|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuc Biyaha Lagu Gaadhsiinayo Deegaanada Isha Cobosha Iyo Sheekh Cumar
November 19, 2013 - Written by Editor:Hargaysa(WAJAALENEWS.COM):- Madaxweyne ku xigeenka somaliland Md. C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Mashruuc Balaadhan. Hargaysa(WAJAALENEWS):- Madaxweyne ku xigeenka somaliland Md. C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Mashruuc Balaadhan oo biyaha lagu gaadhsiinayo degaamada isha cobosha iyo sheekh Cumar ee magaalada Hargaysa. Munaasabad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka mashruucan ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirrada wasaaradaha Biyaha Xuseen Axmed Cabdulle , Wasiirka wasaarada qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, masuuliyiin ka socotay hayadaha qaramada midoobay iyo Hayadaha caalamiga ah ayaa warbixin dheer oo uu halkaaska jeediyay maareeyaha wakaalada biyaha ee caasimada Hargaysa Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa waxa uu ka waramay dadaalka ay wakaaladu ugu jirto sidii caasimadu u heli lahayd biyo ku filan iyada oo mashruucani yahay kii ugu horeeyay ee qaybo kamid ah caasimadu ay Biyo kaga helaan Dooxa Xaraf. Waxakale oo uu sheegay maareeyuhu in wakaaladu dadaal ugu jirto sidii bulshada ku dhaqan caasimadu u heli lahaayeen biyo ku filan. Madaxweyne ku xigeenka JSL. Md. C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil oo iasagu xadhiga ka jaray mashruucan ayaa ka waramay mudadii saddexda sanadood ahayd ee xukuumadani talada haysay hawlaha horumarineed ee ay dalaka ka hirgalisay, waxaana madaxweyne xigeenku sheegay in Biyuhu yihiin mudnaanta koowaad ee xukuumadu ku taamayso sidii bulshadu u wada heli lahaayeen biyo ku filan. WAJAALENEWS.COM WAJALENEWS@GMAIL.COM HARGEISA OFFICE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|