|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Afganistan Oo Cambaareeyay Duqaynta Ay Diyaaradaha Maraykanku Ka Gaystaan Dalkiisa Ee Shacabka Waxyeeladu Ka Soo Gaadho.
November 29, 2013 - Written by Wariye:Kabul(Wajaale News):-Madaxweynaha Afghanistan Xaamid Karzay, ayaa cambaareeyay duqeynta ciidammada Maraykan ku u gaysteen guri ku yaalla gobolka Helmand,ee dalkaasi.Waxaa uu sheegay in ciidamada Maraykanka ay weerarkaas ku dileen cunug yar, halka laba haween ah ay ku dhaawacmeen,Afhayeen u hadlay madaxweynaha ayaa sheegay in ay tahay calaamad dheeraad ah oo muujinayso sida noolasha rayidka aan looga fakarayn,isla markaana aan loo dhawrahayn karaamada dadka reer afgaanistaan. Weerarkan ayaa ku soo beegmayo iyadoo Karzay iyo Maraykanka isku mari la’yihiin heshiis la xidhiidha sii joogitaanka ciidammada Maraykanka ee Afgaanistan. Madaxweynaha Afghanistan ayaa diiddan inuu saxiixo heshiiskan sanadka cusub ka hor,Maraykanka aya ku adkaysanaya inay muhiim tahay in heshiiskaas si deg deg ah lagu saxeexo. Dalka Afghanistan waxaa laga qaban doonaa doorashooyin billawga sanadka soo socda,Guddiga odayaasha ee dalkaas ee loo yeqaanno Loya Jirga ayaa ugu baaqey madaxweynuhu inuu saxeexo heshiiskan. Guddiga odayaasha ee Afghanistan Loya Jirga iyo Baarlamaanka dalkaas aya isaguna horey u ansixiyay heshiiska,Ciidammada NATO ayaa lagu wadaa inay dalkaas ka baxaan sanadka 2014-ka. Maraykanku waxaa uu doonayaa in ciidammadiisa ay sii joogaan wixi ka dambeeya 2014-ka,balse mar walba waxa arrinta sii murgiya iyo xidhiidhka Kabul iyo waashington duqaynta ay qaadan diyaaradaha dagaalka maraykanka ee drone-ka loo yaqaano kuwaasi oo bartil maameedsanaya kooxda Dalibaan balse inta badan dadka shacabka ay dhinta ugu wayni ku dhacdo. Wajaale News Related posts:DAAWO;Munaasibada Qalin Jabinta Dufcadii 8aad Ee Ardayda Jaamacada Alpha Oo Lagu Qabtay Magaalada H... “Ciidamada Yube Jooga Gobolka Aad Odayasha Ka Tihiin Bay Nabadgelyadiisa U Joogan, Inaguna Iskuma So... DAAWO: Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadashay Sababta Ay Albaabada Ugu Laabtay Xafiiskii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|