Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan-SOLTECO Oo Ka Hadlay Dad Musuqa Dhulka Ay Iibsadaan Iyo Olole Ku Beegan Khamiista | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan-SOLTECO Oo Ka Hadlay Dad Musuqa Dhulka Ay Iibsadaan Iyo Olole Ku Beegan Khamiista
November 4, 2013 - Written by Wariye:

cabdiraxman solHargeysa (Wajaale News)-Maayarka Caasimada Hargeysa Md.Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTECO) ayaa sheegay inay jiraan dad caadaystay inay ka been sheegaan qiimaha ay dhulka siisteen si aanay cashuur baddan u siin dawladda Hoose.isla markaana waxa uu dadweynaha ku dhaqan Caasimada Hargeysa ugu baaqay inay Khamiista soo socota u diyaar-garoobaan hawlgal balaadhan oo lagu habeynayo waddooyinka oo qasinka lagu uruurinayo oo ay ka qayb-qaadanayaan Ciidamada kala duwan,hawl-wadeenada Caafimaadka iyo ardayda iskuuladda.

Maayarku waxa uu sidaa ka sheegay mar uu maanta kormeer shaqo ku tagay dhowr meelood oo ay ka wadaan jidad cusub iyo banaynba oo ay ku jiraan Xaafadda Daami oo waligeedba aan loo samayn Waddo ay isticmaalaan.

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTECO)

Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud  Caydiid (SOLTECO) ayaa markii ugu horaysay jid dheer oo isku xidhi doona saddex Degmo oo magaaladda Hargeysa maanta ka bilaabay degmooyinka 26 june, Axmed Macalin Haaruun iyo Gacan Libaax, kuwaas oo si toos ah  u gudbi doonta xabaalaha Naaso Hablood, sidoo kale waxa uu soo kormeeray wadada boqol iyo kontonka iyo wadada labada boqol ee ay isku xidhaan, isla markaana ay adeegsan doonaan gaadiidka xamuulka u sida Itoobiya iyo kuwo kale, waxa kale oo ay bilaabeen wadada idaacada ka soo baxda ee ilaa Xeedho u baxda oo ay maraan gaadiidka Jabuuti.

Mashruucyadan oo ay waddo dawladda Hoose ayaa ah mashaariic waa-weyn oo ay muddadii koobnayd ee  ay shaqeynayeen bilaabeen,isla markaana ay ku reeyeen dadweynaha degan deegaanadaasi.

Ugu horeyn, Maayarka caasimadda Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTECO) oo ka hadlaya waddo loo sameeyey xaafadda Daami oo aan hore waddo hagaagsan u lahayn ayaa yidhi “Waxaanu halkan ka bilaabnay waddadii aan hore u dhagax dhinay oo ka bilaabmi doonta Jeelka Hargeysa waxayna soo daba martay Xero-jaadka ka dibna ku xidhmi doonta Xabaalaha Naaso hablood”,

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waddadani waxay soconaysa saddex Killo-Mitir, waxayna yeelanaysaa hal Biriij oo la dulmaro, waxaanan doonayna in aanu ilaa Xabaalaha gaadhsiino.Waddadani waa waddo hal bawle ah oo Caasimada muhiim u ah, had iyo jeer wuxuu culaysku saarnaa waddada halbawlaha ee badhtamaha Magaaladda,Xaafadan Daami waa xaafad aan hore waddooyin looga sameyn, waa waddadi ugu horaysay ee ka gudubta xaafada dhexdeeda”

Maayarka oo ka hadlayey waddadan xaafadda Daami loo sameeyey. Sidoo kale, waxa soo dhoweeyey oo afka deegaanka ku hadlay Afhayeenka guddida degmada gacan libaax iyo Axmed Macalin Haaruun iyo odayaasha Guurtidda ee xaafadan ku nool kuwaas oo si weyn usoo dhoweeyey banaynta wadadan oo ay sheegeen inay baahi weyn u qabayn.

Waxa kale, oo Maayar Cabdiraxmaan SOLTECO oo ay wehelinayaan gudoomiyaha dhulka dawladda Hoose Maxamed Warsame Timacadde iyo Agaasimaha qorsheynta Cabdilaahi Ubax ayaa kormeeray Waddada boqol iyo kontanka iyo wadada laba boqol halka ay iskaga xidhmaan oo labaddii bilood ee u dambeeyey ka shaqaynayeen hagaajinteeda iyo banaynteeda, waxaana warbixin ka siiyey gudoomiyaha dhulka Maxamed Timacadde iyo Agaasimaha qorsheynta Cabdilaahi UBAX, kuwaas oo sheegay inay wadadan tacab badan ka gashay, isla mrakana muddo dheer socotay, taas oo ay mari doonaan baabuurta waaweyn si ay samxadda uga yaraadan magaaladda dhexdeedda.

Md. Cabdiraxmaan SOLTECO oo waddadan muhiimada u leedahay bulshadda ka hadlaya waxa uu yidhi “Waddadan waa wadadda labadda boqol iyo boqol iyo kontonka halka ay iskaga xidhmaan, Wadadani wakhti badan ayey dayacnayd, af uun bay ka ahayd waddo oo aanay jirinba, run ahaantii dadaalka xildhibaanada iyo masuuliyiinta ayey ku suurtogashay,Waddan waa wadadii (Berbera Corridor) waxaana madaxweynaha iyo xukuumada dhexaba ka codsanaynaa inay mashaariicdii lagu horumarinayey ama lagu dhisayey la bilaabo, si hadhow gaadiidka Itoobiya Raashinka u sida iyo gadiidka kalaba u mari lahaa si magaalada saxmaddu uga yaraato, marka wadadan waxaanu ku samaynay meelihii godadka iyo laagaha ku lahayd sii hagaajino, oo biyo mareenadeeda hagaajino,Wadada boqol iyo kontonka hadba inta aanu ka qaban karayno ka qabano oo aanu samaynay”

Maayarka Hargeysa oo la waydiiyey su?aal ahayd inay jiraan dad ka cabanaya inay faylalka dhulku ka habsaamaan oo aanu maayarku hore u saxeexin waxa ka jira arrintaasi,waxaanu kaga jawaabay “Ma jiraan wax faylal ah oo xafiiskayga ku habsaama,laakiin waxa jira dad Musuqmaasuq uga bartay dawladda Hoose oo waliba dhulka la kala iibsanayo ah,waxaanu shalay qabanay ama saxnay meesha lagu iibsaday boqol iyo lix iyo labaatan kun oo dollar, inay noo soo qoreen inay ku kala iibsanay 18 kun oo dollar,adeer Hargeysa aqoon baanu u leenahay meel walba inta la siiyo ayaanu garanaynaa,ninkii Tuugo u soo badheedhayyow faylkaagu wuu oolayaa,ninkii kalowna shaqadoodu si fiican bay u soconaysaa”

Sidoo kale, oo la weydiiyey dadka wadooyina sharci daro ku soo galay ee waddooyinka xidhiidhiga ka dhigay ee markasta laga burburiyo waxay farayaan, waxa uu yidhi “Dadweynuhu ha ogaadan inay u hagaajinayaan magaaladda oo noqotay magaalo xidhiidhi noqotay, waxaana dadweynaha u sheegaaya in maalinta khamiista aanu galayno olole balaadhan oo nadaafadeed, waxaana baaq usoo jeedinaya wasiirka waxbarashada,wasiirka caafimadka, taliyaha Booliska iyo Taliyaha Miilariga inay nagala soo qaybgalaan ololah nadaafadda oo ardayda iyo ciidamadu ka qaybqaataan inay goobaha u dhow nadiifiyaan, MCH-yadu goobaha udhow nadiifiyaan, ardayuna sidoo kale,waxanu ka hawlgali Doona khamiista soo socda cisbitaalka dhexe iyo agagaarkiisa, Suuqa dhexe, ka soo horjeeda suuqa gobonimo, gobolada iskuulka iyo kaalinta shiidaalka indho birta inta u dhexeysa cidii dhisatay waa khalad, Gooladda jigjiga yar oo meelihii biyuhu marayeen ay kolayo dhex dhigteen,shacabka oo ah soonihii dawlada ee ka caagaana in ganacsi laga dhigo,waxaan leeyahay ka guuro inta khamiista ka horaysa”

Waxa kale oo wax laga waydiiyey shirkadaha Qashinka gura iyo sida aanay u nadiifin magaaladda waxaanu yidhi “Anaga dhaqaale noogama madhxo xaga qashinka, iyaga lacag kaba waanu siinaa, hadana gaadiidkayagaiyo cagaftayadu ma istaagaan, wakhti baanu siinay imika,aanu ku nidhi gaadiidkiina ku soo dhamaystirta, degmo walba waxaanu ka doonaynaa todoba gaadhi, wakhtigaasi marka uu dhamaaado shirkadii ku dhacda waxaanu marin doonaa sharciyadda”.

Dhinaca kale,waxa maayarka iyo masuuliyinta dawlada Hoose booqdeen jid cusub oo ay ka wadaan dhismihiisa istaanka Jabuuti ilaa Xeedho soconaysa, isla markaana ay ka qaybqaadanayeen Baabuur waaweyn oo ay soo iibsadeen.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS