|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Dhagax-Dhigay Boqolaal Guri Oo Loo Dhisayo Barakacayaal, Iyo Bilowga Dawlada Hoose Ku Guuleysatay Inay Meheradihii U Horeeyey Hortooda Marmar Ka Dhigto
November 1, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa,(Wajaale News)-Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTECO),ayaa maanta dhagax dhigay Dhismayaal guryo ah oo loo dhisayo Barakacayaasha Xaafada Maxamed Mooge.Kuwaas oo ay maalgalinayaan Hay?addaha kala ah NRC,IOM, UNHCR,UNOCHA, iyo DRC, ayaa waxaa ka faa?iidaysan Doono In ka badan 900, Oo Qoys kuwaas oo aan Hore u Haysanin wax Hoy ah Oo ay Galaan. Munaasibadii lagu dhagax dhigayey Dhismayaashan cusub oo wejiga kowaad uu noqon doono Boqol Dhisme ayaa waxa ka qeyb galay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), Agaasimaha guud ee Wasaaradda dib u dajinta Maxamed Jibriil Aadan,Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee Gaashaan Saynab Gaas iyo xubno ka tirsan Saraakisha Hay´addaha Dhismayaashan maalgelinaya.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda dib u dajinta Somaliland Maxamed Jibriil Aadan, oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay Hay´addaha Mashruucan fuuliyey waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaya Hay´addaha Mashruucan fuliyey,mashruucan dhismaha ah oo wax tar weyn inoo ah, runtii haddii aynu inteenan halkan wada joogta oo wada ah ehelu kitaab, nasteexo ayeynu halkan u joogna, dadka danyarta ah ee dhulkan loo dhisanyaana faa´iido weyn ayey u tahay, Barakacayaasha Maxamed Moogena faa´iido badan ayey u leedahay, waxaana aad ugu faraxsanahay in Hay´adduhu soo eegaan Qaxoontiga Maxamed Mooge”. Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gaashaan Women Developement Org, Marwa Saynab Gaas oo ka mid ahayd dadkii ka qaybgalay hirgalinta mashruucan guryaha ah ayaa u mahadnaqday dadkii ka qaybgalay iyo hay´adihii maalgaliyeyba. Qaar ka mid ah Saraakiisha Hay´addaha Mashruucan Dhismahan fulinaya oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay sida ugu wanaagsan u fulinayaan dhismahan, iyaga oo xusay in boqolka guriga ee ugu horeeya xadhiga laga jarayo Isniinta soo socota haddii ILLAAHAY SWT yidhaahdo. Dhinaca kale, Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa bilowday ololaha lagu qurxinayo bilicda magaaladda Hargeysa, waxaanay meheradihii u horeeyey dhigeen marmarkii lagu qurxinayey magaaladda iyo wadooyinka hareerahoodda. Maayarka Hargeysa Md.Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa xalay soo kormeeray siday shaqadu uga socoto suuqa dhexe ee magaaladda oo ay ka wadaan bilic u samayn,isla markaana meheradaha hortooda ay dhigayaan marmar si wadada laamida ah iyo meheraha iskugu xidhmi lahaayeen,taasina usoo jiido bilicda magaaladda. Maayarka ayaa sheegay inay maalgalinayaan samaynta marmarka,isla markaana shaqalahooda qaybka qaadanayaan inay qaab isku mid ah u sameeyaan dhigidda marmarka, kaas oo ah mid isku nooc ah si aanay u kala duwanaan marmarada la dhigayo iyo qaabka loo dhigayo. Marmarkan la dhigayo meheradaha hortooda ayaa laga bilaabay badhtamaha magaaladda Hargeysa, gaar ahaan ka soo horjeedka Khayradda waxaana ilaa labaataneeyo meheradood la dhigay marmar isku nooc oo si siman oo ku sargo´an laamidda loo dhigay. Maayarka magaaladda Hargeysa Md.Cabdiraxmaan Soltelco ayaa sharaxaad ka bixiyey siday hawshu u socoto iyo qorshaha ugu tallogaleen dhigidda Marmarka, waxaana hadalkiisa ka mid ah”Maalmahan waxaanu ku jirnay qaabkii ay u hirgali lahayd qurxinta magaaladda, maadaama caasimadii qaranka ay tahay, isla markaana hormood u tahay magaalooyinka,sidaa awged waxaanu bilownay qurxintii magaaladda, waxaana meheradaha suuqa dhigayna marmar isku nooc, anagana maalgalinayna oo sii samaynayo ka dib marka la dhamaystiro ayey meheraduhu bixin doonaan lacagtii ku baxday, laakiin imika shaqalayaga iyo gaadiidkayaga ayaa ka shaqaynaya, waxaana mashruucaninoqon doono mid socda oo wada gaadha magaaladda oo dhan”. Maayarka ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin qurxinta iyo sidii magaaladu ula mid noqon lahayd caasimadaha aduunka,waxaanu shacabka reer Hargeysa ugu baaqay inay cashuurta bixiyaan si ay ugu dhiiradaan waxqabad la taaban karo. Sidoo kale,waxa uu baaq u diray shirkadaha qashinka guro iyo shirkadaha isgaadhsiinta ee xadhkahoogu sida qaabka daran uga lushaan magaaladda dhexdeedda,waxaanu shirkadaha qashinka gurana ku booriyey inay kala qaybqaataan bilicda iyo nadaafad magaalada,maadaama oo qashin guridda qandaraas ku qaateen, isla markaana shirkasta degmadii ka shaqayso aan lagu arag wax xashiish ah,sidoo kale, shirkadaha isgaadhsiintana waxa uu u soo jeediyey inay xadhkaha foolxumada u keenaya magaaladda dhulka hoos mariyaan, isagoo xusay in cidii ka dhego adayga ganaax la saari doonno.
Wajaale NewsHargaysa OfficeInfo:wajalenews@gmail.comRelated posts:DAAWO;-Xildlhibaan Cabdiraxmaan Dheere Oo Si Qaawan U Weeraray Odoyaasha Madasha Iyo faysal Cali War... Daawo-Sidii Shacabka Magaaloyinka Wajaale iyo Gabiley Usoo Dhaweeyeen Waftigii u Hogaaminayey Gudoom... Somaliland Oo Soo Bandhigtay Go’aan Ay Ku Fulinayso Heshiiskii Badda Ee Ay Itoobiya La Gashay! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|