|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Uu Hogaaminayo Maayarka Magaalada Turku Ee Dalka Filand Iyo Waxyaabaha Ay Kulankaasi Kaga Wada-hadleen
November 2, 2013 - Written by Editor:Hargeysa,Somaliland November 2, 2013 (WAJAALENEWS)– Maayarka Caasimada Hargeysa magaaladda Md.C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTECO) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka Magaada qadiimiga ah ee Turku ee dalka Finland, kadib markii uu booqasho ku yimid dalka. Weftigan ka socda dawlada Finland ee uu hogaaminayo Maayarka Magaalada Qadiimiga ah ee Turku ee dalka Finland.Seppo Lehtinen ayaa waxay ka kooban yihiin sadex xubnood, kuwaas muddada ay dalka joogaan booqan doona qaar ka mida degmooyinka Sonaliland, isla markaana waxay sheegeen inay Xidhiidh wada-shaqeynayd la yeelan doonaan Golayaasha Deegaanka Somaliland Cabdiraxmaan SOLTECO isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Weftigan waxa la socda Rooda Xasan oo ah reer Somaliland,oo iyaduna hore u ahayd maayar ku xigeen ka magaaladda,imika xubin ka ah Golaha Deegaanka Magaaladda, iyo gabadh ka socota Green Party midowga Yurub oo iyaduna arrimaha dibadda kulan la yeelatay,” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaan aad uga mahad-celinayaa Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo nagala shaqeeyey hawshan baddankeedda, waana markii ugu horeeyey ee Somaliland uu yimaado maayar ka socda waddamada Yurub wax baddana waanu ka wada-hadalnay, waxyaalaha aanu ka wada hadalnay waxa ka mida in aanu xidhiidh fiican wada yeelano Somaliland iyo Finland,isla markaana naga gacan-siin doonaan sida Qashinka loo maamulo iyo Biyaha”. Mar uu Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ka hadlayey muddada ay Somaliland joogaan Weftigan uu hogaaminayo Maayarka Finland, ayaa waxa uu yidhi “Waxa kale oo ay soo eegi doonaan muddada ay Weftigani joogaan Degmooyinka waddanka,Waxaanay naga balanqaadeen inay waddankeena u noqon doonaan marin si adduunka siyaasad ahaan inooga caawiyaan, kulankayaguna warbaahinta wuu u furmaa waxayna naga caawin doonaan in xidhiidh la yeelano waddamada Yurub”. Maayarka magaaladda Turku ee dalka Finland Md.Seppo Lehtinen ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay soo booqdaan Somaliland, isla markaana xidhiidh wanaagsan dhex maro, isagoo Maayarkana ku booriyey inuu Samir,dadaal iyo waxqabad la yimaaddo si uu labaatan sanno uu maayar u noqdo. Waxaana kulankaasi goobjoog ka ahaa Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose Mawliid Cabdilaahi Weris. WAJAALENEWS.COM WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Xoghayaha Qaramada Midoobey Oo Sheegay In Dib U Dhaca Doorashadu Nusqaamisay Kalsoonidii Lagu Qabay ... Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Wakiilada Jsl Oo Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Canada Kala Qaybgala... “Somaliland Dhabihii Horumarka, Guusha iyo Ictiraafka Ayey Haysaa, Ee Midnimo Dambe oo Somaliya La M... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|