Khilaaf muddo huursanaa oo dhexyaala Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Abaanduulihiisa oo debeda u soo baxay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaaf muddo huursanaa oo dhexyaala Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Abaanduulihiisa oo debeda u soo baxay
November 16, 2013 - Written by Editor:

Khilaaf muddo huursanaa oo  dhexyaala Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Abaanduulihiisa oo debeda u soo baxay!.

Hargeisa-(wajaalenews)-khilaaf beryahanba soo jiitamaayey oo ka dhex aloosan taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Major General gaas Ismaaciil Shaqale  iyo Abaanduulaha ciidanka Qaranka Brigadier general Abdulahi Jaamac calas ayaa la sheegay inuu todobaadkii la soo dhaafey markale debeda u soo baxay.

darajada-ciidamadaca

Labadan sarkaal ee ugu sareeya ciidanka qaranka Somaliland ayaa la sheegay in wada shaqeyntooda oo markii horeba liidatey ay ugu darsantay muran kale oo ku saabsan derejo-bixinta ciidanka oo Abaanduuluhu ka biyo diiday siiba saraakiisha beeshiisa Harti ka soo jeeda oo aan la raacin qaabkii uu uga warbxiyey Talaabadaas oo uu u arkay quudhsi iyo bahdilaad loola badheedhay .

Geesta kale Abaanduulaha ciidanka Calas ayaa la sheegay in markuu xarunta Ciidanka tago maalintii  shaqadiisu ku eeg tahay inuu Wargeysada ku akhristo xafiiskiisa balse aan wax talo ah la weydiin,arina laga talogelin ee magac beeleed uun ku joogo.

Geesta kale gudi madaxweyne Siilanyo u magacaabay inay xal ka gaadho ama soo afjarto khilaafkaa gaamuray ee u dhexeeya labada sarkaal ee ciidanka qaranka u sareeya ayaan weli  meel lagu tiirin

xigasho qarannews

wajaalenews.

COMMENTS
LINKS