WAJAALE NEWS
Maayerka Magaalada Turkuu Ee Dalka Filand Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada Gabiley Iyo Maayerka Gobolka Gabiley Oo ay Weheliyaan Xildhibaanad Golaha Deegaanka Oo Si Diiran U Soo Dhaweeyey
November 9, 2013 - Written by Wariye:
Gabiley(Wajaale News) Maayerka Magaalada Turkuu ee dalka Filand Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada Gabiley Iyo maayerka degmada gabiley Oo ay Weheliyaan xildhibaanad golaha deegaanka oo si diiran usoo dhaweeyey.
Waftigan uu hogaaminayey maayerka magaalad turkuu oo ay weheliso xildhibaanada Rood xasan c/laahi , oo maalihii u dambeeyey socdaalo ku marayey gobolad kala duwan ee Somaliland. Markii ay waftigan soo gaadheen gudaha magaalad gabiley, waxay kormeer indho-indhay ah kusoo mareen xafiisyada kala duwan ee dowlada hoose, iyo mashaariicda kala duwan ee ay dawlada hoose ka wado degmada gabiley.
Waftigani iyo maamulka degmada gabiley ayaa kulan ku qaatey xafiiska maayerka, waxaaney warbaahinta halkaasi kula hadleen.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadashay xildhibaan Rood xasan c/laahi, waxaaney u mahad celisay maamulka dawlada hoose iyo xildhibaanada golaha deegaanka, waxaan kamid ahaa hadaladeedii” maanta waxaan booqasho kujoognaa magaaladii gabiley, runtiina si qiimo weyn ayaa naloogu soo dhaweeyey, markii aanu aragney ina qadiyadii Somaliland ay u baahan tahay ina la gacan qabto oo, la keeno dad arka waxaynu qabsaney oo inoo hadla, oo caalamka ka dhaadhiciya waxaynu qabsaney, .” ayey tidhi xildhibaan Rood xasan
Maayerka magaalada Turkuu oo halkaasi ka Hadley ayaa ka dhawajiyey inuu meel walba oo aduunka ka mid ah gaadhsiin doono aqoonsiga Somaliland waxaanu yidhi” aad iyo aad baalan ugu faraxsanahay inaan booqasho ku imaado gobolka waxa soosaarka soamaliland ee la yidhaa gabiley, runtii aad baan ugu farxay horumarka iyo nabdgalyada ka jirta Somaliland, waxaan balan qaadayaa inaan meelkasta oo caalamka ka mid ah aan gaadhsiiyo inay Somaliland iyo Somalia ay kalo labo yihiin, waxaan magaalooyinka somaliland la smeyna doonaa xidhiidh, waxaan maayerka iyo golihiisa deeganka leeyahay ha noqonina kuwa meel dhaw waxa ka eega, aqoontiina iyo hogaamintiina dadka ku hogaamiya, oo ka Taga Raag muuqda oo dadkiinu ku farxaan , waxan rayaa inaynu marwalba xidhiidhno oo aynu kulano, Todobaadka soo socdana waxaan ka qayb galayaa shirka midowga yurub ee ka dhacay biljamka, waxaanan ka sheegi doonaa wixii aan Somaliland iyo gabileyba ku arkey.”ayuu yidhi maayerku
Mayerka degmada gabiley shucayb maxamed muuse oo halkaasi ka Hadley ayaa waftiga kusoo dhaweeyey magaalada gabiley waxaanu yidhi” maanta waxaan halkan kusoo dhaweeneynaa wafti uu hogaaminayo maayerka magaalada turkuu iyo xildhibaan Rood xasan waxaan leeyahay kusoo dhawaad gobolka gabiley, runtiin kulan muhiim ayaan qaadaney, waxaanu ka wada hadalney sidii loo midneyn lahaa maagalada uu maayerka ka yahay iyo magaalooyinka Somaliland, waxaanu uga mahadcelineynaa masaafada intaa leeg ee uu soo jarey, si uu xogagaal ugu noqdo xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland, fariinteenan u qaado.”
Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane
Related
COMMENTS
|
|