MARAYKANKA OO LIISKA ARGAGIXISADA KUDARAY URURKA BOKO HARAM EE DALKA NIGERIA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MARAYKANKA OO LIISKA ARGAGIXISADA KUDARAY URURKA BOKO HARAM EE DALKA NIGERIA
November 14, 2013 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS.COM)Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in liiska waxa loogu yeero Argagixisada ay ku dartay Ururka Boko Haram ee ka dagaalama dalka Nigeria iyo ururka Ansaru Diin, kuwaasoo xiriiro dhow la leh Al-Qaacidada Waqooyiga Afrika.

War ka soo baxay Wasaarada Arrimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in labadan urur Argagixiso ay mas’uul ka yihiin dhimashada kumanaan ruux oo lagu dilay waqooyi bari iyo bartamaha Nigeria sanadihii u dambeeyay.

Sidoo kale kooxdan ayaa lagu eedeeyay afduubka 7-shaqaale u shaqeynayay shirkad qaabilsan, waxaana liiska lagu daray uu bilow u noqon karaa weeraro lagu bartilmaameedsado hogaamiyeyaashooda.

Ururka Boko Haram ayaa dooneysa in shareecada islaamka ku soo rogto dalka Nigeria, waxaana dagaal ay kula jiraan dowladda, waxaa uu ururka ka mamnuucay waqooyi bari Nigeria waxbarashada reer galbeedka, iyadoo la gubay iskuulo fara badan.


dhinaca kale  ururka ansarudiin ee dalka mali ayaa ah mid xidhiidh lale alqaacida waxayna baabii yeen dhamaan dhismayaashii qadiimiga ahaa ee dalka oo ay ugu horeeyay masajidadu iyo dhamaanba wixii raad diimeed sheegta waana  qolooyinka kugabanaya diinta islamka kuwaasi oo baabinaya islamka

wajaalenews,com

hargeisa office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS