Madal Kulmisay Cuqaal salaadiin iyo Muacaaridba oo lagu caleemo saaray Chief caaqil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madal Kulmisay Cuqaal salaadiin iyo Muacaaridba oo lagu caleemo saaray Chief caaqil
November 5, 2013 - Written by Editor:

Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga ee Somaliland Mudane Maxamed cabdilaahi Cumar iyo wasiirka maaliyadda ee Somaliland ayaa maanta ka qaybgallay munaasibad lagu caleemo saarayay Chief caaqil Dayib cabdi ciidle amaan munaasibaddaasi oo ka dhacday Ceelginiiseed oo ka tirsan Gobolka Gabiley .

Madasha Caleema saarka Chief Caaqil Dayib cabdi ciidle waxa kasoo kasoo qaybgalay Cuqaal tiro badan Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xassan suldaan , suldaanka Gobolka Gabiley Suldaan Ismaaciil suldaan cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Beesha Gobolka Gabiley Muuse xaaji muxumed Guuleed , Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Jamaal cali Xuseen , Mujaahid Cali guray oo ah Gudoomiye xigeenka labaad ee Ucid Masuuliyiin ka socday Xisbiga wadani iyo Martisharaf aad u tiro badan.

Dhamaan Sulaadiintii iyo cuqaashii halkaasi ka hadlay waxay iskadaba mareen Kaalintii wanaagsanayd ee alaha unaxariistee Caaqil cabdi ciidle amaan ku lahaa dhismaha gobolka iyo beelaha gabiley waxaanay u rajeeyeen in ilaahay ku garab gallo Chief caaqilka Cusub ee la caleemo saaray oo ah wiilkiisii inuu eebe u fududeeyo hawlaha horyaala .

COMMENTS
LINKS