MAXAY KUKALA DUWAN YIHIIN DOODAHAN QARAN EE 2006DII IYO TAN 2013 DUB U MILICSO TAKHIIRDA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MAXAY KUKALA DUWAN YIHIIN DOODAHAN QARAN EE 2006DII IYO TAN 2013 DUB U MILICSO TAKHIIRDA
November 13, 2013 - Written by Editor:

Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Awrba awrka hore ayuu socodkiisa leeyahay” Somaliland waxa aalaaba  soo  maray marxalado kala duwan oo mid waliba goobteed iyo goorteed lahayd, waxaanad moodaa in siyaasado isdabaqaya aynu inta badan soo aragno waayo? Sanadii 2006 August 5-6dii ayaa xisbiyadii xiligaa mucaaridka ahaa oo ka shanayay qaarka mid ahaa ururadii bulshada raydka ah oo uu ugu tunweynaa SORADI waxay soo qaban qaabiyeen shir ay ku sheegeen DOOD QARAN oo qodobo dhawrii kazoo baxeen oo xiligaa maamulkii dalka ka talinayay ku ahaa laf-dhuungashay ku ahaa ayaa hadeerna oo  aynu 8sano ka dib joogno waxa hadana sidii ookale mucaaridka imika oo ah UCID iyo WADANI ay abaabulayaan isla DOODII QARAN oo kale wallow gudoomiyaha ay imika u doorteen hawshan uu yahay kii xiligaa oo ahaa Gudoomiye fadal oo ururka SORADI madaxda ka ahaa waxa kaliya oo is badalay waa SIILAANYO oo imika kazoo horjeeda iyo GUDOOMIYE CIRO oo halkii SIILANYO waaga ku jiray fadhiya.

 

Hadaba maxaa shacabkan uga meel yaala siyaasada bilaa horumarka ah ee siyaasiyiinta Somaliland oo aad moodo in marka talaabo hore u qaadaan labana ay dib u qaadaan. Bal imika aan idiinsoo gudbiyo go’aamadii xiligaa waa 2006 aykasoo saareen SIILAANYO IYO FAYSAL , waxa kale oo aynu eegi doonaa qoraladeena danbe  sida madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE u arko.

 

Hal-ku-dhegyo iyo talooyinkii ka soo baxay shirkii dood-qaran 5-6/08/2006 ee ay horseedka ka ahaayeen Axsaabta siyaasadda ( KULMIYE & UCID ) JSL iyo sidii ay u dhignaayeen qodobadii ka soo baxay oo sidan soo socota ah: 

Dooddii xaaladda siyaasadda cusub ee Geeska Afrika iyo dhammaystirka geeddi-socodka dimoqraadiyadda Somaliland oo muddo laba maalmood ah ka socotay magaalada Hargeysa, ayaa gebagebadiisii waxa ka soo baxay go’aamo iyo talooyin ku wajahan xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Hal-ku-dhegyada ka soo baxay kulankaa oo ay ka mid yihiin; soo-jeedimo la xidhiidha waxqabadka xukuumadda ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ammaanka iyo maamulka oo lagu tilmaamay qaar ka hoos-maray mustawihii dawladnimo.

 

Hal-ku-dhegy iyo talooyinku shirku soo saaray oo ka soo dhex-baxay doodihii ka-qaybgaleyaashu muddada labada maalmood ah ku qaadaa-dhigayeen mowduuca dulucda ajandaha shirka, oo ay ku saxeexan yihiin labada xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE, waxa uu u dhignaa sidan:

 

“Shirkaas oo socday 5-tii – 6-dii August 2006, waxa ka qaybgalay 130 qof oo ka kala socda labada xisbi-mucaarad, siyaasiyiin madaxbannaan, xildhibaanno labada gole, salaadiin, aqoonyahanno, ururrada bulshada rayidka ah, haween, dhallinyaro, ururka Mujaahidiinta iyo culimada. Waxa shirkaa lagu martiqaaday oo aan iman xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo xisbiga talada haya ee UDUB. Waxa kale oo goob-joog ahaa wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo qaar ka mid ah wakiillada dalalka deriska u fadhiya Somaliland.

 

inkasta oo madasha laga soo jeediyey talooyin iyo aragtiyo fara badan, halkan waxaanu ku soo ururinay talooyinkii ugu muhiimsanaa nuxurkii doodda:

 


1-Saamaynta Xaaladda Geeska Afrika:

 
Xoogagga Soomaalida:

 

1-Waxa shirku soo dhoweeyey nabadda Muqdisho ka islaaxaysa. Hase yeeshee, waxa walaac laga muujiyey in aan Maxaakiimta iyo dawladda Baydhabo midkoodna oggolayn goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

2-Waxa la is-tusay in adduunka laga iibiyo qaddiyadda Somaliland, sidaa darteed, waxaannu danaheenna ka dhaadhicaynaa kalana hadlaynaa xoog siyaasadeed, dalal iyo ururo iyo meel kasta oo ay nala gasho.

 

3-Waxa shirku walaac ka muujiyey talo-la’aanta xukuumadda Somaliland ee arrimaha ka dhacay gobolka. Waxa la isku raacay in xukuumadda lagu cadaadiyo in ay mowqif ka yeelato arrimaha gobolka, ugana warranto goleyaasha qaranka, xisbiyada siyaasiga ah iyo dadweynaha, arrimaha siyaasadda dibadda ee Somaliland.

 
Dalalka IGAD:

 
1-Itoobiya oo aynu xidhiidh sokeeye leenahay, waxa loo soo jeediyey in xidhiidhkeenna dib loo miisaamo, si uu danaha labada ummadoodba uga tarjumo.

 

2-Waxa walaac laga muujiyey taageerada buuxda ee dawladda Itoobiya siinayso dawladda Baydhabo iyo sida ay wax u yeelo karto danaha Somaliland.

 

3-Waxa xisbiyada mucaaradka ah lagu boorriyey in dalalka IGAD gooni-gooni loogala hadlo mowqifka Somaliland iyo in la wada kobciyo danaha iyo xidhiidhada innaga dhexeeya.

 
Caalamka:

 
1-Waxa shirku isla soo qaaday in lagu tallaabsado olole diblomaasiyadeed oo ku wajahan dalalka iyo ururrada saamaynta innagu leh, sida dalalka Carabta oo ay ka mid yihiin Yemen, Sudan iyo Masar.

 

2-Waxa la soo qaaday in hay’adaha iyo dalalka deeqda bixiya lagu qanciyo in wixii mucaawino ah ee JNA-da Somaliland u madaxbannaanaato.

 

3-Waxa shirku isla qaatay in qurbo-joogga Somaliland qayb muhiim ah ka qaadan karo horumarinta qaddiyadda Somaliland, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in laga faa’iidaysto fursadaha ay abuuri karaan.

 


II-Dhammaystirka Geeddi-socodka Dimoqraadiyadda:

 
Waxa la isla qiray muhiimadda ay Somaliland u leedahay dhammaystirka geeddi-socodka dimoqraadiga ah iyo ku dhaqanka distoorku; waxa la isla gartay siday lagama maarmaan u tahay in:

 

1-Doorashooyinka soo socda lagu qabtaa xilligoodii, xukuumadduna diyaariso wixii ay u baahan yihiin adeeg, dhaqaale iyo qabanqaabo. Xisbiyada siyaasiga ah waa in ay si aan nasasho lahayn u daba-galaan sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinkaasi. Waxa shirka ka soo baxay in Guurtidu ku timaaddo doorasho sida distoorku qorayo. Sidaa daraadeed, waxa la soo jeediyey in doorashada Guurtida lagu beego tan goleyaasha degaanka.

 

2-Xisbiyada siyaasadeed waa in ay samaystaan barnaamijyo ku wajahan marxaladdan adag, kuna hoggaamiyaan dadweynaha si qodobaysan, oo muddaysan oo yool cad leh.

 

3-Xisbiyadu waa in ay dadka abaabulaan, qaataana kaalin hoggaamineed, si ay u fuliyaan baranaamijyadaas, iyaga oo adeegsanaya dariiq kasta oo distoorku oggol yahay.

 

4-In loo ololeeyo sidii dalka loogu soo dabbaali lahaa sharciyadda iyo distoorka, lagulana xisaabtamo Madaxweynaha ilaalinya iyo hirgelinta shuruucda dalka. Madaxweynuhu wuxuu ku fadhiyaa sharciyad distoor, haddii uu jebiyo distoorkana, waxay wiiqaysaa sharciyaddiisii.

 

5-Waa in midnimada Somaliland la sugaa.

 

6-Waa in ciidamada qaranka ee jiidaha hore loo tagaa, la dhiirigeliyaa, la wacyigeliyaa, lana daryeelaa.

 

7-Waa in la dhisaa idaacad qaran oo wada gaadha dalka oo dhan, oo ka haqab-tirta dadweynaha baahida warbaahineed, kana hortagtaa idaacadaha tirada badan ee ka soo horjeeda qaddiyadda Somaliland ee ku keliyeystay dadka.

 

8-Waa in muwaadiniintu furtaan idaacado iyo qalabka kale ee warbaahineed, kuwaas oo u adeegaya danta guud.

 

9-Warbaahinta dawladdu waa in dhex ahaataa, una adeegtaa danaha caamka ah ee bulshada, waana in loo sameeyo BOODH madaxbannaan oo maamula.

 

10-Waxa la isla gartay in madax-dhaqameedyadu sii xoojiyaan nabadgelyada, turxaan-bixinta iyo midnimada ummadda reer Somaliland.

 

11-Waa in la joogteeyaa doodaha noocan ah.

 

12-Mujaahidiinta SNM waxay mudan yihiin in la daryeelo agoomahooda, naafadooda iyo kuwa noolba.

 

13-Waxa la isla gartay in ay tahay hawl xisbiyada mucaaradka ah u taal daba-galka iyo ka-midho-dhalinta talooyinka shirkan ka soo baxay.

wajaalenews kal soco xogo kale oo dheeraada

wajalenews@gmail.com”

COMMENTS
LINKS