|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Djibouti Oo Xabsiga Dhigay Xaqlaha Shirkadda Omaar Ee Dhalasho Ahaan Kasoo Jeedda Somalialnd
November 7, 2013 - Written by Wariye:Djibouti:(Wajaale News)-Madaxweynaha jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xabsiga dhigay Guddoomiyaha ahna Mulkiilaha Shirkadda Ganacsiga ee Oomaar Trading Co. Ganacsade Jaamac Oomar Seed oo Ka mid ah Tujaarta ugu waaweyn Dalalka Somalialnd iyo Djibouti.Ciidammada Jandarmaariiga loo yaqaan ee dawladda Jabuuti ay Ganacsade Jaamac Oomaar Gurigiisa ka soo qabteen Maalintii axaddii iyaga oo Ku xidhay xabsiga dhexe ee loo yaqaan Gabood. Dhinaca kalena waxa wararku tibaaxayaan in xadhigiisa lagu xidhiidhinayo xidhiidh ka dhexeeyey isaga iyo nin kale oo ganacsade ahaa oo u dhashay dalka Jibouti balse hore dalka uga cararay ka dib markii xafiiltan dhinaca siyaasadda ahi dhex maray oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan Boorre. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|