|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiirkiisa Maaliyadda Kala Doorransiiyey Laba Daran Mid Dooro.
November 5, 2013 - Written by Editor:Sidoo kale, waxay guddiga beesha bariga Burco oo uu horkacayey Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, kulan la yeesheen…………
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wasiirkiisa Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale kala doorransiiyey inuu ka tanaasulo hankiisa ah inuu jagada guddoomiyenimo kula tartamo Muuse Biixi Cabdi marka la gaadho shirweynaha xisbiga KULMIYE iyo inuu iska casilo xilka wasiirnimo si uu tartankaas u galo isagoo bannaanka ka jooga xukuumadda. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay, in xubno ka kooban Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirka Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa kulan ay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo ugaga xog-warramay in khilaafka xisbiga KULMIYE oo sababay kala qaybsanaan ku timi xubnaha golaha wasiirrada iyo hoggaanka xisbul-xaakimka, arrintaasoo ay ku tilmaameen mid halis gelin karta dalka oo xilligan cadaw badan leh haddii aan si degdeg ah xal looga gaadhin. Sida ilahaasi xaqiijiyeen waxay xubnahaasi Madaxweynaha ka codsadeen in loollanka laga dhex saaro xisbiga KULMIYE oo si hawlaha qaranka iyo horumarka dalka loogu soo jeedsado, masuul kastana loo daayo goobta uu xilka kayo, hadday tahay Madaxweynaha, Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wasiirka Maaliyadda, isla markaana masuul waliba ku eekaado hawsha xafiiskiisa, wax farogelin ahna ku samayn dhinacyada kale, arrintaasoo la xusay in Madaxweyne Siilaanyo aqbalay. Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay inuu isla xalay u yeedhay Wasiirka Maaliyada markii la gaadhsiiyey farriinta ay sideen xubnaha ka soo jeeda beesha bariga Burco, isagoo u gudbiyey mowqifkiisa ku aaddan in aannu jeclayn in Muuse Biixi lagula tartamo guddoomiyenimada KULMIYE. Sidoo kale, waxay guddiga beesha bariga Burco oo uu horkacayey Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, kulan la yeesheen isla xalay guddi ka tirsan beesha Habar Awal ah oo ay ku jireen Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xubno kale, iyagoo Guddoomiyaha Guurtida iyo xubnaha beeshiisu u sheegay hoggaamiyaha KULMIYE iyo ergada wehelinaysay in aanay Madaxweyne Siilaanyo iyo beel ahaanba (Habarjeclo) ogolayn cid Muuse Biixi kula tartanta guddoomiyenimada xisbiga talada haya. Dhinaca kale, ilaa hadda si rasmi ah looma oga natiijada uu ku dhammaaday kulan xalay dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Maaliyadda, kaas oo la sheegay in lagaga dalbaday inuu ka tanaasulo tartanka guddoomiyenimada KULMIYE, kuna ekaado wasiirnimadiisa amma si degdeg ah xilka isaga casilo, balse ilaa 48-ka saac ee soo socda ayaa la filayaa in arrimuhu si buuxda u kala caddaadaan Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|