|
|||||
WAJAALE NEWS
Isuduwaha Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Ee Gobolka Saaxil Waxaan leeyahay Ma Gaadhid Gudoonka Gobolka Ee Caga-dhigo!.
November 19, 2013 - Written by Editor:Isuduwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Saaxil Saleebaan ayaa waxa uu leeyahay magacyo baddan iyo awoodo ka baxsan shaqadiisa,taas oo uu ugu hanjabo masuuliyiinta dawlada ee xilalka ka haysa Gobolka Saaxil. Hadaba, waxay su’aashu tahay waa maxay Awooda isu-duwaha Awqaafta Gobolka Saaxil isticmaalayo?
Saleebaan waxa uu ahaa nin Sheekha oo tujiya Masaajid ku yaala Xaafada Daaroole ee Magaalada Berbera, waxa kale oo jira aragtiyo kale oo aan ka qabo qaabka hab-dhaqankiisa ee uu bulshada ula dhaqmo,isaga oo ku yidhaahda dadka uu u arko inay muraad u leeyihiin madaxda sar sare ee Gobolka Saaxil, maxaad uga baahan tahay aniga ayaa soo dhameynayee, isaga oo sheeganaya inuu metelo masuuliyiintaas aan kor ku soo sheegnay.
Markaa waxaan leeyahay Isuduwe Saleebaan Siyaasada khalad ayaad ka fahantaye hab-dhaqankaaga wax ka bedel, oo iska daa hoos Cararka Marwada kowaad ee Somaliland Marwo Aamina Weris marka ay timaado Gobolka Saaxil, marwadanina maaha marwadii la hoos carari jirey. Waxaanad ahaan jirtay ayaan leeyahay Saleebaan aqoon Diineed, ee waa inay hab-dhaqankaaga ka muuqataa, oo aad ku eekaata xilka Isuduwe-nimo ee aad Gobolka Saaxil ka haysid.
Ugu danbeyntiina waxaan maqaalkaygan ku soo gebo-gabeynayaa Saleebaanoow ma gaadhid xilka gudoonka Gobolka Saaxil. Qalinkii Axmed Maxamed Marshaal Hargeysa/Somaliland Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|