Maxaa Laga Yeelayaa Gudidii Qalwada Isku Doortey ee Qabanqaabada Shirweynaha Su,aalaha ugu Badan ee Taagerayaasha Xisbiga Kulmiye Isweydiinayeen iyo Dareenka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Laga Yeelayaa Gudidii Qalwada Isku Doortey ee Qabanqaabada Shirweynaha Su,aalaha ugu Badan ee Taagerayaasha Xisbiga Kulmiye Isweydiinayeen iyo Dareenka
November 6, 2013 - Written by editor

 

Xubnaha Gudida Qabanqaabada oo ka koobnaa todoba iyo labaatan xubnood oo shan iyo toban kamid ahi isu doorteen in ay hogaaminayaan Gudida Qabanqaabada

Hargeysa(Wajaale-news)-Taageerayaasha kala duwan ee Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay isbadelada kuyimid  loolanka u dhexeeyay xubno kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada iyo hogaanka Xisbiga  awgeed waxey si weyn isu weydiinayeen Su,aalo aan kala go, laheyn oo ay  ay hordhac u tahey Maxaa laga yeelayaa xcubnaha Gudidii qalwada isku doortey ee shan iyo toban Xubnood ahaa, ee qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.

Xubnaha Gudida Qabanqaabada oo ka koobnaa todoba iyo labaatan xubnood oo shan iyo toban  kamid ahi isu doorteen in ay hogaaminayaan Gudida Qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga kulmiye meel aan Sharciga waafaqsaneyn Islamarkaana, ay ka biyo diideen nidaamka loo marey doorashadaasi guud ahaanba hogaanka  Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashooda, iyo Waliba Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel, inkastoo aanay hadalheynta Gudidani indhawaale ku badneyn dhegaha dadweynaha waxey soo qaadistooda iyo Su,aasha ka taagan waxa laga yeelayaa dib usoo baxdey Maalmihii u dambeeyay taas, oo qof kastav katirsan Xisbiga Kulmiye uu qofka kale weydiinayo xiliga lakala dirayo xubnahaasi iyo waxa laga yeelayo.

 

Sikastaba ha ahaatee waxa la filayaa in aaney rajadoodu fiicneyn xiligan Xubnaha Gudida qabanqaabada kamidka ah ee ahaa shan iyo toban Xubnood oo Gudoomiye u doortey nin Qurba joog ah oo layidhaa Abiib Xaamud Jibriil, oo isagu ka hadley warbaahinta sheegeyna in aanay aqoon isku laheyn Wasiir Samaale iyo Xildhibaan Bukhaari oo isaguna katirsan Golaha Wakiilada haseyeeshee, inta ugu badan ee taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee taageersan hogaanka Xisbigaasi ay ka deyrinayeen kalsoonidiisa, waxaana loo wada dheg taagayaa xiligan waxa laga yeelayo xubnaha Gudidan oo iyagu daaha ka feyday Musuqmaasuqii iyo awood sheegashadii hantida Dowlada ee ka dhex aloosnaa Kaanbeynada Xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kalena dad badan oo katirsan Xisbiga Kulmiye ayaa, siweyn u hadal haya inuu is casilayo Wasiirka Maaliyada Somaliland taas, oo ay dadka aqoonta u lihi ku tilmaameen in aanu iska casileynin Xilka Wasiirnimo haseyeeshee, ay suurtagal tahey in uu ka tanaasulo loolanka Xisbiga dhexdiisa ah, iyadoo ay muuqato xaraarada kaambeyn uu ka galo Xisbiga balse ta Wasiirka uu ka door bidayo.

Wajaale News Reporter

Hargeisa Office

 

COMMENTS
LINKS