Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay sida ay ula macaamili doonaan Shirkadda Genel Energy | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay sida ay ula macaamili doonaan Shirkadda Genel Energy
November 23, 2013 - Written by Wariye:

madaxwayne siraanyoHargeysa(Wajaale News):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay inay Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay sidii ay ula shaqayn lahayd Shirkadda Sahaminta iyo Baadhista Shidaalka ee Genel Energy, oo sheegtay inay dalka dib ugu soo laabatay, ka dib markii ay dhawr bilood joojisay shaqadii baadhista Shidaalka, isla markaana ay dalka ka baxday.

madaxweyne-siilaanyo3Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa kulan uu Arbacadii la yeeshay Wefti sare oo Shirkaddaas ka socday ka dib, waxa uu Bartiisa Twitterka ku leeyahay Madaxweynuhu ku baahiyay inay Somaliland ka caawinayso Shirkaddaas sidii looga dhabayn lahaa hirgelinta baadhista Shidaalka.

Hadalka uu Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Bogga Twitter-ka oo koobnaa ayaa waxa uu ku yidhi; “Somaliland waxa ka go’an inay la shaqayso Genel Energy. Somaliland waxay ka caawin doontaa fududaynta iyo dammaanad-qaadka dhammaystirka mashruucan ballaadhan.”

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS