanta waxaan ku qanacsanahay inuu Kulmiye yahay xisbiga Kaliya ee dalka wax ka qabtay? ayuu yidhi XidhibaanMahdi.

Waxaa isaguna madashaa ka hadlay  Xildhibaan Xasan Muuse hufe waxaanu sheegay inuu kamid ahaan jiray UDUB tii burburtay  waxaanu sheegay inuu ku qancay waxyaabihii dhulka laga sameeyey ee hormarka ahaa ee uu Kulmiye Sameeyey ?waxa uu Kulmiye Sameeyey maaha wax idhnaha laga qaban karo maanta wixii ka dambeeyana waxaan kamid ahay Xibiga Kulmiye? ayuu yidhi Mdane Hufe.

Waxaa isaguna madashaa ka hadlay Wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Cukuse waxaanu sheegay inuu salaam sare uga sido Xildhibaanada ku soo biiray Madaxaweynaha Somaliland ?waxaan sanaan idiinka sidaa Madaxweynaha? yidhi waxaanu intaa ku daray ?Kulmiye wuu is qabsadaa balse wuu kala baxayaa Muuse Biixina waxaan leeyanay intayada hadhaaga ah xisbiga isku soo jiid jiid oo isku wad aniga iyo Maxamed Xaashi iyo Xirsina waanu noolahay oo waanu joognaa? ayuu yidhi Mr Cukuse.

Gabagabadii waxaa shirkaa xafladdaa ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaanu ka hadlay dhawr qudub oo kaladuwan ?Xisbiga Kulmiye waxa uu qorshaynayaa 3 qodob waana kahadlidonaa waa mida hore waxa uu jaan goyn doonaa siyaasadda dalka kan gudaha jooga iyo kan dalka ka maqan labadaba? ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray ?Kulmiye waxa uu hir galin doonaa oo u  shirkiisa soo socda ku falanqayn doonaa calaaqaadka aan la leenahay Dawladaha Jaarkeena ah? ayuu yidhi Mr Biixi.

?waxaan hubaa in shirkaa xisbiga ee soo socda la dhamayn doono isaga oo la midaysan yahay iyad aoo uu ina dhex joogo Nelson Mandeelaha Somaliland oo ah Axmed Siilaanyo? yidhi waxaanu ka hadlay dhanka kale arrimah au dhexeeya Kulmiye iyo axsaabta mucaaradka ah ?xisbiyada mucaaradka ah waxaan leeyahay inaga waxaa inoo dhexeeya Dastuurka? ayuu  yidhi.

?Gudoomiyaha Xisbiga Waddani waa xubinta 3aad ee maamuuska dalka heer qaran markaa wa anasiib darro iyada oo ay taasi jirto inuu hadana ku baaqo shirweyne qaran? ayuu yidhi Mr Biixi ?mar hadii aanaan  diidanayn oo aanaan lahayn maya umadda waxaanu u sheegaynaa inaanu wada hadalladii diyaar u nahay oo aanu wada tashigii diyaar u nahay hadii ay diidaan waarka daaya baanu leenahaye ka yeelimayno? ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

?ma dhici karto nin xisbi xukumaa inuu u gudbo awoodii Madaxweynaha ee qaranka? ayuu intaa kud aray Muuse Biixe Cabdi isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi ?nimankaa mucaaradka ah waxaan leeyahay dastuurka aan dhiganay inay kantaroolaan anigaa hadlayana ha ahaatee waa xukuumadda hadii kale wixii xumaaday idinkaa xumeeyey? ayuu yidhi.

“labada xisbi qaran ee mucaaradka ahi haday doonaan halkaa ha yimaadaan oo seminaarkay doonaan haku qabsadaan balse marnaba laga yeelimaayo inay yidhadaan waxaanu qabanaynaa shirweyne qaran tkana yeeli mayno” ayuu hadalkiisa kaga baxay Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS