Xisbiga WADDANI Oo Dacwad U Gudbiyey Madaxweynaha (Wasiirka Arrimaha Gudaha). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga WADDANI Oo Dacwad U Gudbiyey Madaxweynaha (Wasiirka Arrimaha Gudaha).
November 24, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News);-mudaneyaal iyo marwooyin dhamaan saxaafadda madaxabanaan waxanu halkan idiinku soo gudbinaynaa DACWADA MAANTA UU XISBIGA WADDANI U GUDBIYEY MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO KA DHAN AH WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA.

                                                                                       JAMHUURIYADA SOMALILAND                       REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga WADDANI                                        Somaliland National party

Ref/XIS/WAD/XDH/122/2013                                                     Date, November 24, 2013

 

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliland

Ujeeddo Dacwad Ku Xadgudub Sharci (Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL)

Mudane Madaxweyne, Marka hore salaan sharaf iyo karaamo leh ayaannu kuu soo gudbinaynaa.

 Waxannu kula socodsiinaynaa Mudane Madaxweyne,  in  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, uu ka sii daayey warbaahinta waraysi la yaab leh oo lama filaan ah, aadna  uga argagixiyey  dadweynaha reer Somaliland guud ahaan, Gaar ahaana xisbiyada qaranka ku noqday lama-filaan iyo u qaadan-waa . Nuxurka waraysigaasi, haddii la soo koobana, wuxu ku soo ururayaa laba arrimood.

 Labada arrimoodba waxay si  toos ah uga soo hor-jeedaan  nidaamka dimiqraaddiga ah ee Somaliland  ku dhaqanto, iyo midnimada iyo madax-bannanida Jamhuuriyaadda Somaliland intaba. Labadaas arrimoodna waxay kala yihiin.

  1. In xisbiyada Mucaaridka ah ay qaran-dumis yihiin, oo laga soo abaabulo, lagana soo maal-geliyo Somalia.

  2. In hayadaha amniga iyo sirdoonka Somaliland ku hawllan yihiin, xuuraanka, daba-galka iyo jaajuuska  xisbiyada Mucaaridka ah,iyo xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ee dadka shacabka reer Somaliland.  taas oo si toos ah uga soo hor-jeedda distoorka qaranka halkii ay awooddaas gelin lahaayeen sugitaanka amniga iyo nabadgelyada shacabka.

 Marka ugu horraysa, sida aanu kaa filayno  Mudane Madaxwene  kalsoonina ku qabno , taas oo noo   muujinaysa aragtida guud ee ka soo noqnaysa dadweyna reer Somliland, in aanad la qabin Wasiirka labadaas arrimood.

Waxannu kale oo aamminsanahay, inay ka mid tahay waajibaadkaaga sharci, inaad dadweynaha iyo Xisbiyada qaranka u muujiso inaadan Wasiirka la qabin, kuna amrin, kuna taageersanayn arrimahaas.

Mar haddii ay sidaas  tahay, waxannu kaa filanaynaa, kaana dalbaynaa :

  1.  Inaad marka hore, dadweynaha reer Somaliland u xaqiijiso kalsoonida ay ku qabaan in aadan kula socon Wasiirka Arrimaha  Gudaha ee magaca xakuumadda aad Madaxweynaha ka tahay, ku hadlay.  Taas oo micnaheedu yahay,  marka la soo ururiyo, (i)inaadan la qabin in xisbiyada mucaaridka ah ee qaranka laga soo abuubulin,  lagana soo maal-gelin Somalia.(ii) In dadka aad u xaqiijiso in nidaamka siyaasiga ah ee dalku uu ka  kooban yahay hannaanka xisbiyada badan ,  isla markaana aan  midkoodna  cadow ku ahayn jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland sida dastuurka qarankuba tilmaamayo

  2. In  xisbiyada mucaaridka ahi ay leeyihiin awood, sharci iyo karaamo lamida ta u leeyahay xisbi xaakimka maanta  talada haya, marka laga reebo inuu  maamuulo  xukuumadda.

Waxannu kaa dalbaynaa, Mudane Madaxweyne in  si ka duwan sida Wasiirka Arrimaha Gudahu u hadlay, in aad dadweynaha reer Somaliland  kalsooni ku siiso in Xisbiyada qaranku aanay ahayn qaran -dumis

Mudane madaxweyne, annaga oo qabna kuna qanacsan in aad talada dalka ku timi sifo  dimuqraaddi ah oo sharci ah, waxannu, haddii aanu nahay Xisbiga WADDANI, kuu xaqiijinaynaa, in aannu aaminsannahay in xisbiga WADDANI uu talada dalka ku iman karo oo keliya dariiq sharci, iyo tartan dimuqraaddi ah , lana mid ah sidii xisbiga kulmiye oo mucaarid ahaan jirey, uu ku yimid talada dalka Jamhuuriyada Somaliland.

Ugu dambayntii, waxannu xisbi ahaan kaa dhawraynaa tallaabo waafaqsan sharciga, Distoorka iyo danta guud ee qaran, in aad ka qaaddo deel-qaafka  Wasiirka Arrimaha Gudaha. Haddii kale waxad dariiqa u furaysa inuu lumo ku- dhaqanka sharcigu (rule of law), madaxda xukuumadduna u dhaqmaan sidii xukunkii digtaatooriga ahaa ee la iska xoreeyey.

Alla          mahad            leh.

          Md. Axmed Muumin Seed.

 Guddoomiye-xugeenka Xisbiga WADDANI

   ahana Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS