Madaxtooyada Oo Khilaaf Ku Soo Dhextuurtay Golaha Wakiiladda Markii Uu WADDANI Booska Ka Cidhiidhsaday Xildhibaano Xukuumadda katirsan Iyo Labada Gudoomiye Ku Xigeen Oo Soo Saaray Qoraal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxtooyada Oo Khilaaf Ku Soo Dhextuurtay Golaha Wakiiladda Markii Uu WADDANI Booska Ka Cidhiidhsaday Xildhibaano Xukuumadda katirsan Iyo Labada Gudoomiye Ku Xigeen Oo Soo Saaray Qoraal
November 19, 2013 - Written by Editor:
Isku Shaandhayntan ayaa ka dambaysay, sida uu ku sheegay Qoraal la socday ka dib markii ay Guddi la sameeyay ka dib shir albaabadda u xidhan yihiin oo mudaneyaasha aqalkaasi……

Hargeysa(wajaalenews) Laba Todobaad ka hor ayaa wareegto uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) waxa uu isku shaandhayn balaadhan ku sameeyay Gudi hoosaadyadii Golaha.
Isku Shaandhayntan ayaa ka dambaysay, sida uu ku sheegay Qoraal la socday ka dib markii ay Guddi la sameeyay ka dib shir albaabadda u xidhan yihiin oo mudaneyaasha aqalkaasi ay yeesheen ka dib talo ku soo jeediyeen in isku shaandhayn lagu sameeyo guddi hoosaadyadda Golahaasi.

Sidoo kale waxa uu qoraalkaasi ku sheegay in Golaha Wakiiladda si hawlihiisa shaqo loo dardar geliyo loo baahday in isku shaandhayn sal iyo baar ah lagu sameeyo guddi Hoosaadyadda Golaha Wakiiladda.
Hadaba Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) oo dhinaca kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayay xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku qoonsatay shir ay xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID Iyo Wadani si wada jir uga guddoomeen qabashadiisa Siyaasiyiinta ku Bahoomay madasha wadatashiga.

Shirkan oo ay qabsoomidiisa Wada jir labada xisbiga ugu magacabeen guddi qaban qaabo, ayay geed dheer iyo mig Gaabanba xukuumadda Madaxweyne siilaanyo ugu fuushay sidii ay u kala tuuri lahayd, waxaanay soo abaabushay qorshe xisbiyada Mucaaradka ah lagaga mashquulinayo.
Goor dhaweyd oo aan sidaas u sii fogayn ayaa Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax iyo ku xigeenka labaad Cali Yuusuf Axmed oo dhinaca kale ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ay si cad u sheegeen in aanay waxba ka jirin isku shaandhaynta lagu sameeyay Gudi Hoosaadyada Golaha Wakiilada Somaliland.

marka laga yimaado shirka jaraa´id ee ay labada Masuul wada jirka u qabteen ayaa waxa uu Baashe Maxamed Faarax soo saaray Wareegto uu ku burinayo Gudi hoosaadka uu isku shaandhaynta ku sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland oo ay ka soo wareegtay muddo todobaadyo ahi.
Guddi hoosaadyadan uu isku shaandhaynta ku sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa durba doortay Hogaankoodii, waxaanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ilaa hadda ka gami´ Wayday labadda Gudi hoosaad ee Arrimaha Gudaha iyo Joogtada oo guddoomiyeyaashoodu ay noqdeen Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka tirsan Xisbiga Wadani isla markaana Hal adayg Banaanka Isu Taagay.
Dabka Xukuumaddu ay ka shidayso Golaha Wakiiladda ayaa hadii uu sii socdo waxa uu saamayn xoogan ku yeelan doonaan habsami u socodka Dimuqraadiyadda Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

WAJANEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS