mucjisadaJaamacadda New Generation Somaliland ay dheertahay Jaamacaddaha Dalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
mucjisadaJaamacadda New Generation Somaliland ay dheertahay Jaamacaddaha Dalka
November 19, 2013 - Written by Editor:

Library Mucjiso ah iyo Ogeysiiska Xeerka Ardaya Jaamacadda New Generation Somaliland waa waxay dheertahay Jaamacaddaha Dalka

Hargeysa, November, 19, 2013 (Wajaalenews.com) Boqolaal kun oo bug oo si habaysan loo dhigay, hab casri ah oo nidaamsan oo aan noociisa hore loogu arag dalkeena, waa astaanta library-ga Jaamacadda New Generation ee Magaalada Hargeysa. Library-ga oo loogu magic daray alle ha u naxariisteee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Maxamedy  X. Ibraahim CIgaal, waxaana loo habeeyey hab cajiib ah oo ardayga buugga akhrisanaya u saamaxaysa inuu u fadhiisto si habaysan, isla markaana qof walba kursi iyo miis u gaar ah loo sameeyey si ardayga ay ugu suurto gasho inuu kelidii fursad u helo akhriska.

Waxa intaasi dheer buugaagta oo iyagana loo habeeyay si arday walba uu arki karo halka uu ka helayo maadada uu doonayo.

Waxa kale oo ay Jaamacadda New Generation qaybteeda Somaliland dheertahay Jaamacadaha kale ee Somaliland waxay leedahay xeer nidaamiye Jaamacadda iyo ardaydu ay ku wada dhaqmaan, isla markaana arday walba la siinayo copy-giisa. Isaga oo ardaygu marka ugu horeysa ee uu Jaamacadda soo galo. “Waxa aynu ku wada dhaqmaynaa xeerka ay Jaamacadu leedahay oo mid waliba uu helayo copy-giisa. Waxaanaynu doonaynaa inaynu dalkeena horumar u soo kordhino” Sidaa waxa yidhi, C/Casiis ALla Magan oo ah mulkiilaha iyo aasaasaha Jaamacadda New Generation ee Somaliland.

Waa markii ugu horeysay ee ay Jaamacad ku taala Somaliland ardayda u qaybiso xeer nidaamiye ay ku wada dhaqmaan Jaamacadda iyo ardayga soo gelayaa.

Waxa kale oo intaasi dheer inay Jaamacadda New Generation tahay Jaamacadda keli ah ee Somaliland bixisa qaybta xidhiidhka caalamiga ah, iyada oo magaalada Addis Ababa qaybta ay ku leedahayna ay can ku tahay in loo yaqaano xarunta diblomaasiyada Afrika.

Talaabooyinkani waxay ka dhigayaan Jaamacadda New Generation ee magaalada Hargeysa mid ka mid ah kuwa ugu tayada wanaagsan leh, maadaama oo ay ka mid tahay Jaamacadda ugu da’da yar uguna horumarka badan Somaliland.

COMMENTS
LINKS