Magafe iyo xukuumada Somaliland xidhiidh nooceeya ayaa ka dhexeeya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magafe iyo xukuumada Somaliland xidhiidh nooceeya ayaa ka dhexeeya.
November 8, 2013 - Written by Editor:

Somaliland: Shacab Magafe Baadhay Iyo Xukuumad Moogan.

Akhristaw,waxaad moodaa in shacabka Somaliland iyo Xukuumada talada wadanka haysaa ay kaaf iyo kala dheeri kala taagan yihiin,oo aanay is xaal ogayn,oo mid waliba jid u gaar ah dhabaynayo. Shacabku waxay toobiyaynayaan jid ay nolol ku raadinayaan,waxaanay intooda badan u fadhiyaan tacsida ubad koodii badaha Libiya ku looday,halka qaar ka mid ahi u raadinayaan kharash ay kaga soo furdaamiyaan ubadkooda Magafe, oo ku haysta Saxaraha Libiya,waxaa intaa soo raaca kuwo jiif iyo joogba diiday,oo oohin uun miciin saday, kadib markii ay waayeen halka ay jaan iyo cidhib dhigeen da’yartoodii tahriibtay,oo ay ugu maqal danbaysay,wuu tahriibay oo Itoobiya ayuu xuduuda Suddan ugu sii gudbay. Wadanka kastaa wuxuu wadan kale kaga mustaqbal wanaagsan yahay, hadba xoogiisu “oo da’yarta ah” sida uu u dhawrsan yahay. Waa kaydka Bari ee Badelaya jiilkan maanta talada haya,burburkiisuna waa Aafo qaran oo mudan in wada jir wax looga qabto.

Xukuumada maanta Talada haysaa waxay toobiyaynaysaa jidkaa ka duwan oo habeena kumay seexan xal u helida Ubadka wadanka ka yaacaya,iyo inay bulshada ka bakhtiiso maraxaladaha qalafsan ee duruufta wadanka taalaa dhaxal siisay. Aragtida shacabku ka haysto xukuumadan uu Axmed Siilaanyo Gadh wadeenka ka yahay ayaa ah mid xigmad daran,waxaanay u arkaan qaylo dhaanta xukuumada ee ah in shacabku dhaqaale ugu tabo ruco dhismaha wadooyinka,mid ka turjumaya sida ay xukuumadu u moogan tahay duruufaha baahsan ee ku gadaaman bulshada Somaliland ee ay xukunto, waxay shacabku la maseeyeen Xukuumadan maanta joogta, boqortooyo waayo hore xukumaysay Wadanka Faransiiska,wakhtigaasi oo Boqorkii xukumayay Faransiisku ugu baaqay shacabka Wadankaasi oo muduharaad ku muujiyay halka ay baahidu ka gaadhay oo ay waayeen waxay roodhi ku iibsadaan isagoo yidhi “ dadkan mudaharaadayaa haday roodhi waayeen miyay Keegaba cunaan” odhaah daasi oo ka turjumaysa inaanu xukunkaasi waagaa soomaaray Faransiisku waxba kala socon waayaha nololeed iyo waaqiciga dhabta ah ee ay dadkiisu ku sugnaayeen.

Waxaa muuqata oo marag madoona ah inaanay Xukuumada Somaliland ee Talada haysaa ka war hayn waayaha dhabta ah ee ay shacabku ku sugan yihiin. Nolosha oo adkaataa waxay keentaa “oo taariikhdu marag ka tahay” nabad galyo xumo,waxaa Afrika ragaadiyay oo qayrkeed ka reebay waa iyadoo hadba inta dharegta ee xukunka haysaa aanay dareemin ama u dulqaadan keeda baahan,waxaanay ilaawaan waxay shalay soo martay ee ah in jeebkoodii madhnaa,maanta buuxo,lana garawsan yahay inaanay ku sii jirayn, taasina ay tahay xigmada Alle “SWT” inaga qariyay kuna abaal mariyo adoomihiisa, balse ay haboon tahay inaan marnaba la ilaawin ee lagu tusaale qaato.

Rumayso ama ha rumaysan,qaar ka mid ah wasiirada Somaliland ayaa gaadhay heer ay baasaaboor ugu iibiyaan ubadkooda ay uga shakiyaan inay ka tahriibaan,waxaan la arkay in tiraba dhawr wasiir talaabadaa ay hirgaliyeen oo ay ingiriiska geeyeen.

Cabdiraxmaan muxumed Odawaa (gabalaax) 4467713,4412438.
ganni94@hotmail.comqalin

COMMENTS
LINKS