|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamad Ku Talla Dalka Maraykanka Oo Saddex Qof Oo Somali Ah Xukun Xabsi Daa`in Ah Ku Riday.
November 15, 2013 - Written by Wariye:Washington(Wajaale News):- 2013Maxkamadda ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun xabsi daa`in ah ku ridday saddex qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ka mid ahaa 19-qof oo loo haysto inay ka dambeeyeen dilka afar qof oo Mareykan ah oo lagu dilay badweynta Hindiya.Qaadiga maxkamadda xukunka ridday oo lagu magacaabo, Rebecca Beach Smith ayaa sheegay in Abuukar Cismaan Bayle oo 33-jir ah iyo Shaani Nuuraani Sheekh Abrar oo 31-jir ah lagu xukumay xabsi daa’in, kaddib markii dacwadahooda la dhageystay Arbacadii iyo Khamstii la soo dhaafay, halka Axmed Muuse Salaad oo 27-jir ah isagana lagu xukumay xabsi daa’in salaasadii aynu soo dhaafnay. “Xukunkan wuxuu farriin cad u dirayaa kooxaha burcadadeedda ah ee sida aan kala sooca lahayn u weerara maraakiibta ku safra biyaha Soomaaliya, falalkoodaasna looma dulqaadan doono wixii hadda ka dambeeya,” ayuu yidhi xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Dana J. Boente. Saddex qof ee Soomaalida ah ayaa waxay ka mid yihiin 19-qof oo loo haysto dacwad la xiriirta inay xeebaha Soomaaliya ku toogteen afar qof oo dalka Marekanka u dhashay, kuwaasoo lagu qabsaday dooni ay ku dalxiisayeen. Dilka afarta qof ee Mareykanka ah ayaa dhacay xilli markab dagaal oo dalka Mareykanka laga leeyahay uu isku dayay inuu xoog kaga furto dableydii gacanta ku haysay, taasoo natiijadeedu noqotay in afarta qof la dilo. Afartan qof ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray: Jean iyo Scott Adam oo kasoo jeeday gobolka California iyo saaxiibadood oo iyagana lagu kala magacaabi jiray Bob Riggle iyo Phyllis Macay oo kasoo jeeday gobolka Seattle. Dhanka kale, 11-qof oo ka mid ah 19-ka qof ee loo haystay inay fuliyeen dilka afarta qof ee dalka Mareykanka u dhashay ayaa horay loogu xukumay xabi daa’in, inkastoo weli dacwaddoodu socoto kuwo kale oo aan caddeymo lagu helin. Wajaale News Related posts:Guddoomiyihii hore ee Degmada Faraweyne oo xilka ku wareejiyey Madal Wax-qabadkiisa looga Markhaati-... Wasiirka Beeraha Oo Raashinkii Ay Kasoo Saareen Mashruuca Banka Wajaale Ku Wareejiyay Haayada Kaydka... “Somaalida In Dhul Laga Qaato Iyadoo Xay Ah Uga Cabsan Maayo,Balse Inay Iyadu Is Dhammayso Ayaan Uga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|