Muj.Cali-Gurey Oo Xukuumada Uga Digay Inay Awood Ciidan Ku Hor-istaagto Doodda Qaran | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj.Cali-Gurey Oo Xukuumada Uga Digay Inay Awood Ciidan Ku Hor-istaagto Doodda Qaran
November 20, 2013 - Written by Wariye:

cali gurayHargeysa(Wajaale News):-Guddoomiye ku xigeenka labad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Muj.Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa xukuumadda uga digay inay awood ciidan u adeegsadaan shirka talo qaran ee ay xisbiyada mucaaradka ah ay qaban qaabinayaan.

Waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay dadweynaha hor keenaan qodabada sharci ee u diidaya inay doodaas qabtaan,isaga oo ceeb ku tilmaamay in doodaas xukuumaddu ku sheegto shir beeleed waxaanuu yidhi“Waxaan is leeyahay xukuumaddu bilaash ayay uga didaysaa in dood qaran xisbiyadda mucaaradka ah ay soo qabanqaabiyaan,dooda qaran marka la leeyahayna waxaanu xataa ka meer meeraynaa magacyadii oo baryahan ay kaga dhagtay xukuumadda oo hadii magac Qaran,Dawlad iyo waxii la soo qaadaba inay iyagu gaar isaga leeyahiin,markaas qaranimadii xataa gaar bay u yeesheen, waxa la leeyahay shir beeleed ayaa la qabanayaa anaguna meel aanu shir beeleed ku nidhi ma jirto,dadkuna haduu waaweyn yahay inuu sharciga gudahiisa ku doodaa ayay ku fiican tahay,ilaa hada’daas waxa uu albaabku u furan yahay in haddii ay hayso wax ay ku daadafayn karto oo sharci ah oo dastuurkaas qaranka iyo sharuucda ka farcantay ah in umadda horteeda ay nagula doodo oo ay soo dhigaan shuruucda ay hayaan oo ay warbaahintu timaado oo iyada oo Nuur iyo Naaleeyaba loo dhan yahay inay ka hadlaan in aanaan xaq u lahayn inaan dooda qaran qabano,una malayn maayo inay suurto galayso waayo way ogyihin inaan xaq u leenahay, hadii ay shirkan uga baqayaan wax ku hoos qarsoon hanoo cadeeyaan. Shirkaas waanu ka wada hadalnay xisbiga Waddani guddi qaban qaabo ayaa gacanta ku haysa, waanan isku wada raacsanahay,ilaa hadana waxaanu xaq u leenahay weeye hadaan caqligeenu sabankan saarnayna RRU.”

Muj.Cali Guray waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Sabankan caqligu RRU ayuu saaran yahay, laakiin siday moodayaan xaalku noqon maayo hadii ay adeegsadaan gacan ka hadal,anaga sharciga ayuunbaa naloo adeegsan karaa oo waanu ogalnahay kaas waanan u hogaansanahay,laakiin Quwad,Qori,Xoog iyo RRU,anaga wax Allaale iyo waxay naga qaadayaana ma jirto.”

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajelenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS