MAXAA U SABAB IN XAFIISKA XOGHAYAHA FULINTA DAWLADA HOOSE MAGAALADA GABILEY NOQDO MID BULSHADII DANAHA U LAHAYD WAKHTIGU KAGA HOR LUMO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MAXAA U SABAB IN XAFIISKA XOGHAYAHA FULINTA DAWLADA HOOSE MAGAALADA GABILEY NOQDO MID BULSHADII DANAHA U LAHAYD WAKHTIGU KAGA HOR LUMO
November 2, 2013 - Written by Editor:

Xafiiska xogahayaha dawlada hoose ee magaalada gabiley ayaa mid saacada intooda ugu badan aaney shaqo ka socon taas oo ay sababtay in xoghayaha fulinta ee dawlada hoose oo ah mishiinka kala wada hawsha  ama shaqada inteeda badani kusocoto bulshada inteeda badani caqabad kala kulmeen, dadweynaha dadnaha kala duwan u leh xarunta dawlada hoose ee magaalada gabiley ayaa maalinta kasta dhibweyn kala kulma kuwa danaha gaarka ah u leh xoghayaha oo ay maalinkasta oo ay horyimaadaan xafiiskiisa ka waayaan ama aan ku sugnayey, dadkan oo dareen xoogan ka muujiyey arrintan ayaa saaka subax anaga oo ku sugan xarunta dawlada hoose ee magaalada gabiley ka waramay danaha ay u yimaadeen iyo waxaa kaga xidhnaa xafiiskan, dadweynaha qaar ayaa u badnaa dad iyagu sheeganaya lacago dayna oo muddoba ay ku lahaayeen dawlada hoose ee qaadashadeeda uu hortaagan yahay ama ay u xayiran tahay xoghayaha fulinta ee magaalada gabiley,  halka kuwo kalena sheegeen in arrimo dhinaca dhulka ah ay uga socodeen, balse aaney mar qudha ama hal maalin jaanis u helin,

Xoghayaha fulinta dawlada hoose oo imika muddo ilaa afartii maayirk ee soo maray magaalada gabiley dhawar jeerna isu dayeen in maayiradii hore ka qaadaan ama ay ka eryaan shaqada ayaa hadda ah in muddo kusoo dhex jiray shaqada dawlada hoose ee degmada, balse aad imika moodo mid ka caajisay shaqadii uu bulshada u hayey, kagana mashquulay dano gaara oo uu daba cararo, wakhtigii aanu ku sugnayey xarunta ayaanu hal aragti u helnay inaanu isha ku dhufano,

Dadweynahan ka cabanaya xoghayaha dawlada hoose ee gobolka gabiley ayaa ku sifeeyey shaqada xoghayaha mid aan salka ka fadhiyey isla markaana ku aadan dano shaqsiyeed oo aan inta badan ka turjunim ta guud,

inkasta oo aanu isu daynay in aanu wax ka waydiino xoghayaha dawlada hoose arrrinta ayaaney nooo suurto galin,

 

Qalinkii Wariye Ahmed Almisqalin

COMMENTS
LINKS