|
|||||
WAJAALE NEWS
Maamulka Maroodi-jeex Oo Ka Warbixiyay Deegaamo Khasaare Roobabku u geysteen
November 14, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaale News)-Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodijeex Mr Rashiid Axmed Maxamed oo ku gudo jira kormeer ku saabsan xog ogaal u noqoshada xaaladda degmooyinka gobolka hoos yimaadda ayaa maanta warbixin hordhac ah oo faahfaahsan ka bixiyey roobabkii gobolka ka da’yey maalmahii u dambeeyey iyo deegaanada khasaarauhu soo gaadhay.Gudoomiye ku xigeenka oo maanta u waramay wakaaladda wararka Somaliland ee Solna isagoo ku sugan degmada dararaweyne ayaa sheegay in intii uu kormeerkiisa uu ku maray deegaanada kala ah Dararweyne, jaleelo, Xumbo-weyne, Alaal-cadka, iyo Sabowanaag, indhihiisana uu ku soo arkay deegaanada khasaaruha gaadhay. Sidoo kalena xidhiidh dhinaca taleefoonka ah uu kula hadlay maamulkii degmooyinka kala ah Faroweyne, Daarasalaam, iyo Sallaxley. Md Rashiid waxa uu sheegay in degmada Dararaweyne iyo nawaaxigeeda oo keliya ay dumeen illaa sideetan guri oo u badan dergedo dhoobo ka samaysnaa oo hoy u ahaa dadweynaha deegaanka, ugu yaraana ay ku baro kaceen 200 qoys, kuwaasoo si ku meel gaadh ah loogu daad-gureeyey xarumahii Schoolada iyo saldhigyadii Booliska. Isla degmada dararaweyne ayaa gudoomiye ku xigenku waxa uu xaqiijiyey in ugu yaraan Kun neef oo xoolo ahi ay ku dhinteen kuwaasoo u badan deegaanada Dhamalka, xumboweyne iyo laasgeel. Dhul beereedkiina ay saamaysay dhibaatadani, Halka sidoo kalena degmada Cadaadley ay ku riiqdeen xoolaha qaarkood. Dhanka kalena badhasaab ku xigeenka Gobolka maroodijeex Md Rashiid Axmed Maxamed xidhiidhkiisa taleefoon ee uu la sameeyey degmooyinka kala ah Salaxley, faroweyne iyo sabowanaag, ayaa maamulka deegaanadaasi waxa ay ku wargeliyeen in ay barwaaqaysteen oo aanay illaa hadda haynin wax khasaare ah oo soo gaadhay, halka degmada daarusalaam ay dhibaato soo gaadhay dhanka xoolaha nool gaar ahaan deegaanada xeebaha ku dhow. Isla markaana ay go’an yihiin jidadkii geli jiray magaaladaasi oo ay rogmanayaan daadad xoogan oo ka dhashay Raxmadda weli ka da’aysa halkaasi. Gudoomiye ku xigeenka Gobolka oo weli ku gudo jira socdaalkiisan uu ku qiimaynayo khasaaraha ka yimid roobabkii iyo dabayshii qoyanayd ee is huwanaa ee maalmahan ka da’ayey deegaanada Gobolka ayaa waxa uu farriin u soo diray dhamaan hay’adaha samafalka ee caalamiga ah, ururada wadaniga ah, ganacsatada waaweyn ee Somaliland iyo Xukuumadda dhexe isagoo ka codsaday inay ka qayb qaataan sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa dadka ay gacmahoodii ka baxeen wax kasta oo ku jiray kuwaasoo ay dhaafeen xoolahoodii noolaa ee ay haysteen iyo dadka kale ee ku barokacay roobabkii da’ayey oo ahaa kuwo watay dabaylo qoyan. Wajaale News
|
LINKS
|
||||
|