Ma kari karno kudul noolaanshiyo ee mudo korodhsadka labada golee ee lagu khasaaray…… | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma kari karno kudul noolaanshiyo ee mudo korodhsadka labada golee ee lagu khasaaray……
November 18, 2013 - Written by editor

IbarhimCige

Markaan Dib u eegno waayihii isa soo daba yaalay waxa soo if baxaya Xanuuno Daneed, Waxaana aynu ahayn umad ahaan Umad qiyam & dhan leh oo sifiican u taqaan cidwaliba cida kale waxay ka mudantahay, walibana wax uu geed joogeenu ahaa mid leh hadaf layaqaan.

Ma hubsadayaal iyo damac daneed layaal ayaa naftooda hafarada (G8) u haysta kuwo wax tari kara, waxa geed joogeenu uu cadeyn kari la’yahay mahdabta iyo caqiidada uu dalkani leeyahay , Barnaamij ay dajiyaan oo Dal & Dad wax tari kara daaye.

Umadda Dalkan Somaliland ( Ceelaalyo – lawyo cado )waa isku Dan isku nool ah , Dayartooduna uma baahna Godob laysku geliyo iyo xaalad abuurid toona , waxaad arkaysaa in labdadii wada socday ay been kuwada socdeen ooy isqabsadeen saxaafadana sijoogta ah uga yayootamaan waxa lasugayay in Dal dhan oo kamida kilalka shanaad xil layska saaro ,itijaad cad oo laxidhiidha hanaanka u ageedida ummada ee dibadeed iyo gudabana ay dajiyaan , waxna uga meel yaalaan kala jeclaysiga siyaasadu keento.

Mida kale calankayagu waa kii Eebe sareeye aadamaha ugu talo galay cid wax uga baahan yahayna majirto, naftooda hafarada lagu meeraysanayo ee ictiraafka laga doonayaana iyagaa u baahan .

Hadabba waxaan Odayga Guud ee dalka( Madaxweynaha ) usoo jeedinayaa golayaashii geed jooga inoo ahaa wixii lamoodayay ay noqon waayeen oo ay noqdeen kuwo aan naftooda dhaafsiisnayn (Danaystayaal) Ma kari karno kudul noolaanshiyo ee mudo korodhsadka labada golee ee lagu khasaaray aad laabtid, axsaabta u taakan muramada iyo yoolyootanka aad tirtirtid (Saddexda Xissbi) wax isla jeclaana lagu shaqeeyo kala jecleysina laga fogaado waxaana inagu filan madax dhaqameedkii 1960kii oo Golle Guud inoo noqda ,taasaa cidwalba deeqi karta .

ALLA MAHAD LEH

Ibrahim Cige Iidle

COMMENTS
LINKS