|
|||||||||||||||||
WAJAALE NEWS
Marxuun Axmed Maxamed Aadan Qaybe Oo Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyey Magaalada Hargaysa.
November 27, 2013 - Written by editorAaska Marxuumka oo Ka Dhacay Xabaalaha Qaranka Ee Badhtamaha Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb Galay Madaxweyneha Somaliland, Wasiiro ka tirsan xukuumadda
Hargaysa(Wajaale-News)Alle ha unaxariistee waxa maanta magaalada hargaysa aas qaran loogu sameeyey marxuum Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo ka mid ah Siyaasiyiinta Magaca Ku Lahaa Taariikhda Wadamada Somaliland iyo Somalia. Aaska Marxuumka oo Ka Dhacay Xabaalaha Qaranka Ee Badhtamaha Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb Galay Madaxweyneha Somaliland, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Xildhibaanada labada Gole,Labada Xisbi Mucaarad, Siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan. Madaxweynaha Somaliland oo markii uu aasku dhacay Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in uu dalka ka baxay mid ka mid ah rukumadii siyaasada somaliland dhidibada u taagay, waxaanu yidhi?ilaahay Samir iyo iimaan ha inaga siiyo Axmed Maxamed Aadan Qaybe waxa uu ahaa shaqsi tariikh dheer kuleh wadanka ayaa uu ahaa waxa uu ahaa guddoomiyaha baarlamaanka tariikh badan ayaa uu kulahaa dalka waxa uu usoo galay Dalka dhib badan Magac iyo masuus wayn waxa uu kulaa dalka waxa uu ahaa nin karaamo leh oo xishmad iyo qadarinba leh ayaa uu ahaa marxuun Axmed Maxamed Aadan Qaybe Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo umada somaliland ilaahay Samir iyo iimaan ha kasiiyo.
Waxa isaguna Aaskaas qaran ee loosameeyey Marxuun Axmed Maxamed Aadan Qaybe ka hadlay wasiirka wasaarada arimaha dibada somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxaana uu yidhi?marxuunkaas aynu maanta joogno xabaashiisa ee loo sameeyey aaska qaran waxa a uu ahaa nin qaran oo dalka waxbadan usoo taray ilaahay waxaanu uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo.
Sidoo kale waxa isna Aaskaas qaran ee loo sameeyey ka hadlay wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha dalka jamuuriyada somaliland Dr Cabdi Awdaahir Waxaana uu yidhi?marxuunkaas maanta inaga baxay waxa uu ahaa marxuun qaran oo ka baxay dalka iyo dadka jamuuuriyada somaliland waxa uu ahaa nin tariikh dheer oo aan maanta laga sheekayn Karin dalka usoo galay Marxuunku waxa uu ahaa siyaasiyiinta faro ku tiriska ah ee dalka kasii jooga.
Aaska qaran ee loo sameyey Marxuun Axmed Maxamed Aadan Qaybe waxa isna ka hadlay wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade waxaana uu yidhi?marxuunkaas maanta inaga baxay waxa aynu urajaynayaa inuu ilaahay naxariistii jano ka waraabiyo shacabka somaliland Samir iyo iimaan kasiiyo runtii waxa uu ahaa ragii inagaga hadhay ee xornimada somaliland kala wareegay ayaa uu ka mid ahaa halgamaa dheert ayaa uu ahaa sida uu sheegay madaxwayne siilaanyo waxa uu ahaa mujaahid qaran oo ka baxay dalka jamuuriyada somaliland.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee xisbiga kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed waxaana uu yidhi?ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo Marxuun Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo aynu saaka halkan ku aasayno sida ay shegeen madaxwaynaha somaliland iyo wasiiraduba waxa uu ahaa Qaybe xoriyadii ay ingiirska ka heshay somaliland ragii ku suntanaa ayaa uu ahaa mudo 60sanadood ku dhaqo waxa uu ahaa ragii usoo shaqaynayey qaranka ayaa uu ahaa nidaamka dawladanimo ee imka lagu naloonayo ragii dhisay ayaa uu ka mid ahaa tariikh badan ayeynu ku xasuusan doonaa nin wanaagsan oo afgaaban ayaa uu ahaa.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay wasiirka wasaarada caafimaadka somaliland oo ka shekeeyey tariikhdii Marxuun Axmed Maxamed Aadan Qaybe Waxaana uu yidhi,waa uu ahaa shakhsi wayn oo tariikh wayn ku leh dalka somaliland waxa uu ahaa nin halgamaa ah oo dalka dhibaato badan usoo maray si uu maruun uhelihaa dalka somaliland oo xor ah oo nabada ah maanta wadankii oo xor ah waa kaas dhintay waxa aynu marxuunka ilaahay ugabaryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Samir iyo iimaan kasiiyo shacabka somalilan.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Ugaaska Guud Ee Beelaha Arab Ugaas Axmed Maxamed Siciid Cali Mahad waxaana uu yidhi?waxaana halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dhamaan umada reer somaliland meelkasta oo ay joogta waxaan ka tacsiyadanayaa geerida ku timi Marxuun Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo ah marxuun qaran oo ka baxay dalka somaliland Qaybe waxa uu ahaa nin tariikh wayn ku leh dalka somaliland waxa ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ehelkii iyo shacabka somaliland Samir iyo iimaan kasiiyo.
WAJAALE NEWS DESK HARGEISA OFFICE CONTACT US : wajalenews@gmail.com Related posts:Mujaahid Cali Guray Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Madaxweynaha, Sheegayna Inaanay Dalkan Xal U Noqonayn... Xarunta Arimaha Siyaasada Ee Dalka Maraykanka Oo Soo Shaacisay Qorshe Dawlada Masar Saldhig Milatari... Daawo: Ganacsato Dhisme Ka Bilaabay Xabaalo Ku Yaala Magaalada Berbera Iyadoo Lafihii Ku Jiraan Iyo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||||||||||||||
|