Madaxweyne Siilaanyo Oo Xarunta Madaxtoonyada Ku Qaabiley Wafti Ka Socda Shirkada Genel Energy+ Daawo Sawirada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Xarunta Madaxtoonyada Ku Qaabiley Wafti Ka Socda Shirkada Genel Energy+ Daawo Sawirada.
November 20, 2013 - Written by editor

Hargaysa(WJN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay mas?uuliyiinta shirkaddii Sahaminta shidaalka ka waday gudaha Somaliland ee GENEL ENERGY.

Hargaysa(Wajaale-News):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay mas?uuliyiinta shirkaddii Sahaminta shidaalka ka waday gudaha Somaliland ee GENEL ENERGY.

Kulankan oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii loo sii wadi lahaa wada shaqayntii buuxday ee ka dhexaysay dawladda Somaliland iyo shirkadda GENEL ENERGY, kulankaana waxaa si weyn la isugu afgartay waxyaabahii la isku afgartay.

Markii kulankaasi dhamaaday waxaa si wada jir

ah saxaafadda ula hadlay Wasiirada wasaaradaha arimaha dibada, macdanta iyo tamarta iyo maamulaha shirkadda GENEL ENERGY Mr Tony Haward, waxana ay si rasmi ah daboolka uga qaadeen in shirkadaasi dhinaca sahaminta shidaalku ay si joogto ah dalka uga sii wadi doonto hawlihii dhinaca sahaminta ee ay wadday

Md. Xuseen Cabdi Ducaale Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wadahadaladii midho dhalka ahaa ee u socday dawladda somaliland iyo shirkadaasi ay guul ku soo gebageboobeen dibna ay u sii ambaqaadi doonto shirkaddu fulinta heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Mr Tony Haward madaxa shirkadda GENEL ENERGY oo isna halkaasi hadal ka soo jeediyey ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dib ugu soo noqoshada Somaliland, shirkaduna ay dib u bilaabi doonto hawlihii dhinaca sahaminta shidaalka ee ay ka waday dalka.

Madaxa shirkadda GENEL ENERGY waxa uu sheegay inuu aad u soo dhoweynayo is afgaradka dhexmaray shirkadiisa iyo dawladda Somaliland iyo kulanka ay maanta la yeesheen madaxweynaha Somaliland oo uu ku tilmaamay kulan muhiim u ahaa labada dhinac.

Ugu dambayntiina Wasiirka wasaaradda Arimaha dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ballanqaadayso wada shaqayn buuxda oo ay la samayn doonto Shirkaddan GENEL ENERGY ee ku hawlan sahaminta shidaalka ee Somaliland.

Kulankan waxa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Saylici, Wasiirrada Arrimaha dibada, macdanta,Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS