WAJAALE NEWS
Madaxweyne Qaran, Xisbiyo Qaran, Shir weyne Qaran, iyamaa Quman oo aynu qaadanaa?
November 18, 2013 - Written by Editor:
Madaxweyne Qaran, Xisbiyo Qaran, Shir weyne Qaran, iyamaa Quman oo aynu qaadanaa?
Falaqeyn Sharci
Barkhad Jama Hirsi Batuun
Shirka ay ku baaqeen Xisbiyadu ayaabay dohorkaa maanta ah igu baxday, Waar Shir laheyne nimankan doonaya wadanka iney qas iyo qalalaase hor leh ka dhigaan ha maqline nabadgalyadeenaa aynu ku caano maalney ma ilaashanaa?
Waa Erayo ay iswaydaarsadeen laba muwaadin oo dhinacayga ku gorfaynayey wadciga siyaasiga ah ee wadanka mar aan fadhiyey maqaaxi kamid ah madalaha ay bulshadu isku waydaarsato kolba wixii ku soo biira saaxada siyaasada somaliland
Hadaba waxaa marag madoon ah in mudooyinkii u danbeeyey ay bulshada dhexdooda si weyn ugu badatey hadal haynta iyo falaqeynta faa,idooyinka ku jira shirka qaran ee ay xisbiyadu ku baaqeen iyo fidnada ka dhalan karta
Qasab ayey noqotey inaa qoraal _qalin gaaban ku cabiro aragtidayda ku wajahan arimahan socda.
Guud ahaan marka qaran laga hadlayo waxaa lagu soo koobaa ama uu ku soo urursamaa sida uu qeexaya xeerka caalamiga ah ee (International Law)
Dal+Dad+Dawlad= Qaran
Iyadoo haddaba ay sidaa tahay ayaa waxaa markasta saxaafada dalka ku soo noqnoqda falaqeynta shirka qaran ee ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaridka ah
Aan soo qaato qodobka 90aad ee Distoorka Jamhuuriyada Somaliland oo leh:
MADAXWEYNUHU WAA MADAXA QARANKA IYO DAWLADDA; WAANA ASTAANTA MIDNIMADA
MUWAADINIINTA KA TIRSAN JAMHUURIYADDA SOMALILAND. WAXA UU U XILSAARAN YAHAY DARYEELKA
HAYBADDA DALKA; ILAALINTA NABADGELYADA; HORUMARINTA BULSHADA IYO HAB-SAMI-U-SOCODSIINTA
MAAMULKA DAWlADDA.
Qodobkaas 90aad ee Distoorka firqadiisa kowaad waxaynu ka dheehan karnaa kana fahmi karnaa in marka laga hadlayo arimaha Qaranka uu Madaxweynuhuhu yahay qofka kaliyaata ee u xilsaaran marxalad kasta oo qaranku galo xalkeeda iyo xalinteeda, waana astaanta qaranimada dalka ee dunida tusaysa haykalkeena dawladeed iyo haybadiisa. Shirweyne qaranna isagu qaban karo maadaama oo distoorku ku tilmaamey inuu yahay Madaxa qaranka iyo astaanta qaranka
Aan soo qaato qodobka 9aad ee Distoorka oo leh isna
Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag,
dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.
Qodobkanna waxaa aynu ka dheehaneynaa in Nidaamka siyaasadeed ee wadanka ay saldhig u tahay Nabadgalyada, iyo Talo-wadaaga, waxaana looga jeedaa haddii ay xisbiyada ama dawladu midkood arko wax khal khal galinaya hanaanka wadanka waa iney iskugu imaadaan shirar joogto ah oo ay markaa kaga wada tashanayaan wixii aafo ku keeni kara qaranimadana ay qabsadaan taas oo micnaheedu yahay in wadanka la wada leeyahay laguna wada leeyahay Tallo, Tusmo, Toosin, iyo waliba Tilmaam.
Aan u gudbo Xeerka Xisbiyada Xeer 14 Qodobkiisa 8aad firqadiisa 5aad oo iyana leh
Xisbiyadu waxay xaq u leeyihiin Inay si xor ah u gudbiyaan afkaartooda siyaasadeed iyagoon wax u dhimayn xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee dalka.
Waxaa si cad inoogu muuqda iney shuruucda wadanka u taalaa xooga saarayso ilaalinta xasiloonida wadanka iyo nidaamka kala danbeynta.
Haddaba intan oo qodob ee aynu soo aragney midna sheegimaayo in Shir qaran ay ku baaqi karaan ama qaban karaan Xisbiyada Mucaaridka ah, marka laga reebo qodobka u danbeeye Xeerka Xisbiyada qodobka 8aad firqadiisa 5aad oo iyada sheegaysa iney Xisbiyadu si xor ah u gudbin karaan afkaartooda siyaasadeed taas oo shardi adag uu ku xidhan yahay oo ah inaaney waxba u dhimeyn xasiloonida wadanka balse si cad uma sheegayo kamana arkayno inuu leeyahay shir qaran ayey qaban karaan oo awood u leeyihiin.
Shir qaranow Maxaad haddaba tahay?
Shir qaran waxaa la odhan karaa ama aynu ku fasiri karnaa sidan:
Shir qaran waxaa la odhan karaa kuwii ka dhacay 1991 18 may Magaalooyinka Burco iyo Borama 1993 ee Qeybaha kala duwan ee Qaranka Somaliland kaga tashadeen aayahooda Nololeed taas oo ay u wada dhamaayeen guud ahaan beelaha dega somaliland gaar ahaana qeybaha kala duwan ee bulshada sida:
1. Culimada
2. Ganacsatada
3. Siyaasiyiinta
4. Dhalinyarada
5. Jabhadii Xoreynta wadanka SNM
6. Haweenka
7. Iyo waliba Aqoonyahanka
Shirkii Qaran ee Burco ayaa lagu akhriyey 6 qodob kuwaas oo uu akhriyey madashana ka soo jeediyey akhriyey Mujaahid Aadan Ahmed Dirie oo ay shirgudoonku u wakiisheen arkhrintooda qodobka 1aad oo ahaa in maanta laga bilaabo somaliland iskeed isku taagtey oo ay tahay qaran madaxbanaan
Guud ahaan qodobadaasi waxay ahaayeen kuwa anfac weyn u lahaa wadanka iyadoo midhaheediina Somaliland ku caano maaleyso muddo dhan 23 sanno.
Aan sidoo kale soo qaato Shirkii Borama 1993 kaas oo isna ahaa shirkii 2aad ee lagu dhigo dhidibada dawladnimada iyadoo ay bartaas ka bilaabmatey waxa la idhaahdo talo-wadaaga iyo dhismaha dawlad wadanku yeesho oo rasmi ah kadib xukumaddi uu gadhwadeenka ka Ahaa Alle ha u Naxaristee Madaxweyne A/rahman Ahmed Ali kaas oo gobolka awdalna ku galay taarikhda somaliland baal dahab ahna u kaga jiro.
Sababaha keena Qabashada Shir Qaran:
A. Aafooyin Colaadeed oo duunyo iyo dadba saameeya
B. Ka gaashamashada shirqoolada cadowga ee lagu wado wadanka
C. Is maandhaaf dhex imaada qabaa,ilada wadanka oo laga baqdo iney ka dhalato colaad dagaal
D. Aafooyin dabiici ah oo dalka saameyn weeyn ku keena dhismayaashiisa iyo kaabayaashiisa dhaqaale
E. Cuduro saameeya bulshada, sida daacuunka iwm Alle ha inaga hayeen. Waxaana muuqata intaas aan soo sheegay oo dhan inaanu midna ka jirin wadanka
Guntii iyo gabo gabadii
Waxaan si xushmad miglo iyo maamus ku dheehan yahay uga codsanaya Madaxda iyo Maamulka Maxkamada sare ahna Maxkamada Distooriga ah iney si toos ah u soo gasho arimaha fasiraada sharciga dalka taas oo distoorku awood u siinayo soona saarto baaq iyo bayaan ku socda dhamaan qeybaha kala duwan ee wadanka iyada oo ku amraysay Muwaadin kasta, Haayad kasta dawli iyo mid gaar ahba iyo , Ururkasta, xisbi kasta inaanu iska fasiran karin sharciga dalka gaar ahaan distoorka oo aanu ka dhigan karin la jifiyaa banaan la joojiyaana bannaan.
Allah Mahad leh
Barkhad Jama Hirsi Batuun
WAJAALENEWS.COM
HARGEISA OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related
COMMENTS
|
|